Somaliland: Digniintii Ingiriiska waxba kama beddelin socdaalka

Waxa Daabacay on Jan 29th, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress(Hargaysa) 29 Jan, 13–Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aanay jirin cid ajinabi ah ama u dhalatay dalalka reer galbeedka oo ka baxay deegaannada maamulka tan iyo markii ay soo baxday digniintii dowladda Britain ee muwaadhiniinteeda Somaliland joogta lagu farayay inay isaga abaxaan.

Taliyaha guud ee laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa ugu sheegay wariyeyaasha in aanu jirin wax isbeddel socdaalka ah oo ku yimid dad wadamada kale u dhashay ee Somaliland jooga.

Wuxuu tilmaamay in diiwaanka ay hayaan uu muujinayo in aanay Somaliland ka dhoofin dad reer galbeed ah ama kuwa British ah.

Waxaa jirta warar ay warbaahinta qaar ka tirsan ay qoreen oo lagu sheegayo in dad fara badan oo reer galbeedka oo ka shaqeynayay Somaliland ay isaga baxeen tan iyo markii digniinta xukuumadda Britain ay soo baxday.

Xafiiska arrimaha dibadda Britain ayaa uga digay muwaaddiniinta British-ka ah inay u safraan Somaliland, wuxuuna kula taliyay dhammaan muwaaddiniinta Britain ee jooga goobahaas inay si deg-deg ah uga baxaan.

War qoraal ah ayaa lagu sheegay inuu xafiiska ka war qabo khatar gaar ah oo ku wajahan reer galbeedka ku sugan Somaliland.

Khataraha uu xafiiska ka digay waxaa ka mid ah afduub dhaqaale lagu raadinayo, arrimo siyaasadeed – oo dhiirri-gelin ka helaya argagaxisannimo iyo falal dambiyeedyo kale.

RBK


This post has been viewed 459 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal