Awdalpress(Boorama) 03 Jan, 13–Booliska magaalada Boorama ayaa xalay ku xidhay saldhiga dhexe booliska Fowsi Abdirahmaan Warfa oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska.
Booliska ayaa qabtay ninkan isaga oo ka ambabaxaya magaalada, isla markaana u socdaalaya dhinaca dalka jabuuti. taas oo looo malaynayo in uu fulinayay Amarkii dawlada Ingiriisku ugu sheegaysay dadka haysta dhalashadiisa in ay ka soo baxaan Somaliland
Ninkan haysta dhalashada Ingiriiska ayaan la garanayn sabab loo xidhay, balse wuxuu ku sugnaa magaalada Boorama mudo ku dhaw bil, wuxuuna u yimid magaalada Aabihii iyo Walaalkii oo ku jira cusbataal, lama sheegin sababta loo xidhay, waxaase loo malaynayaa in kooxo nabadsugida Somaliland ahi ay weydiisteen shaxaad amase Jaad, taas oo uu ka gacan adaygay Fowsi yidhina ma bixinayo Baad, dalkana waxaan ku joogaa sharci.
Arintan lagu xidhay shaqsiga sita dhalashada Ingiriiska Somaliland, ayaa xumayn karta xidhiidhkii sii liitay ee mudooyinkan ka dhexeeyay Somaliland iyo dalka Ingiriiska.
Wararkan ayaa shabakada Awdalpress waxay ka heshay Ehelada Fowsi oo ku sugan magaalada Boorama.
Awdalpress
London
This post has been viewed 1337 times.








