Alle Doori Baan Ahay”! Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

Waxa Daabacay on Jan 24th, 2013 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Alle Doori Baan Ahay”!

Jikaar iyo muran caalwaa’ ayuun buu awel hore ba saaxiibkii ku yuubayey ee wuu dareensanaa  inuu ka soo baydhay jidkaas ay naftiisu ku naalloon jirtey. Jid uu isku daawan jirey oo sida muraayadda qofnimadiisa uu uga dhex halacsan jirey. Jid uu isku daawayn jirey oo aan u qodax badnayn sida kan qardabooyinka badan ee ay waayadan dambe kashiisu barriinsatay ee uu garasho diidayo. Dakharrada iyo nabarrada jidhkiisa ku dhacaya ee haddeerto qoomaya, iyo haaraha quluubtiisa hoose damaqa ku haya ee xagxaganaya, ayaa dab naar ka kulul naftiisa ku shidaya. Waxa uu duunkiisa hoose kula faqayaa sida degdegga badan ee ahaanshihiisii dadnimo iyo isaga qofnimadiisii ay u kala suudaleen; u kala haydhafeen ee ay maanta isu la’ yihiin!! “Goormaad sidaas u duntay?” ayuu is weydiinayaa.

Tirsigii waayahaa ka gedmadey. Waxa uu dhex taagan yahay oo kol ba mid maan dhuganayaa laba dhacdo oo ka mid ah sooyaalkiisa: 26-ka Juun iyo 18-ka May. Waxa uu ku mashquulayaa oo maskaxdiisu ku raagaysaa dib u hilaadin ku taxmaysa waayahaas ka soo jeeda 1960 iyo 1991, iyo wixii ka dambeeyey iyo waayihii labadaa ba ka horreeyey, waxaanu tagtooyinkaas u barkinayaa joogtadiisa. Dabadeedna waxa uu maggaabinayaa xaqiiqo mur iyo deebaaq ka qadhaadh oo hoosta uga xarriiqaysa timaaddadiisa ku soo foolka leh ee waayahan rimmani ummuli karaan. Ma niyadsama oo dareenka taban baa ku badan. Waxa uu maalin kasta u soo joogey, maanta na daawade waayo-arag ah ka yahay foolxumooyinka karkaarrada sii jabsanaya ee sida “daadkii Xaabaale” u butaac-haraaciyaya degaanka roobabka mahiigaanka ah ee da’aa biyahoodu aanay solin ee uu ku nool yahay.

Waxa uu is waydiinayaa halka habaarku ka haleelay ee laga raacay. Waxa uu isu arkaa nin daad la soo tegey oo dul heehaabaya oo mawjad cirbaxaysaa sidato. Qun-u-jeed buu ula socdaa in mututuulkii uu dogobka moodayey noqday xumbo dagagaran oo aan cuskasho geli karin! Aragtidii gondihiisa ku sugnayd waxa ay ku noqotay “xabbad basal ah oo farihiisa ku burburaysa”! Sidii uu kol ba lakab u faydayey ayay farihiisa ku baaba’day! Wuu dareensan yahay inuu uga aayey oo ka dheefsaday dhib uun: “qudhmuun iyo xajiin”. Labada indhood baa hoor ka da’ayaa. Dadku na hinaasi bay moodayaan! Waa se nin kadeedan oo godkiisa biyo ugu galeen! Waxa cuyuban iyo la-ma-arag agtiisa tuuran ee baylah afka ku soo kala qaadday iyo inta neecaw dellegan ku soo neefaysa ee kol ba sankiisu qaadanayo, ayuu dhabannada iyo dhafoorrada is hayaa!

Wuu se og yahay inuu isagu wax badan mas’uul ka yahay. Waa abaalkaaye cidna ba ha eersan buu naftiisa hoos ugu la xanshashaqayaa?! Cabsi badan buu se hadh iyo habeen la daandaamayaa oo dubaaqiisa ku oogan! Kul ka dhigan girgire dhuxul galool lagu cammiray baa naftiisa ku shidan! Xitaa famlaydhadu way u xidhan yihiin oo guriga ba meel irbadi mari kartaa uma furna. Dhinac wal ba wuu iska soo ooday. Halkii daloosha ba wuu gufeeyey. Cuqdad yuururta iyo maryo dhiig leh buu meel wal ba aqalka kaga juqaalay. Dhulkii na wuu ku soo koobmay. Wuu garwaaqsan yahay inuu isagu cidhiidhiga iyo diiqaddan is geliyey. Waa se goorma xilliguu talada hojinayaa. Waa goor ay “xeedho iyo fandhaal kala dhaceen”! Weli se dabaqabashaa u bannaan. Wax badan baa caynaanadu hagaajin kartaa. Hase yeeshee dhiillada ugu halista badan ee uu la dheeldheelliyayaa waa in aan cidi ba “tuskaas jira” ee isaga shidaya si weyn ugu la baraarugsanayn!  Dad badan oo ay sheeko wadaag yihiin oo uu arrinta la soo qaadqaaday, waxa uu ka helay dareen u dhigma halqabsiga “Iska hadlow Ina Igarre”!

