Somaliland oo u biyo dhuratay xaafad Djabouti laga xukumo

Waxa Daabacay on Jan 24th, 2013 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Somaliland oo u biyo dhuratay xaafad Jubuuti laga xukumo

downloadSomaliland waxa la ogaa iyada oo sheegatay in ay ka go’day Somalia oo adduunka maqashiisay in ay yeelatay calan gaar ah, lacag gaar ah iyo dawlad gaar ah. Hase yeeshee adduunka umay sheegin goorta ay noqotay xaafad ka mid ah jamhuuriyadda Jubuuti, Siilaanyana noqday badhasaabka Jubuuti u fadhiya Hargeisa.

Haddaba in kasta oo in badan la odhan jiray Somaliland waa reer oo weligeed dawlad noqon mayso, haddana waxa arrintaasi run ka dhigay oo  soo shaac bixiyey khilaafka degaanka ee ay dawladda Siilaanyo ka aloostay bulshada wada deggan magaalada Saylac.

Waxa la yaab noqotay dawlad sheeganaysa in ay tahay dawlad madax bannaan oo ay leedahay golayaal baarlamaan, ciidan iyo bilays oo weliba ku gorgortanta in ay dimoqraadiyad gaadhay oo intaas oo jeer ay doorasho qabatay in ay maanta arrimo dalkeeda khuseeya oo ay odayo geli karaan iskaba daa dawlade in ay ula daba fadhiisato dawladda Djabuuti.

Waxa ay ummaddu ( shacabka Somaliland) is weydiinayaan waxa intaas oo goor wasiirada Somaliland sidii caanalayda kolba Djabuuti uga laba noqonayaan ee ay iyaguna isku bah dileen sumcaddii dawladda ay sheeganayeenna dhulka u soo dhigeen. Maxay tahay dawladda odayaal dhaqan sidaa u gilgileen ee kari weydey in ay go’aan sharciga waafaqsan ka gaadho oo socodsiiso xeerarkii ay iyadu dejisay ee dalka intiisa kaleba ay ku socodsiisay.

Sabobtu way caddahay, waxana weeyi inay Somaliland noqotay dukaan ay ku shuraako yihiin Siilaanyo iyo tolkii, Sacad Muuse  iyo Djabouti. Ruuxna kama qarsoona in ay arrinta Saylac tahay baroortu orgiga ka weyn oo ay salka ku hayso dano dhaqaale oo ka dhexeeya Siilaanyo oo ilaalinaya jiritaanka Bangiga Dahabshiil ee Djabuuti, Maalqabeenka Ina Aw Siciid oo Sacad Muuse gadhwadeen u ah oo isha ku haya dakedaha Saylac iyo Lugahaya iyo dhuumaha isgaadhsiinta ee xeebta Awdal mara iyo weliba Waddada Cad ee la rabo in ay isku xidho Hargeisa iyo Djabouti. Waxa intaas dheer khayraadka badda iyo shidaal ee dhex ceegaaga gubanka iyo xeebaha Awdal ee weli dihin.

Markaa waxa muuqata in ay arrinta Saylac fashilisay shiraakada saddex geeska ah ee Siilaanyo iyo tolkii, Sacad Muuse iyo Ina Cumar Geelle.

Waxa ay xulafada saddex geeska ahi liqi kari waayeen in qorshihii ay muddada badan ka shaqaynayeen ee ahaa in aan Ciise iyo Sacad Muuse dad kale u dhaxaynin Siilaanyo iyo tolkiina ay lacag iyo xoog dawladeed la dul taagnaayeen in uu kurtin ku noqdo jagada duqa magaalada ee ku wareegay Gadabuursi.

 

Intaasi oo xaqiiq ah marka aan isla fahamno, misna  waxa xusid mudan in aan dadka Gadabuursi iyo Ciise ee Awadal iyo Salal wada deggan aanay waxba isku haynin, aanay marnaba isku khilaafeen Meyar iyo jago kale midna haddii aanay dawladda Siilaanyo iyo xulafadeedu fas ka samayn iyaga oo danahooda ku raadsanaya.

Runtu waxa weeyi in arrinta Saylac qaawisay arrin  in badan la aasayey oo ah in aanay Somaliland dawlad ahayn ee ay tahay keliya reero wada deggan oo qolaba meesha ay dan mooddo u gacan haadinayso.

Haddaba  haddii ay Sacad Muuse iyo Siilaanyo dan moodeen in ay gacanta ku hayaan Djabuuti waqti adduunkii kale ka soo oodmay oo Somaliyana ay ka dhalatay dawlad la aqoonsanyahay oo aan cid dambe oo Somaliland albaab ka furaysaa aanay jirin, dadka Reer Awdal iyo beelaha dhexe intooda kale oo aan ahayn Sacad Muuse iyo Siilaanyo oo aan weliba tolkii u dhammayn, waa inay iyaga oo gacmaha is haysta ay calankii Somaaliyeed ee muddada maqnaa ay haybaddiisii soo celiyaan oo ay dawladda Muqdisho gacmo furan ku soo dhaweeyaan.

Haddii ay Somali diidnimadii ku dambaysay  in midiidin loo noqdo dawladda yare ee Djabuuti, waxa ay talada Somaliland noqonaysaa “Hashii awrkeeda diiddaa, way abaaho seegtaa…” Waxana hubaal ah in aan abaahiga Ina Cumar Geele dawladda ma dhalayska ah ee Siilaanyo iyo reeka aan kor ku magacaabay wiil xalaal ah ku dhalayn. Hase yeeshee waxa ay soo dedijisay in calankii buluuggii ee xiddigta cad lahaa ka dul babado beelaha Gadabuursi, Garxajis, Arab iyo beelaha Khaatumo State oo iyagu horaba heeryada isaga rogay aqoon ay Siilaanyo iyo inta uu wato ay u lahaayeen awgeed.

Siilaanyo iyo wasiiradiisuna ha gacan hoorsadeen Ina Cumar Geele inta yar ee ciyaarta ka hadhay.

Awdalpress.com

 


This post has been viewed 2396 times.

Categories: Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal