Borama oo diidday in ay ka muddaharaaddo dhawaqii ka soo baxay dawladda Britain iyo wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo Addis Ababa looga yeedhay

Waxa Daabacay on Feb 2nd, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

latest_news_greekshares1-300x225Awdalpress – London – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Borama ayaa sheegaya in la diiday in la sameeyo muddaharaadyo lagu diiddan yahay dhawaqa amma baaqa ay dawladda Britain muwaaddiniinteeda ugu digayso dhinaca ammaankooda.  Xukuummadda Somalilandna waxa ay magaalada Borama  iyo gobollada galbeedba ka bilowday in ay xidh xidho odayaal uu ka mid yahay Muuse Carab Dugsiiye oo ahaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Waxana xadhigaa iyo arrimaha kale ee ay hoos ka wadaan lala xidhiidhinayaa muddaharaadka ay shacabka reer Borama diideen.

Shacabka reer Borama iyo guud ahaanba gobollada galbeedka ayaa dhagaha ka furaystay, muddaharaadyada xoogga badan ee ka dhacay magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Ceerigaabo, Burco iyo Gebilay, bannaan baxyadaasi oo lagu diiddanaa dhawaqii ay dawladda Britain ugu digaysey shacabkeeda ku nool Somaliland.

Dhicaca kale waxa diiday siyaasiyiin ruug caddaa ah oo uu ka mid yahay Faysal Cali Waraabe ( guddoomiyaha UCID) iyo Boobe Yusuf Ducaale oo ahaan jiray wasiirka warfaafinta ee dawladda Ahmed Siilaanyo. Siyaasiyiintaasi oo aad uga biyo diiday muddaharaadyada uu dhex boodayey madaxweynaha Somaliland isla markaana lagu gubay calanka Ingiriiska. Iyada oo ay shacabku si cadho leh ugu dhawaaqayeen eriyo fool xun oo cay iyo aflagaado ah.

Bal dhegeyso dooddan, oo guji warkan:

01.02.2013
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxa uu ku saabsan yahay digniintii Britain ee ka dhanka aheyd amaanka Somaliland iyo Jawaabta ay Somaliland ka bixisay digniintaas. Faahfaahin

Dawladda Itoobiya iyo safaaradda Ingiriika ee Addis Ababa ayaa iyana u yeedhay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo madaxa sir doonta warkanna waxa aad ka akhrisan kartaan halkan:

London (Halbeegnews)-01/02/2013-Dawladda Ingiriiska iyo Itoobiya ayaa manta si deg deg ah magaaladda Hargeysa uga duuliyay wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jaamac Maxamed Bootaan.mohamed abdilahi omar

Sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waaheen u xaqiijiyeen goor dhaweyd waxa uu labada dhinac kulan uga furmay magaaladda Addis ababa ee Dalka Itoobiya, balse kulankaasi oo bilowday isla markii ay diyaarad khaas ah oo hargeysa ka qaaday ka degeen wali wuu socdaa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa toddobaadkan Addis ababa ka soo laabtay hase yeeshee wakhtigaasi Dawladda Itoobiya may qaabilin wallow uu war-saxaafadeed uu ku qabtay Hotelka Hilton ku sheegay inuu u socday Olole doceed uu ka bar bar waday shirka Midawga Yurub, kaasoo uu sheegay inuu kula kulmay Dyblamaasiyiin Kiiniyaan iyo Jarmal ah.

Wakhtigaa uu Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ku sugnaa Addis ababa ayaa ku beegnaa isla maalintii ay Dawladda Ingiriisku ku dhawaaqday qaylo dhaanta ay Dadkeeda ugaga digayso u safarka iyo joogitaanka Somaliland, taasoo ay ka soo saartay baaq dhiilo ah oo xambaarsanaa Somaliland inaanay amaan ahayn, balse wax kulan ah iyaga oo aan la yeelan wasiirka ayuu wasiirku deg deg uga soo baxay isagoo Hargeysa ku qabtay kulan saxaafadeed uu ku beeninayo.

Lama oga ujeedada dhabta ah ee ay labada Dawladood ee Ingiriiska iyo Itoobiya ugu yeedheen wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Masuulka ugu sareeya Sirdoonka Somaliland, hase yeeshee waxay u muuqataa inay u bandhigayaan xogaha ay ka hayaan Somaliland ee la xidhiidha cabsida ay sheegeen.

Xukuumadda Somaliland ayaa bilowday tan iyo intii ay Qaylo dhaanta Ingiriisku soo baxday hawl galo ay ku qab qabanayaan dad looga shakisan yahay Al-shabaab, inta la ogyahayna sida ay waheen Xogo ku heshay waxa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa laga qabtay sadex qof oo uu ka mid yahay nin ay walaalo yihiin Amiirka Kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane iyo laba nin oo kale.

Xukuumadda Somaliland ilaa hada may sheegin dadkaas ay qab qabatay inay yihiin kuwa ay Dawladda Ingiriisku ka shakisnayd inay hawl galo fulinayeen iyo inkale, hase yeeshee waxa la filayaa sababaha keenay in si deg deg ah loogu yeedho inay ka mid yihiin Ragaas ay qab qabteen.

Si aksta ha ahaatee talaabada loogu yeedhay Madaxda Somaliland ayaa calaamatul su’aal sii saaraysa wada shaqaynta Dawladahaasi iyo Somaliland, waxaana loo baahan yahay Xukuumadda Somaliland inay qaado talaabo ay ku xaqiijinayso amaanka Dalkeeda.

Waaheen

Mar ay shabakadda wararka ee awdalpress.com la xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Britain ayey  sheegeen in indhaha lagu hayo waxa ka dhaca Somalia iyo Somaliland, sidoo kale waxa ay si cad noogu sheegeen in ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada muddaharaadyada iyo hadallada ay siyaasiyiinta reer Somaliland ka sii daayeen idaacadaha iyo TVyada. Laakiin waxa ay hoosta ka xarriiqeen in aanay ka horjeedin Somaliland iyo shacabkeeda ayna qirsan yihiin in ay hannaan nabad gelyo ku dhaqmayaan, laakiinse looga baahan yahay hawl intaa ka badan oo mas’uuliyadi ka muuqato. Balse waxa ay carrabka ku dhufteen in ammaanka mandiqaddu uu aad u liito. Isla markaana ay xaq u leeyihiin in ay muwaaddiniintooda u digaan. Balse waxa ay la yaabeen in arrintaa laga muddaharaado amma loogu cadhoodho dawladda Ingiriiska.

Awdalpress.com

 


This post has been viewed 936 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal