Awdalpress – London – Warar sugan oo shabakadda awdalpress.com ay saaka ku heshay khadka telefoonka, ayaa sheegaya in Guddomiyahii xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal Muuse Carab Dugsiye lagu xidhay saldhigga Boliska ee magaalada Borama. Goddomiyaha oo mid ah odayada gobollada Awdal iyo Salal ayaa saaka loo taxaabay Jeelka. Wararka xadhiggiisan ka warramayaana waxa ay hoosta ka xarriiqayaan in amar ka yimid Hargeysa lagu xidhay. Saaka waabarigiina lagala baxay gurigiisa oo ku yaalla Borama.
Mudane Dugsiye maaha markii koowaad ee la xidhay waxana uu aad uga hadlaa, xuquuqda shacabka reer Awdal iyo tacaddiyada lagu hayo. Guji sadarka hoos ku qoran ee uu Video-gu ugu dambeeyo:
Muuse Carab, Saylac waa halkii somaliland lagu aasi lahaa VIDEO …
Xadhiggan Muuse Carab oo saaka barqadii uun ay magaaladu ku baraarugtay ayaa aad looga cadhaysan yahay, waxana ay shacabka Borama iyo Lughayi bilaabeen abaabul ay doonayaan in ay ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan, in muwaadddinkan xuquuqdiisa lagu xadgubay, oo si khaldan loo xidhay.
Wixii warar ah waan idinla socodsiin doonnaa
This post has been viewed 1578 times.