Waxa uu isku ciilkaambiyaa is-raacii lixdankii inuu ahaa hindise uu isagu lahaa. Marar kale na waxa uu haaraamaa gobannimadii 26-kii Juun 1960 lafteeda. Wuu gubasho ooyaa inta badan. Waxa uu naftiisa ku qabooji yidhaa oo isku qanciyaa in gaadhidda xornimadaasi khalad weyn xilligaas ahayd oo loo baahnaa in gumaysigii Ingiriis uu carrada ka sii calanwalleeyo. Waayo loo ma bislayn dawladnimo iyo abuurista qaran casri ah midkood na, ayuu ku ciil belbelaa, hadda na waxa uu is waydiiyaa “oo haddaa ma iminkaa loo bisil yahay”!! Sawtan jilib kastaa xerada yar waageertay. Sawtan kala higgoonaysa ee jees kastaa ba dhacanta dheeraystay. Maxay tartay waayo-aragnimo? Maxay waxbarasho iyo shahaadad sare macnaysay?! Maxaa casriga iyo ilbaxnimo oo dhan laga dheefay?: Qabyaalad indho la’ oo waalli ah! Muusannow! Tolla’ayeey! Libin laga dhex raadiyo gawrac iyo geeri!! Xumaan lagu daydayo wanaag!! Musuq iyo walaahow, iyo naxli iyo nifaaq, iyo inta laga diqoodo oo dhan!

Intuu dubur hawd ka xulo

Intuu bahalaha dugsado

Ayaa qofku doonayaa

Dugaaggu inaanu cunin!

Beydadkaas ka midka ah maansadii Hadraawi ee “Daba-huwan” ayaa maankiisu ku dul hakanayaa, waxaanu ugu sii gudbayaa oo maskaxdiisa ku soo dhacaysa “Tolow muu hadda ba ninkii caddaa (gumaysigii Ingiriis) iska soo laabto oo dib noo qabsado duulkayagan nolosha bacad-joojinta iyo cubbudhka ku haya ee malaakadeedaya, madaxbannaani na aan u qalmin ee aan iyagu tashan karin in loo taliyo mooyaane! Hadda na waxa uu himbiriirsanayaa in casrigaasi carceeray, tegey oo tubta ku dhacay oo gumaysi Ingiriis ba dabar go’ay. Meel kale ayay gocashadu ula gurguuranaysaa, waxa nu ku fekerayaa “malaha waxaa ba la qaadan lahaa in Xamar lagu noqdaa”! “Oo ri’yo hadday dib leeyihiin saw dabadooda ku ma aanay qarsadeen iyo ninka aad kab ka tolanayso kabihiisaa la eegaa” ayuu is la markii ba is tusayaa. Saw kuwan iyaba (Soomaaliya) is cunaya ee sac sac raaca loo diiday ee labaatanka calal (maro) kala sita, tiiyoo qolo kastaa hadda na lulayso calankii xiddigta cad ee shan geesta ah lahaa ee cirka u ekaa. “Maya; maya horaa godkaas la iiga qaniinay oo ku hiradkiisu ma aha doorashadayda koowaad” ayuu naftiisa u bandhigayaa! Hase yeeshee waxa uu aaminsan yahay oo hadda ku ba kalsoon yahay in sidan uu hadda xaalku yahay aanu sina ba ahayn: Nolol candadawlan oo la jaanjaamayo, marka tallaabo hore loo qaada na laba tallaabo dib loo noqonayo. Dad raad arooryo uun dib u raacaya iyo dar aan goshii hooyo ka ba korayn, yaanay ka ba korin oo ha iska joogaane hadda na dulmi iyo daandaansi ku darsaday oo wada xiqdi, xaasid iyo xasarad miidhan ah.

Isagu waxa uu garaadsaday tiiyo loogu yeedho “Reer Waqooyi”, dadka qaar na u yaqaanniin “Qaldaan”. Waxa uu soo gaadhey oo u soo joogey iyada oo Reer Waqooyinnimadu wax weyn suuqa ka goyso: la isku soo dhaweeyo, la isku sooro, lagu dareen iyo shucuur wadaago, wax la isugu qabto, lagu walaalaysan yahay oo la isku xigsado, lagu ahaansho qofoobo oo lagu ab iyo isir sheegto iwm. Waxaa nu ka sheeko qaatay oo geed- iyo goob-jooge ka dhaxlay in Reer Waqooyinnimadu sooyaal fog ahayd oo ku sinnayd gumaysiga hortii iyo intii uu soo galay iyo ka dib ba. Reer Waqooyigu waxa uu ahaa buu maqli jirey Huwan Marag ah oo bari iyo galbeed ba is o goo dan- iyo caaqiibo-wadaag ah. Soomaali oo dhan bay ka koobnaayeen.

Min Lawyacaddo (Jabuuti duleedkeeda) ilaa Tukaraq (gooddiyada Garoowe), Jigjiga dusheeda ilaa iyo godannada Wardheer, xeebaha Saylac ilaa iyo Berbera, Maydh iyo Xiis, Waqadara ilaa iyo Laasqoray degmada is haysa miyi iyo magaalo ba, ayaa Reer Waqooyinnimadu hadhayn jirtey maalmihii ay noolayd. Waxa ay ahayd ahaansho dadnimo oo heerkii feker ee qabaliga ahaa ka kor maraysa oo heer gobol u tisqaadday: Dad leh degaan dhul oo ka dhexeeya, iyo hab feker, wada macaamil iyo adduun-arag aan is diiddooyin iyo qalo lahayn, is la markaa na aan ku salaysnayn isir dhalasho ama dhiig-ab-aroor ah oo hadda na af- iyo far-guri mideeya leh. Si kasta oo beeluhu qaab qabali ah feedh-dha isugu hayeen degaan ahaan, hadda na hannaanka feker ee casriga ahi waxa uu abuuray ahaanshahaas Reer Waqooyinnimo nuxur ahaan. Magaalo galeenkii ganacsiga, fanka iyo suugaanta, iyo jiilashii u horreeyey ee qalinka ku raad bartay ee macallimiinta, ardayda, shaqaalaha dawladda, iyo isirradii bilayska, ciidamada iwm. ayay aragtidaasi ka dhex tisqaadday.

Hanaqaadka aragtidaas ayay Samaale iyo Samatar oo saaxiibtinnimo fog oo cayddinnimo lahaa na ku raad-dhaqaajiyeen, ku na indho-dillaacsadeen berisamaadkeedii. Waa maalmahaas wacnaa kuwa ay maanta tebayaan markii ay ku dhex asqoobeen ee ay iska dhex waayey siyaasadda qabyaaladeed ee faraha lagaga gubtay ee tolaysiga indhaha la’ ku salaysan ee xafiis dawladeed iyo geed bulsheed ba busaaradda iyo indho-beelka ku keentay.

Iliilaha Jabuutaan lahaa eedyar sii mariye

Addis Ababa gee baan lahaa adhaxda jiilaale

ENEFDII ha daaqdaan lahaa ayda doogga lehe

Imminka na ardaa gocondhalay awr la mirataaye!

 

Gabaygaas Qaasim (AHUN) buu Samaale soo gocday. Cabbaar buu feker la aamusnaa. Indhihiisa ayaa qolkii yaraa ee uu dhex galluubnaa ka dhex mudh baxaya oo cirka ku fogaanaya, maankiisu na waxa uu  ka gudbayaa garka webi Ganaane iyo gabbalaha dusheenna ah. Sara-joog uu muddo maahsanaa ayuu ku jirey. Isaga oo dhidid jidhkiisa kor iyo kal la foolqaadsan yahay, ayuu salka dhulka dhigayaa caw yar oo sariirtiisa ag  goglanayd. “Ma ihi Alle doori ee waxaan ahay Reer Waqooyi” ayuu mar qudha sidii cirsan-ka-yeedhka la sara kacay oo af labadii ku qayliyey, isaga oo aad mooddo qof dheelalaabo la kacay, dhinaca kale na u muuqda in culays saarnaa laga fudaydiyey. Saaxiibkii Samatar oo qolka la wadaagayey, sardho na ku jirey, ayaa qaylada saaxiibkii ku kacay oo su’aalay waxa Samaale ku dhacay?

Samaale oo Samatar la hadlaya: “saaxiib intii aad hurdada ku qasaysay ba aniga “geelaygii baa cirkaas lagu maalayey! Aniga iyo naftaydaa loollan ka dhex aloosnaa. Waxa aan ka ledi waayey murankeennii maalmahan ba dhexdeenna ka oognaa iyo runta inagu wada mudduciga ah ee aynu iska dhegamarayno”. Samatar oo dhegaha saaxiibkii u raaricinaya oo warka ka guraya, ayaa odhanaya “oo Samaalow ma ku qanacday in sidan aynu nahay aanay si is bixin karta ahayn?!”

Samaale oo neef kululi ka soo booddey: “runtii saaxiib Samatarow ‘geeridu mar bay nolosha dhaantaaye’ sidani si ba ma aha. Wallaahay bacad-joojintan iyo gacan-ku-rimintan candadawlan wax kastaa ba way dhaami karaan. Xitaa haddii gacantii gumaysiga dib loogu dhacayo ama Xamar ba la isu dhiibayo, sidii lixdankii, si indho la’aan ah”! Samatar oo ilko caddaynaya: “Alle saaxiib ‘shaw hooyaday iga ma ilbaxdo’.Waa hubsiino la’aantii. .. intiinnii yarayd dee! Waa degdeggii iyo fudaydkii berigii… waxan aad Samaalow haddeerto ku hindisoonaysaa…….. Qosol gariir gawsuhu muuqdaan!!”

Sheeko dheer baa Samatar iyo Samaale halkaas uga bilaabmaysa. Waxa ay hoos u faaqidayaan xaaladda lagu jiro gaar ahaan Somaliland iyo guud ahaan ba gobolka intiisa kale iyo saamaynta caalamka kale ku yeeshay ama hadda ba ku leeyahay iyo waxa ilmo-rogashooyin ka socda ama ifafaaleyaal ka soo naaso-cad ee qasabadda ku soo jira.

Samatar iyo Samaale waxa ay wada oddorosayaan saadaasha gurracnaan karta ee waayuhu soo gelbinayaan haddii aan hadda laga tabaabulshaysan oo aan la keenin aragti iyo hal-abuur kale oo dhaama kan u muuqda faashilka iyo hungada qaawan ee “goraygu ka sii hadaafayo”: Qaran qabyaaladi tiir-dhexaad u tahay! Qaran reernimadu ka mudan tahay waddannimada! Qaran aanu dabar ba jirin; sharci iyo qaanuun la raaco oo dadka kala dabbaalaa ba ka dhaqan geli karin! Qof kastaa ba wuxuu doono samayn karo. Koox iyo kudlad kastaa ba sidii ay doonto u dhaqmi karto.  Caddaaladda iyo garsoorku yihiin isirro halqabsiyeed oo hoosta ka madhan! Dibida iyo waylaha dameeruhu dhali karaan iwm!!

“Xaggee looga guuri karaa kayntaas dugaaggu jalabutaystay?” ayay is waydiinayaan. Hore ba loo yidhi “guushu ma dhimato, guuldarradu na ma dhammaato”!  “Qaran aanay dirsoocnimadu u doorranayn!” ayaa u muuqanaya. “Somaliland ba waa la qaramayn karaa saw ma aha? Dharkii qarannimadaa loo gelin karaa oo nuxur ahaan lagu arrad tiri karaa saw ma aha?” ayay isa su’aalayaan. “Magacyo la bixiyo, waxa ku gudo jiraa; nuxur ahaan; ka hagaagsan”! “Ma la baxnaa Jamhuuriyadda Soomaalida Reer Waqooyi”! Miyaynaan xididka geedka qarannimadaas lagu waraabin karin dheecaanka Reer Waqooyinnimadii inaga fool hallawday, markii ay dhalatay na inaga shaashowdey ee weli bukaan-socodka ah. Iyada (Reer Waqooyinnimadaas) miyaynaan dawo u raadin karin oo la dabiibi karin?

Waxa ay labadu ba (Samaale iyo Samatar) isugu nacamlaynayaan oo gorodda u ruxayaan in Reer Waqooyinnimada boodhka laga tumi karo, oo dalluuntii dheerayd lagu daboolay laga soo saari karo. Soomaalinnimadii aynu dhididka iyo dheecaankeenna u hurray, waxa burburiyey dulmi iyo caddaalad darro, kelitalisnnimo iyo qabyaalad. Qaran loo sinnaan lahaa oo la wada lahaa oo la kala xigsado, la kala sheegto oo la isugu tar-sheegto, la isugu awood iyo muruq sheegto oo la isku maquuniyo, shaadhkiisa na la isku xasuuqo ayaa la wada eeday. Taasi  Soomaalinnimo oo keliya inaga ma ay dilin ee waxa kale oo ay inaga sumaysay Reer Waqooyinnimadeennii, markii aynu kala safannay ee dulmiga kala raacnay, markii aynu isu hiilin waynay ee aynu isku wiirsannay ee kala hadafnay iyo markii iyo markii….!

Maxsuulkii ama natiijadii aynu ka hellay ee burburkii Soomaalinnimada inooga soo baxay na (Somaliland), waa innagaas iska wada dhex arki waynay ee sidii tulud geel ah sheegashadeeda kala dhowaysanayna ee aynu guuldarrooyinka iyo halista ka soo jiijii leh sidii fiinta ka sii qaylo-dhaaminayno. Waa run ay labadoodu ba is la garwaaqsadeen in wixii Soomaalinnimada burburiyey aan Reer Waqooyinnimada na lagu soo bakhti afuufi karin. Gunaanadkii, Samaale iyo Samatar, waxa ay guddoon gacanta is qaadayaan, xal na u arkayaan:

  1. In la soo nooleeyo oo dib loo xaqiijiyo, wax kale horta ha joogto’e,  ahaanshihii Reer Waqooyinnimo, laga taariikheeyo oo dib loo daraaseeyo jiritaankeeda iyo isirrada naafeeyey iyo sida looga soo kaban karo iyo
  2. In la yagleelo Jamhuuriyadda Soomaalida Reer Waqooyi oo leh dabar (xeer) iyo hoggaan (maamul) sida muraayadda la isaga wada dhex arki karo, ayna ku dhex goglan tahay dermo lagu wada fadhiisan karo si loo gudboon yahay oo aanay cidi na ku shaashoobi karin.

Taasi waa inoo ballan; ayay isku jalbeebiyeen oo yidhaahdeen; haddii aynu gooni isu taagayno sida Djabuuti iyo haddii aynu Soomaali is la doonanayno oo himiladii 1960-kii iyana soo noolaynayno oo Shantii Soomaaliyeed isu keenkooda, aynu mar kale, dawanka iyo durbaanka u tumi doonno, iyaga hoosta ka xarriiqaya in ay aragtidan la wadaagaan asxaabtooda kale, ka dib na dadka ka dhex bislayn doonaan: Sahanka iyo hiraalka aragtidoodu waa soo noolaynta nuxurkii “Reer Waqooyinnimo” iyo binaynta ehelnimadiisa xilligan cilladda iyo caabuqu dad ba wada diloodeen, lana wada bas-beelay ee la surbacaaday. Taas baa wax lagu wada noqon karaa, ayay bilkeedeen, haddii la is ururiyo oo xerada la yaraysto iyo haddii la is ballaadhiyo, haddii gaar wax loo yeelanayo iyo haddii cid kale (Xamar) wax la la wadaagayo labada jeer ba.  

Waxa aan is lahaa “ Alle doori seedi ba uma dhanaana ee dunida shaw dad baa weli ku noolaa; rag iyo haween ba ka kooban!Waxa aan anna ka mid noqonayaa inta aragtidaasi maankooda biyo dhigtay, u guuxdey ee Samaale iyo Samatar ku raacday ee soo dhowaynaysa. Waa inoo 26-ka Juun. Saw maalin aynu isku wada raaci karno oo inaga dhaxaysa ma aha?! Haa, waa maguurto aynu waadhka bukaan-socodka ku illownay, aan se tasoobi karin oo haddii aynu negaanno iyo haddii hayaanno ba ina la guurguuri doonta. Intaas uun baan hordhac ahaan hadda Samaale iyo Samatar u sii fari haadda.

Ninka diiddan taasow

Weligaa ba doondoon

Derejada carbuunta ah!

 

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com


This post has been viewed 1487 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal