Somaliland iyo Jaaliyadaha reer Awdal halka ay ka taagan yihiin.

Waxa Daabacay on Jan 30th, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

In dhawaala ahba waxa dalka Ingiriiska ka socda dhaqdhaqaayo ay wadaan Jaaliyadaha reer Awdal ee ku nool boqortooyada Ingiriiska. Waxana si xawli ah u socda, wada tashiyo aad u qoto dheer oo ay kaga tashanayaan aayahooda ummadnimo.

Sida laga warqabo, gobollada Awdal, Gebilay iyo Salal ee ay Jaaliyadahaasi ka soo jeedaan, waxa ay hoos tagaan maamulka Somaliland oo isugu biyo shubtay reer. Waxana hoggaanka u haya casaabad aan la garanayn oo dibadda iyo gudahaba ka dhisan.

Ka Jaaliyad ahaan waxa ay shabakadda awdalpress.com u sheegeen in ay la socdaan amma horeyba ula socdeen dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan dibadaha ee weliba xasiifka looga sameeyey gudaha, ee ay meel walba u galeen sidii ay u rumayn lahaayeen riyada aan marnaba suurta galka ahayn.

Intaa waxa ay ku dareen, in ay 20ka sano ee uu maamulkani jirayba ay sugayeen bal in wax is beddel ahi dhaco. Oo laga koro qabiilka, eexda, musuqmaamusuqa iyo nin jeclaysiga. Laakiin waxa sii batay xumaan oo dhan. Waxa dhagaha laga furaystay baahidii ummadda reer Awdal, Salal iyo Gebilay.  Waxana ka markhaati ah wararka iyo barnaamijyadaya ay innamada yar yar ee isku reerka ahi ka sii daayaan SNTV.

Guddoomiye ka mid ah ururrada Jaaliyadaha ee reer Awdal ayaa isna noo sheegay in aanay garan la’ayn sida wax loogu sheego dawladaha aan dhex joogno, ee loola shaqeeyo hay’aadkooda sirta, laakiin aanay jeclayn in illaa xad ay socdaan. Waxana ay hoosta ka xarriiqeen in arrimahaa iyo kuwo ka sii fogba ay dadka Somaliland reer ahaanta  ugu ololeeyaa ay ku dhaqmaan. Annaguna buu yidhi aannaan dib u eegan doonin in la nagu dul shaqaysto oo weliba la na tirsado. Waxana uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey, ‘ wax sheeg sheeg iyo caalamka sida loo dhex galo annaga cid naga taqaannaa ma jirto. Waanan ku dhaqaaqi doonnaa amma immigaba bilaabaynaa, si aan ummaddayada uga soo saarno godka ay ku jiraan.’

Si kastaba aha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in ay Jaaliyadaha reer Awdal ee dalka Ingiriisku ay wadaan xuuraan u jahaysan sidii ay u tamcayn lahaayeen hawlaha ay wasaaradda arriimaha dibadda Somaliland iyo kooxaha ay ku adeegataa ka wadaan Ingiriiska. Si ay isku tusaan awooddooda iyo in ay joojiyaan dibin daabyada muddaba ku socota dadkooda.

Ugu dambayn, waxa ay baaq u dirayaan dadka reer Awdal ee gudo iyo dibadba leh in ay ka kacaan waxa lagu samaynayo. Iyo xasuuqa maalin walba lagu samaynayo dadkooda. Manay illaabin xasuuqii Saameel, kii Kala-Baydh iyo kii ugu dambeeyey ee rasaasta lagu furay carruurta sida silmiga ah u muddaharaadaysey..

Awdalpress.com


This post has been viewed 1242 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal