Saylac Taladii Boqor Minilik iyo Aruther Rampoud oo kale ayey u baahantahay ee Tacsi maaha xalkeedu.

Waxa Daabacay on Jan 25th, 2013 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

obsiyeTaariikhdu waxay qortaa dhacdooyinka adduunka wanaag iyo xumaanba, mid walibana cid bay raynrayn u tahay cid kalena murugo iyo buste madow ayey ku rogtaa, waxana tusaale ku filan xasuusta taariikhiga ah (Historic Monument) ee Jabuuti badhtankeeda ka samaysan lana kala yidhaa “Plaz Minilik iyo Plaz Raamboo” ; kuwaas oo qof kasta oo reer Jabuuti ah ama marti ku ahi uu afka kaga dhawaaqo haddii uu taxi ama bus ka raacayo ama sidoo kale uu qof kula ballamayo.

 

Labada nin ee la kala odhan jiray Aruther Rampoud oo faransiis ahaa iyo Minilik oo ahaa boqorkii waqtigaa xukumayey Dalka Ethiopia ayaa taariikhdaa  aan duugoobaynin ku mutaystay inay ahaayeen labadii wadaagay fikirkii Saylac lagu dumiyey ee Jabuutina lagu dhisay kadib markii loo xilsaaray inay si wadajir ah u soo darsaan sida ugu habboon ee xaddaaradda iyo baayacmushtarka Dekadda Saylac loo baabiin karo; isla markaana aanay Ethiopia u waayin deked ay wax uga soo degaan – sidaas ayaanay ku dhasheen Dekedda Jabuuti iyo jidka tareenka ee Ethiopia ku xidha 1896.

 

Sidaa awgeed; ma deedifaynayo taakuleynta iyo tacsiyaha ku aaddan qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku dhintay ka hortagga siyaasadda yoolkeedu cadyahay ee laga kala hagayo Hargeysa iyo Jabuuti kuna wajahan Saylac iyo aayaheeda mustaqbalka, hase yeeshee xalku ma noqonayo kolba inta la dilo in tacsidooda lagu ekaado oo aan loo hawgalin sidii loo heli lahaa fal u dhigma kii 1896dii lagu dumiyey Saylac oo dib loogu soo celinayo maqaamkeedii  marsanimo, cid kasta oo hormuud ka noqotana loogu samayn lahaa maamuus taariikheed oo xuskiisa  iyo magaciisa leh .

 

Faanka madhan iyo awowgaybaa faras xoog leh lahaan jiray waxa ka habboon ficil cilmiyeysan iyo talo farsamo oo aad ku muquunisid faragelinta iyo falalka qaawan ee taariikhdaada lagu duugayo.

Waxa muuqata  daruur dararsan oo Saylac dul hoganaysa inay daroortana u dhow haddii duubabka iyo da’santa Awdal  gartaan dariiqa loo marayo,waayo Danaha ,awoodda iyo siyasaddu intuba way isbedeli kartaa hadii laga hawl galo oo la fahmo dhinaca ay dabayshu u socoto. sidaa darted, waxan reer Awdal u soo jeedinayaa tallooyinkan soo socda:

  1. Aqoonyahanku inay hillaabta iska rogaan lana yimaadaan siyaasad qeexan oo ay fahmi karaan  dalalka darisyada  gaar ahan   kuwa ay danaheenu kulmi karaan.
  2.  Odayaasha dhaqanku inay talo midaysan oo deg deg ah ka yeeshaan kubbaddani musiibada iyo dhagarta wadata  ee dushooda lagu ciyaarayo.
  3. Qurbajooggu meel kasta oo uu joogo inuu u sarakaco siduu u maalgelin lahaa siyaasad iyo talo lagu midaysan yahay oo lagu furdaaminayo Saylac iyo mustaqbalkeeda.

 

Wabillahi Atawfiiq.

 


This post has been viewed 2468 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal