Awdalpress(Djibouti) 30 Jan,13– Masuuliyiin ka tirsan mucaaradka Jabuuti ayaa iyaga iyo xisbigoodiiba laga reebay tartanka doorashooyinka golaha Baarlamaanka ee dalka jabuuti, tartankaasi oo dhici doona 22 Feb, ee sanadkan, waxaa ka qaybgali doona laba xisbi oo kala ah UMB oo ay iskugu tegeen ururada Muxaafadku iyo PND oo uu gudoomiye ka yahay Ismaaciil Geedi Xareed oo ay ku bahoobeen ururada Mucaaradka Jabuuti.
Hadaba waxaa tartankii golaha baarlamaanka ee dalka Jabuuti laga reebay muwaadiniinta iyagu haysta Baasabooro Ajaanib ah, qodobkaasi oo tartankii ka reebay siyaasiyiinta kala ah Saleebaan faarax lo’doon oo ahaan jiray Wasiirkii Waxbarashada Jabuuti sanadihii dabayaaqadii sideetankii iyo bilawgii sagaashanaadkii oo isagu haysta baasaboor Faransiis ah iyo Daaahir Axmed faarax(Daaf) oo isaguna ah madaxa Mucaaradka MRD, isla markaana haysta Baasaboor Builgum dhawaana soo gaadhay magaalada jabuuti.
Qaabka xisbiyadu tartamayaan ayaa ah qaabka Liisaska xisbiyada, waxaanay u kala heli doonaan xisbi walba inta ugu horaysa liisaskiisa ayaa noqon doona xubnaha u geli doona Baarlamaanka.
Awdalpress
This post has been viewed 1820 times.








