Awdalpress(djibouti) 24Jan, 13– Wararka ka imanaya magaalooyinka Diridhaba iyo Jabuuti ayaa sheegaya in Ugaaska Beelaha Ciise Ugaas Mutafe maanta ka soo duulayo magaalada Diridhabe, ila markaana uu imanayo dhanka magaalada jabuuti, halkaasi oo Ugaaska iyo Golihiisa dhaqanka ee beesha Ciise ay Jilbaha is gelin doonaan, waxaana la filayaa in ay ka wada hadlaan qadiyada degmada Saylac.
Arinta imaatinka Ugaask Ciise iyo dhaqanka ayaa waxay ka dambaysay ka dib markii ay fariin ka heleen madaxda dalka jabuuti, taasi oo loo sheegay in ay ka wda hadli doonaan wasiirada Somaliland xaalada degmada Saylac.
Siyaasiyiinta iyo Odayda Ciise ee hore ula kulmay weftiga Somaliland ayaa u sheegay madaxda Somaliland in ay ka amar qaataan Ugaaska iyo golaha dhaqankooda, wixii ay yidhaahdaana ay fulin doonaan, taasi oo ay xaqiijiyeen in aanay go’aan ku lahayn Arimaha socda.
wixii warara kala soco Awdalpress
Awdalpress
This post has been viewed 1591 times.








