Madaxweynaha Somalia mudane Xasan Sheekh ayaa Xarunta Yurub ee magaalada Brusseles kala kulmay soo dhaweyn aad u heer sarraysa.

Waxa Daabacay on Jan 31st, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu safar ku jooga hadda xarunta midawga yurub ee Brusseles ee waddanka Belgium wuxuuna kulan maanta halkaasi kula yeeshay Madaxweynaha golaha Midawga Yurub Mr.Herman Van Rompu, wuxuu sidoo kale kula kulmay xarunta golaha midawga yurub Guddoomiyaha koomiishanka midawga Yurub Jose Manuel Barroso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Oo La Kulmay Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso

Kulanka labada dhinac dhex maray ayaa qoraal laga soo saaray wuxuu u dhigna sidnai

“Madaxweynaha ayaa waxaa uu xarunta Midowga Yurub kula kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mr.Herman Van Rompuy, kaasi oo madaxweynaha si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta Midowga Yurub. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo bogga cusub ee Soomaaliya u furmay kaddib dhowr iyo labaatan sano oo dhibaato iyo dowlado ku meel-gaar ah ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa uu sidoo kale xarunta Midowga Yurub kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso, kaasi oo ay kulankooda iskula soo qaadeen arrimo ay ka mid ahaayeen  xiriirka labada dhinac, xaaladda Soomaaliya, mustaqbalka Soomaaliya iyo wada shaqeyn dhexmarta labada dhinac.

Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya uu u furmay bog cusub oo ay dadka Soomaaliyeed aayahooda uga tashanayaan, wuxuuna caddeeyay in intii uu socday kulankii ay madaxweynaha Soomaaliya yeesheen ay isla garteen muhiimadda joogteynta dowlad laga wada qeybgalay oo ku shaqeysa la-xisaabtan iyo cadcaddaan, sidoo kalena la xushmeeyo xuquuqda aadanaha iyo xorriyatul-qowlka. Jose Manuel Barroso waxaa uu hadalkiisa ku sii daray in ay Madaxweynaha Soomaaliya ka wada hadleen sida uu Midowga Yurub ku caawin karo si loogu guuleysto arrimahaas.

Xasan Shekh Maxamuud Oo Kulan La Yeeshay Madaxweynaha golaha midawga yurub Mr.Herman Van Rompu

Xasan Shekh Maxamuud Oo Kulan La Yeeshay Madaxweynaha golaha midawga yurub Mr.Herman Van Rompu

Midowga Yurub ayaa wuxuu yahay deeq-bixiyaha ugu weyn ee kaalmeeya Soomaaliya, wuxuuna Soomaaliya ku bixiyay nus Bilyan Doollar tan iyo sanadkii 2008. Sidoo kalena Midowga Yurub wuxuu sanadkan kaliya bixiyay lacag dhan 60 Milyan oo EURO, taasi oo uu ku bixiyay dhinaca kaalmada bani’aadannimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Soo Wajahan London Kana Codsanaya Dawladda Ra’isal Wasaare Cameron Inay Aqoonsato Maamulkiissa

Waxaa 24-ka saacadood ee soo socda ka filayaa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu soo gaadho magaalo madaxda dalka ingiriiska ee London halkaasi oo uu kulan kula yeelan doono Ra’issal wasaaraha dalka ingiriiska David Cameron iyo xubno xukuumadiisa ka tirsan.

Inta uu safarka ku joogo London Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu ka codsan doono dawladda ingiriisku inay aqoonsato maamulkiisa, balse Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nairobi Matt Baugh oo u waramaayey wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay inaanay weli London go’aan kama danbays ah ka gaadhin aqoonsi ay siiso maamulka Xasan Sheekh Maxamuud.

Mar Safiirka la weydiiyey arrinta Somaliland wuxuu ku jawaabay “Somaliland iyadu go’aan ayey qaadatay ah inay madax banaanato kaasanay ku adkaysanaysa iyaga arrintoodu waa gooni” ayuu yidhi Matt Baugh

Lugta Madaxweyne Xasan ayaa ah tii labaad ee dalalka reer glabeedka uu ku marayo isagoo hore safar ugu tagay dalka maraykanka.

Halkani Guji Si Aad U Daawato Shirka Jaraa’id Ee Madaxweyne Xasan Iyo Madaxweynaha Midawga Yurub Mr.Herman Van Rompu Qaybta 1-aad

Halkani Guji Qaybta Labaad Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

source Halbeegnews.com

Awdalpress.com


This post has been viewed 1032 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal