Wargelin ku socota Jaaliyadaha reer Adal ee dunida iyo gudaha Somalia.

Waxa Daabacay on Feb 1st, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

breaknewsSida laga warqabo, waxa bilahan sannadka horraantiisa, lagu ballan sanaa in la sameeyo xus weyn oo xasuus u ah dadkii masaasiinta ahaa ee tirada badnaa ee lagu xasuuqay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay sannadihii 91 iyo muddadii ka horreysey, waxa kale oo iyana la xasuusan doonaa, dhagarihii laga galay shacabkii sida nabadda ah u marayey Jidka Kala-Baydh iyo kuwii habeenka loogu yimid tuulada Seemaal. Sidoo kale waxa iyana la xasuusan doonaa, wiilkii yaraa ee Jimcaale ee sida badheedhka ah loogu malgay magaalada Borama dhexdeeda, iyo weliba gabadhii 7ba jirka ahayd  ee baabuurta madaxda Somaliland ay ku jiidhay jidka Borama.

Haddaba waxa la xasuusinyaa shucuubta ka soo jeedda galbeedka gobollada woqooyi amma Somaliland in ay u diyaar garoobaan xuskaa oo ka dhici doona dalka gudihiisa iyo dunida daafeheeda. Immigana waxa socda u diyaargarawgii iyo  abaabulkii hawshaa. Wixii faah faahin ahna waxa aan idiinku soo qori doonnaa shabakaddana wararka iyo faallooyinka ee awdalpress.com

Awdalpress.com


This post has been viewed 2124 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal