Darajooyinka ciidammada Somaliland ee xilligan uu Ahmed Siilaanyo bixinayaa Muxuu ula jeedaa?

Waxa Daabacay on Feb 3rd, 2013 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Somaliland waxa ay maraysaa wakhtigii ugu adkaa ee ay soo marto illaa iyo intii ay soo jirtay, waxana cirka isku sii shareeraya xaaladaha siyaasadeed ee ka aloosan  gudaha Somaliliand. Taas oo lagu jahawareersan yahay dhinaca ay wax ka socdaan iyo dhanka ay u socdaan. Caddaalad xumada iyo amar ku taaglaynta ayaa beelaysan ayaa sii xoogaysanaysa. xad gudubka xuquuqda xorriyadda muwaaddiinta ayaa degaanno badan ka aloosan. ha u badnaadaan Borama iyo nawaaxigeeda.

Docda kale waxa socda, mooshinno siyaasadeed iyo kuwo maamul oo wajiyo badan, waxa lagu khal khalsan yahay dawladda Ingiriisku warkii ay ku sheegtay in aanay Somaliland ahayn meel ay isku aamini karaan muwaaddiniinta Britain. Qaylo dhaan hor leh ayaa ka soo yeedhaysa siyaasiyiinta asxaabta mucaaridka ah. Dhawaaqydaasi oo tibaaxaya sidii looga gaashaaman lahaa duufaannada Siyaasadeed ee  ku soo fool leh Somaliland iyo jiritaankeeda. Mawqifkii laga qaadan lahaa shirka loo ballansan yahay ee Somalida loo qabanayo iyo mansab xumada ay Somaliland kaga qayb galayso.

Intaa waxa dheer mooshinnada dadka lagu jahawareerinayo ee kolba mid jeebadaha lagala soo baxayo. Waxa ka mid ah sidii loo fasiqi lahaa nabarradii doorasha oo iyagu weli doogsanaya. Waxana loo xoog sheegtay Xaqsoor iyo madaxdoodii oo guddoomiyihii ururkaasi ayaa Hargeysa ka noqday Tuke baal madaw. Wax dambiya oo uu galayna aan la garanayn. Zaylac oo iyana weli lagu jeedinayo shacabka ayaan mashaariicdeedii dhammaan.

Qudbaddii loo soo qoray sidii curiska ( ISHADA) ayaa hadal haynteedii ay laba casho dhaafi weydey. Waxa immigana la hadal hayaa sida uu Ahmed Siilaanyo ku bixiyey darajooyinka ciidammada, waxaanay qosol Daamanku jabeen dadkii dhegaystay jawaabta ay ka bixiyeen bixinta darajada, qolyaha sheegtay in ay Duqa hawsha la wadaan, taas oo maanta laga dhagaystay Idaacadda VOA laanta afka Somaliga…halkan guji:

Waxaad ku dhagaysataa Real Player or Window Media Player

Bixinta darajada ee Axmed/Siilaanyo ayaa ujeedada uu ka leeyahay dadka qaarkii ku tilamaamayaan, in ay tahay siyaasad uu odoroskeeda damacsan yahay, taasi oo ah mida wadahadalka Soomaaliya, oo hadii caalamku ku khasbo midaw uu doonayo in uu ku gorgortamo intaas oo Janan iwm ah, uu yidhaa ha la iga aqbalo, wuxuuna ka hor degayaa in sidii 1960kii aan la waayin sarkaal reer Somaliland, xiligaasi oo Ismaaciil Axmed Ismaaciil oo keli ahaa Gaashaan aanu lahayn xidhay, isla markaana uu noqday sarkaalka keli ah ee goboladii waqooyi kaga jiray saraakiishii ciidamada xooga ee wakhtigaasi, Sidaas Awgeed xaalku waxa la moodaa in saacadu ay garaacayso dhawaaqa heestii ahayd ” Markay doontu degayso dadka saaran dusheeda Naxdin way iska daadshaan !!!!”

Nala jooga, la soco wararka iyo faallooyinka arrimahan cakiran ku saabsan.

Awdalpress.com


This post has been viewed 2937 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal