Markii ololaha doorashada loo baxayey weftigii masuuliyiinta iyo odayaasha beesha Ciise ee xisbiga KULMIYE waxa si fiican noo ambabixiyey Madaxweyne-ku-xigeenka..Wasiirkii hore ee Dalxiiska

Waxa Daabacay on Jan 29th, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

WaaberiAwdalpress(Hargaysa) 29 Jan, 13–Wasiirkii Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumaddii UDUB Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan degmada Saylac ee xarunta Gobolka Salal, waxaanu sheegay in arintaasi dhamaanayso, balse loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo ilaalinta nabadgalyada Salal iyo guud ahaan Somaliland.

Mr Rooble oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in wax dhibaato ahi aanay ka jirin degmada Saylac isla-markaana ay wada deggan yihiin dadkii wallaalaha ahaa ee horeba u wada degganaa, isaga oo meesha ka saaray inay jirto cid dhul laga qaado iyo cid meel kale loo rarayo midna.

Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Run ahaantii dalkani marxalado badan oo kala duwan ayuu soo maray, isla markaana tacab badan ayaa galay oo ay dadkiisu galiyeen, waxaynu intaas ku soo soconay waa wadatashi iyo isu-tanaasul iyo waliba deganaansho. Waxaad moodaa haddii waxyari yimaadaan in dad badani ka faa’iidaystaan oo siyaabo badan loo sheeg sheego, markaan eego degmada Saylac intii doorashadii golayaasha deegaanka ka dambaysay hadallo badan baa ka taagnaa, dawladdu dadaal badan bay kaga jirtay, dad badan oo waxgarad ahina way ka hadlayeen. Arrinta Saylac waxay ahayd mid khusaysa dadka halkaasi jooga, waxaan ugu baaqayaa shacabka in marka hore nabadgelyada oo ah waxa ugu qaalisan ee dalkeenu ku socdo la ilaashado wixii jira khilaaf ah ee jira sharci iyo dhaqan soo jireen ah ayeynu leenahay oo aynu ku kala bixi jirnee aynu ula noqono ayaan leeyahay. Waxaanay arrintaasi imika iila muuqataa mid iska dhamaanysa dhawaan oo waxaan ammaanayaa cidkasta oo ilaalinta nabadgalyada iyo isku soo dhawaynta dadkaas wadadashay ka shaqaysay.”

Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Somaliland, waxa kale oo uu soo qaaday “Waxaan caddaynayaa inaanay jirin wax nabadgalyo-darro ah oo Saylac ka jirtaa, waxaana ka jirta nabad buuxda oo qofku meesha uu doono ayuu seexan karaa oo uu mari karaa oo wax xiisad ah oo ka taaganina ma jirto, dadka reer Saylac-na maaha dad balaayo jecel ee waa dad nabadgalyada jecel oo ku caan baxay nabad jacayl, waxaanan u arkaa anigu dad u baahan in maanta lagala shaqeeyo horumarka, mana aha dad kicin u baahan. Waxaanan bulshadda reer Somaliland u soo jeedinayaa in cidkasta oo xaaladaha Saylac ka hadlaa inay ehel u noqdaan nabadda iyo isu soo dhawaynta shacbiga walaalaha ah ee halkaas wada degan.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Run ahaantii doorasho ayaa dalkeena ka dhacday oo waa sidii ay u dhacday oo dad dhul laga qaadayna ma jirto, isla markaana dad dhul laga rarayaana ma jiro oo dadka deegaankaas Saylac degani waa dadkii walaalaha ahaa ee marka horeba wada daganaa ee ehelka ahaa, halka hadal laga shaqaynayo waxa ka wanaagsan in horumarka iyo wax wada qabsiga dadkan laga hadlo oo laga shaqeeyo. Sida aynu la wada socono waxa la leeyahay dalkii mudooyinkii ugu danbaysay nabadgalyo-darro ayaa ka jirta oo waxyaabo badan ayaa khaldan, laakiin waxaan leeyahay waxaasi waa been oo dalkeena nabadgalyo ayaa ka jirta oo deganaansho ayaa ka jirta oo dawlad la soo doortay oo shaqaynaysa ayaa jirta, waxaanan leeyahay shacbiga reer Somaliland waa inay meel uga soo wada-jeedsadaan xaaladaha taagan ee ka dhashay doorashooyinkii deegaanka ee dalka ka qabsoomay.”

Mr Cabdirisaaq Waaberi Rooble, waxa kale oo uu ka hadlay ololihii Kulmiye “Markii ololaha doorashada loo baxayey weftigii masuuliyiinta iyo odayaasha beesha Ciise ee xisbiga KULMIYE waxa si fiican noo ambabixiyey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo naga taageeray socodaalkayagii, daacad iyo dhex baanu ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenku arrimaha doorashada ee gobolka Salal. Haseyeeshee, wixii inaga xumaaday waa annaga naga xumaaday ee maaha wax lagu eedayn karo Madaxweyne-ku-xigeenka.”ayuu yidhi.. Waabere.

Waaheen


This post has been viewed 1394 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal