M/weyne Siilaanyo oo Aqoonsigii Somaliland Bajaaj ku baadi doonaya ” Somaliland Aqoonsi ha heshee, Bajaaj ma ku baadi Doonaa..

Waxa Daabacay on Jan 26th, 2013 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Marka hore aan Akhristayaasha fahamsiiyo BAJAAJ waxay tahay ? BAJAAJ waa gaadiid cusub oo sanadahan dambe ku soo biiray gaadiidkii dadweynaha , Isla markaana sadex taayir leh, waxaanay qaadi kartaa ugu badnaan 3 qof, qiimo jabana waa lagu Raacaa, mana mari karto wadooyinka rafka ah, sida Bacaadka, Dhoobada iyo Dhagaxa.

Markaan u soo laabto mawduuca qormadan ciwaankeedu yahay ” M/weyne Siilaanyo oo Aqoonsigii Somaliland Bajaaj ku baadi doonaya ” waxaan rabaa in aan Akhristayaasha u iftiimiyo qofka uu M/weyne Siilaanyo u xilsaray siyaasadii Arimaha dibada iyo sida cidaasi daleeda ama cidala uga joogto dariiqa dublamaasiyadeed ee loo baadi goobo Aqoonsi IWM ah.

Wasiirka Arimaha dibada Somaliland waxaa looga yaqaan gudaha Somaliland Naanayso faro badan, balse waaxaa ugu caansan BAJAAJ, sababta Dadweynuhu ugu bixiyeen naanaystaasi ayaa loo malaynayaa in ay tahay, sida ay u saluugsan yihiin xilka ka culus ee uu la dheeldheeliyayo, Wasiirku waa BAJAAJE wuxuu aad u jecel yahay Warbaahinta, hadana marka uu hadlayo wuxuu isticmaala dhawr erey, kuwaas oo u noqday halhays aanu marnaba iloobin, waxaa ka mid ah weedhaha dadku ka xafideen ” Waa markii u horaysay ! Maqaam sare ayaa lanagu qaabilay ! iyo Aqoonsigii Somaliland meel fog ayaan gaadhsiinay !… Marka uu weedhahaasi iyo kuwo kalaba ka sheegayo Warbaahinta la iska Arko, Indhihiisu gibidhsi ma kala joojinayaan ! taas oo calaalamaad u ah dadka run ma sheegayaasha ah.

Wasiirkan BAJAAJKU waxba kama yaqaano deegaanada Somaliland, haddii wax laga weydiiyo, xataa waxa la ogaaday in aanu wada Arag magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, waxa intaasi u dheer in mudadii uu xilkan loo dhiibay hayay uu safaro aan la ogayn ku maray Muqdisho, dadka qaar ayaa arintaasi si ka duwan u sheega oo yidhaa wuxuu ku maray Muqdisho Transit, balse kuwo kale ayaa Aaminsan in wakhtigii Sh Shariif uu tegay ilaa Villa Somalia.

Marka aan si gaar ah u soo qaato weedha uu adeegsado ee “Aqoonsigii Somaliland meel fog ayaan gaadhsiinay” Waxaa qof walba uu dhandhansanayaa micnaha hadalkaasi in uu yahay “Aqoonsigii Somaliland Jar ayaan ka tuurnay” . wuxuu aad u jecel yahay in aad loogu barto wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, taas oo uu aad ugu celceliyo dalalka heshiiska wadaa ha soo dedejiyaan shirka Soomaaliya iyo Somaliland, Siyaasiga Faysal Waraabe wuxuu ku sifyeeyay wasiirkan qof meel keligii gaardi ku jira oo Mobilena haysta !.

Sidoo kale Safarada uu Wasiirkan Bajaajku ku tego Ethoipia iyo dalal kale waxaa la sheegay in aanay fahmin ujeedada hadalkiisa, Dublamaasiyiinta Ethoipia ah ayaa laga sheegay in ay ninkan la yaabeen, kuna tilmaameen qof dabiib u baahan, halka qaarkoodna ku tilmaameen in uu yahay Dalxiise ganacsade ah, Arintaas oo habdhaqankiisa ay ka Arkeen,wuxuu Wasiirkani Iridaha iskugu dhuftay xafiisyadii Somaliland uga furnaa dalal muhiim ah, Xaiisyadaasi oo haybadoodii uu hoos ka sii mariyay maqaamkii ay taagnaayeen, wuxuuna u muuqdaa masuul god ku riday siyaasadii dibada ee Somaliland.

Warbaahinta qaarkeed ayaa qortay in uu hungureeyay in xil looga magacaabo Soomaaliya, xiligii dawladan cusub ee Xasan la magacaabayay, Dadka ka faalooda siyaasada iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa inta badan isweydiiya waxa uu u sheego Madaxtooyada ee M/weyne Siilaanyo ugu Aaminay xilkan ka culus wasiirkan, dhaqan ahaan waxay ku tilmaamaan in uu yahay nin dadkii yaqaanay ka fogaada mudadii uu wasiirka noqday, isla markaana jecel siyaasiyiinta reer Koonfureedka ee Soomaaliya.

Hadaba waxaa isweydiintu tahay ma yahay M/weyne Siilaanyo masuul Aqoonsigii Somaliland ku baadi doonaya BAJAAJ, marka uu xilkii dhanaa ee Arimaha dibada ku aaminay amase u dhiibay qof aan xil hore u qaban” Wasiirka Arimaha Dibada Aqoonsi ma helee, Bajaaj ma ku baadi Doonaa..

La Soco qaybaha dambe..


This post has been viewed 2505 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal