Madaxweynaha Somaliya Hassan Sheekh ayaa caawa booqasho ku tegey dalka Ingiriiska, waxana uu la kulmi doonaa madaxda dalka Britain.

Waxa Daabacay on Feb 1st, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Madaxweynaha dalka Somaliya Mudane Hassan Sh. Mahamoud oo in dhawaala ahba socdaalo is daba joog ah ku kala bixiyey dalal badan oo ay ka mid yihiin Maraykan, waddammada geeska Afrika iyo Yurub. isla markaana socdaalladiisaasi kula kulmay madaxda dalalkaasi.

Socdaalladan oo lagu tilmaamay kuwo guulo soo hooyey, ayaa waxa ugu mudnaa safarkiisii Maraykan, oo lagu qaabilay aqalka cad. Halkaasi oo loogu sheegay in ay dawladda Maraykanku aqoonsi rasmi ah siisay dawladda Madaxweyne Hassan.  Sidoo kale waxa si weyn loogu soo dhaweeyey xarunta waddammada Yurub ee Brussiles, halkaa oo uu iyana kula kulmay madaxweynaha Yurub iyo madax badan oo reer Yurub ah.

Caawana waxa uu ka soo degey maddaarka Heathrow Airport, waxana uu maalinta Sabtida ah la hadli doonaa kummannaan ka tirsan Jaaliyadda Somaliyeed ee deggen dalka Ingiriiska. Maalinta Isniinta ah ee ay bisha Feb. tahay 4tana waxa uu hadal dheer ka jeedin doonaa aqalka lagu magaacbo Chatham House ee lagu naaqisho siyaasadaha dunida, gaar ahaan kuwa dunida soo koraya. Ciddii doonaysa in ay ka qayb gasho ee weliba su’aalo qabtaana waxa ay iska sajili karaan shabakadda www.dayaxnews.com.

Wixii war ah ee arrimahaa la xidhiidha nagala soco shabakadda awdalpress.com

Awdalpress.com


This post has been viewed 432 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal