Dawlada Jabuuti oo Fahamtay Shirqool ugu hoos jiray Dalkooda Arinta Degmada Saylac

Waxa Daabacay on Jan 29th, 2013 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Ismaaciil-Cumar-GeelleAwdalpress(Saylac) 29 Jan, 13– Mudo ku dhaw bil waxaa ka jiray degmada Saylac muran hadheeyay gudoonkii golaha deegaanka ee degmadaas loo doortay, murankaasi oo la fahami la’aa meesha uu salka ku hayo, balse ay jilayaal ka ahaayeen kooxo shaadh beeleed sita iyo masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada ee Somaliland, ayaa Dadweynaha arintamahan kala socday warbaahinta iyo kuwa sida tooska ah u daawanayay riwaayadan la magac ahayd ruwaayadii (Xoriyo nin Gayaa ha guursado) ayaa is aad ah la isku weydiinayay cida lahayd Alifaada Ruwaayada.

Xoriyo nin gayaa ha guursado waxay xiisad colaadeed ka dhex abuuri gaadhay beelaha Somaliland iyo Jabuuti degen qaarkood, waxaanay beeluhu ku sigteen in ay iskugu dhacaan wada metelaada Ruwaayada iyo masrixiyada sidii ay uga wada muuqan lahaayeen, taasi waxay sababtay in kooxaha ruwaayadan jilayay loo kala dooro dhinacyada heesaha iyo majaajilada, Ruwaayadan oo ahayd mid Anti ah, ayaa ugu dambayntii lagu fahmay ujeedadeeda dalka Jabuuti,ka dib markii xulkii Majaajilada iyo Heesaha qaarkood ay ruwaayadii Xoriyo nin gayaa ha guursado ula gudbeen dhanka Jamhuuriyada Jabuuti, si ay suuq fiican ugu helaan xamaasada iyo xiisaha ruwaayadu xambaarsanayd.

Hadaba Dawlada jabuuti M/weynaheeda Ismaaciil Cumar Geele ayaa wuxuu fahmay in Ruwaayadan dalkiisa la keenay ay tahaymid anti ah, oo ay soo Alifeen mucaaradka Jabuuti ee horeugu naaxay xoolahii Umada ay ka dhaceen, imikana ah dibad wareega.

M/weyne Geele wuxuu ku amray kooxihii ku bahoobay Ruwaayada in dalkoodana waa Somalilandne aanay dib dambe ugu dhigin ruwaaydan la baxday, xoriyo nin gayaa ha guursado, dalkiisana aanay dib dambe ula soo gelin, dadweynihii uga yimid dalka Ethoipia daawashada ruwaayadana wuxuu u sheegay in halkoodii dib ugu laabtaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in aan dadka dib loogu celin Ruwaayadihii ay ka soo gudbeen bilawgii sagaashanaadkii, balse Aduunyada dimuqraadiga ah lala jaanqaado, doorashana ay tahay sidii loo kala guulaystay, cida goolka laga dhaliyayna ay ciyaaryahanadeeda soo tababarto, si ay uga qaybqaataan tartanada dambe…

Guntii iyo Gunaadkii maqaalkan waxay tahay dulucdu in Mucaaradka jabuuti oo iyagu hore u weydiistay Somaliland saldhig inay siiso, balse laga diiday wakhtigaasi maadaama maamulka la doortay cusbaa, ayaa hadaba markii doorashada deegaanka la galay, ee natiijadeedii soo baxday, waxaa dhinaca beesha ciise doorashada helay 7 xubnood oo aan ahayn beesha Mamaasan, Arintaasi oo ay aad ugu guuxeen Mucaaradka C/raxmaan Boore, una arkeen in ay tahay guul u soo hoyatay,si ay helaan kooxaha ku kacsan Jabuuti gabaad iyo meelo fariinta looga gudbiyo beelaha Wiil/Muuse ee Ciise ee uu ka soo jeedo Boore, Naatijadii ka bacdi waxaa la Abuuray xiisad dhul, oo la leeyahay dhulkeenii ayaa la qaadanayaa Ciisoow iwm ah, waxaa arintaasi u dhego furnaaday Xukuumada Siilaanyo oo iyada qudheedu Jabuuti si hoose ugu eedaynaysay taageerada xaqsoor iyo siyaasiyiin kale oo beelaha ciise ka tirsan, Arintan oo aanay fahmin siyaasada ka dambaysa maamulka Somaliland, ayay u durbaan tumeen waxaanay Jiibta iyo Jaantaba raaciyeen kooxihii sida yaxaaska ilmada iskaga tirayay, Si kastaba ha ahaatee markii la isku raacay in xalka laga raadiyo dhinaca Jabuuti ayaa waxaa Arimihii kala shaandheeyay Masuuliyiinta jabuuti, oo marka hore shiki weyn laga qabay, waxaana arintii dooxay saraakiisha sare ee sirdoonka dalka Jabuuti, kuwaas oo ogaaday in qadiyadan ay ku hoos qarsoon tahay shirqool kale oo khatar ku ah dalka Jabuuti, waxaana si dhib yar loo kala saaray maamulkii Somaliland ka socday iyo siyaasiyiintii sheeganayay magaca beesha ciise, ka bacdi waxa loo sheegay weftigii wasiirada in dalkoodii dib ugu noqdaan, doorashadana cida heshay xaq u leedahay, kooxihii kalana waxay sii joogeen Jabuuti, waxaana laga qaaday dhiig, taasoo loo gudbiyay shaybaadh si loo ogaado inta ++ ee Nacaybka Xukuumada Jabuuti ah ee ku jirta dhiigooda.

Awdalpress


This post has been viewed 4421 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal