XUKUUMADA KULMIYE EE SOMALILAND OO NOQOTAY MID LAGU HUNGOOBAY.

Waxa Daabacay on Jan 29th, 2013 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.


article-marketing-300x1996Ugu horreyn bahda saxaafada , akhristayaasha maqaalkan iyo shacbiga S/landba waxaa aan ku salaamayaa salaan sharaf iyo Maamuus mudan.

 

Intaa ka dib waxa aan qalinka u holladay in aan fikirkayga ku cabbiro dhacdadan la yaabka ku ah dhagaha shacbiga S/land,  ee sida cad uga soo baxday xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Britain (foreign and commonwealth Office) .

 

Qoraalkaas oo cadaynaya in dadka u dhashay waddankan UK ay ka digtoonaadaan socdaaalka ay ku tegayaan Somaliland, inta joogtaana ay si dhakhso ah uga baxaan, waxana ay sabab uga dhigeen in ay ku soo fool leeyihiin arrimo ammaan darro ah sida; argagixiso af-duubi karta, Iyagoo intaa ku daray in aanay doonayn in ay immika caddeeyaan ama sheegaan sida wax u dhacayaan , sidaas darteed waxaan kula talinaynaa in aanay u socdaalin Somalia iyo somalilandba.

 

Haddaba waxaan ka wada dharagsannahay halganka dheer ee shacbiga S/land u soo galeen sidii ay u xoojin lahaayeen nabad galyada iyo xasillooni ka hirgasha mandaqadda S/land. Taasi oo aan odhan karno way ku guulaysteen oo waxa ay abuurteen nabad galyo shacbigu ku ladaan oo ay ku naalloodaan.Xukuumadda Britain dhawaaqan ka soo baxay waxa ay lama filaan ku noqotay shacbiga S/land meel kasta oo daafaha dunida ka joogaan,  iyaga oo aaminsanaa in Xukuumada S/land iyo Xukuumadda ingiriiska ay ka dhaxayso xidhiidh saaxibtinimo oo fog oo taariikhi ah,

 

Shacbiga S/landna waxa ay u hanqal taagayeen in dawladda ingiriisku uu noqdo ka ugu horreeya ee ku dhawaaqa sidii loo aqoonsan lahaa  S/land oo xornimadoodii la soo noqday 18/05/1991 markay ku khasaareen la midowgii Soomaaliya.

 

Isku soo wada xooriyoo,  xukuummadihii ka kala danbeeyay ee S/land ka soo taliyey, waxa ay si hagar la’aan ah ugu guntadeen sidii uu shacbiga S/land u heli lahaayeen Nabadgeyo Taam ah Ilaahay-na waa kuu guuleeyay.

 

Maantase  arrintan ugubka ku ah ummadda reer S/land waxa masuuliyaddeeda Iska leh Xukuumadda maanta jirta oo ah .xukuumad aad u jilicsan waddankiina dib ugu celisay habkii qabiilka ee laga soo gudbay una muuqataa maamul aan daacad u ahayn wixii loo igmaday ee loo dhaariyay gaar ahaan Wasaarada Arimaha dibada oo siyaasadeeda arrimaha dibaddu mugdi badan ku jiro, iyada oo Wasiirkii arimaha dibada ee loogu tala galay in uu siyaasadda S/land ka iibiyo Waddamada caalamka uu ku mashquulsan yahay madaxtooyada Hargeysa . Sida qaalibka ahna ma fadhiisto xafiiskiisa,  haddii loo baahdana waxa lagu arkaa Maansoor hutel.

 

Xukuumadda Kulmiye oo hoggaanka maamulka Somaliland haysay Muddo labo Sano ah waxa muuqataa in ay ku fashilantay in ay  shacbigii ammaanada u dhiibtay u ku hagi weydo waddadadii horumarka iyo aqoonsiga ee shacbigu u baahnaa.

 

Sidaa darteed arintani waxa ay u baahan tahay in si balaadhan looga fikiro waa arrin culayskeeda leh waa in laga taxaddaraa oo laga feejignaadaa looga na Diyaar garoobaa sidii cadawga S/land meel looga soo wada jeedsan lahaa arrintana si isku duubnaan ah go’aan looga wada qaadan lahaa.

Mustafa ismail ahmed(kanadi)

mkanadiuk@yahoo.co.uk


This post has been viewed 1613 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal