Awdalpress(Paris) 25 Jan, 13– Ganacsadaha mucaaradka ku ah dawlada Jabuuti ee C/raxmaan Boore ayaa sheegay in aanu ku luglahayn xiisada ka taagan degmada Saylac ee gobolka Salal/Awdal, Ganacsadaha mucaaradka ah waxaa warkaasi ka qoray shabakada Xariirad, isagoo Arinta Saylac ku riixay dhanka xukuumada Jabuuti warkaasina wuxuu u qornaa sidan.
Qoraal uu soo gaadhsiiyay Shabakadda Xariiradnews Ganacsadaha wayn ee reer Djibouti Cabdirahmaan Boore waxa u arrinkan ku tilmaay “been abuur ay ka dambayso dowladda Jibuuti kuna doonayso xidhiidhka iyo sumcadda wanaagsan ee u ku leeyahay umadda Soomaaliyeed sida ay u dhantahayba lagu dumiyo” Dhinaca kale Cabdiraxmaan Boore waxa kale uu sheegay in u dadkiisa, dalkiisa iyo Umadda Soomaaliyeed oo dhan u hayo wanaag iyo xushmad lana jecel yahay Nabadda meel kasta oo ay joogaanba.
Cabdiraxmaan Boore waxa u sheegay in dhowrkii sanno ee la soo dhaafayba Dowladda Jibuuti ay aad isugu day day in ay Sumcaddiisa ku ciyaarto laakiin ay aad ay ugu fashilantay una hirgali wayday tan Maanta Saylac ka soo korodhayna ay tahay mid la doonayaa in Anniga iyo Walaalahayga reer Soomaaliland la’iskaga kaayo horkeeno.
Ugu dambeyn C/raxmaan Boore Waxa u yidhi “Ma’aaminsani in dagaal ama colaad meel lagu gaadhi karo. Horumarku waxa u ku jiraa nabadda. Waxa u ku soo gunaanaday Hadlalkayga “walaalahay reer Saylacna waxaan kula talinayaa in ay hawshooda nabad iyo wanaag ku dhamaystaan lana tashadaan dowladdoowda iyo Walaalohooda reer Somaliland. Wanaaga iyo nabad raadintaa ayaan diyaar u ahay hadii aan Cabidraxmaan ahay.
Xariiradnews Desk
This post has been viewed 1206 times.








