Magaala xeebeedka Zaylac ee muranku hadheeyey maamulkeeda, maxay saxaafaduhu ka qoreen?

Waxa Daabacay on Jan 24th, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

hot newsAwdalpress – London – Sida aan wararka ku saabsan xaaladda Saylac kala soconno, waxa ugu dambaysey in wasiirka gudaha Somaliland Duur iyo wafdi uu hoggaaminayaa uu usbuucyaba joogay magaala xeebeedka ah ee Zaylac, waxanan og nahay in wafdigaasi ay u joogeen sidii ay muranka maamulka degaanka Zaylac u dhammayn lahaayeen, laakiin waa ay tahli waayeen. Murankan oo ka dhashay natiijadii doorashada, oo sida la sheegayo  beesha Ciise aanay marnaba oggolayn in talada Saylac iyaga mooyee aanay cidkale farha ku qaban, halka beesha Samaroonn ay ku doodayso in doorasho ay dhacday, qofkii ku guulaystaana uu xaq u leeyahay in uu taliyo. Laakiin habka qabiil aanu distoorka Somaliland ku qornayn.

Kaddib waxa ka daba yimid wafdi kale oo ka kooban, wasiirka Gaashaandhigga Cadami, Wasiirka Warfaafinta Abiib Tima-cad, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Wasiir kale oo ka soo jeeda beesha Ciise. Iyaguna markii ay arrintii gacanta geliyeen, ee ay dhan walba ka mareen ayey talo ka geyn weydey in ay tagaan Djabouti oo la leeyahay waa looga yeedhay amma dadka qaar leeyihiin, waxa ay ogaadeen in Djabouti faraha kula jirto sidaasi daraaddeed ayeyna u tegeen magaalada Djabouti. Haddaba shabakadda waaheen oo aan saaka isha mariyey ayaa boggeeda hore ku soo qaadatay wararkii ugu dambeeyey ee Zaylac, laakiin warka ku qoranaa in wafdi kale loo diray Saylac, balse may sheegin Abiib Tima Cad iyo Muuse Biixi in ay wafdigaa ku jireen.  Laakiin iyaduna Cadceed.com ayaa iyana si ka qoto dheer uga warrantay halka ay sartu ka qudhunsan tahay.

Warka waaheenna sidan ayuu u qornaa:

Wasiirradii Saylac Loo Diray Oo Xalkii Laga Sugayey Talo Jabuuti Uga Doontay Iyo Golaha Dhaqanka Ciise Oo Diridhaba Ka Soo Shiraaqday

Beesha Ciise Oo Wasiirrada hor-dhigay In Afar xildhibaan oo ay iska soo dhex xulaan loogu daro golaha deegaanka

saylacJabuuti (Waaheen) – Xukuumadda Somaliland ayaa ilaa hadda xal u la’ khilaafka ka taagan Maayarnimada Saylac oo ay ku muransan yihiin Beelaha Samaroon iyo Ciise ee wada degga gobolka Salal, kaasi oo soo taagnaa ilaa markii ay soo baxday natiijada doorashadii deegaanka Somaliland, taasi oo labada beelood midna 10 xubnood ka heshay, midna 7 xildhibaan.

Xalinta khilaafkan oo saddexdii todobaad ee u dambeeyay uu Magaalada Saylac u jioogay Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha, ayaan haddana wax xal ah laga gaadhin, inkasta oo Wasiirku ku guulaystay inuu xubnaha golaha deegaanka Saylac isa soo hor-fadhiisiyo si khilaafkooda ay uga wada hadlaan, kaasi oo wax wax natiijo ka soo bixi wayday ka dib markii labada dhinac mid walba diiday inuu tanaasul sameeyo.

Khilaafkan oo curtay Markii xildhibaanada Beesha Samaroon oo 10 ahi si madax banaan iskaga dhex doorteen Maayarka Saylac oo beesha Ciise ku doodayso inay xaq u leeyihiin, waxayna beesha Ciise diiday inay qaadato Maayar ku xigeenka oo Beesha Samaroon uga tanaasushay, taasi oo keentay in Wasiirka arimaha guduhu warbaahinta mariyo ka cadeeyo inay u maaro waayeen xalinta khilaafkaasi.

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo xukuumaddu ka daba dirtay Wasiirka  gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiirka Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur si ay xalka arintan ula galaan Wasiirka daakhiliga, ayaa Beesha Ciise kulamadii ugu dambeeyay ee ay Wasiirrada la yeeshaan waxay ugu soo bandhigeen sida la sheegay hindise ay ku doonayaan in afar xildhibaan oo ay iska soo dhex xulaan loogu daro golaha deegaanka Saylac ee muranku ka taagan yahay, inkasta oo aan la ogeyn jawaabta Wasiirrada xukuumadda ka socdaa ka bixiyeen arintaasi, iyadda oo wararka laga helayo kulan Wasiirradu ay si gaar ah ula yeesheen odayaasha beesha Samaroonna ay ugu soo bandhigeen inay qaataan Maayar ku xigeenka isla-markaana ay Maayarka uga tanaasulaan Beesha Ciise, taasi oo odayaasha Samaroona ka gows-adeygeen.

Dhanka kale, saddexda Wasiir ee xukuumadda Somaliland u dirtay khilaafka Saylac ayaa shalay galinkii hore socdaal ugu baxay dhanka Caasimada dalka Jabuuti, inkasta oo aan laga war-qabin dhab ahaan waxa xiligan ay u taggeen halkaasi, inkasta oo wararka qaarkood sheegayaan inay doonayaan inay dawladda Jabuuti la eegto khilaafkan dabada dheeraaday, maadaama oo Beesha Ciise ee Maayarnimada ku doodaysa ay dhanka Jabuutina deegaan ku tahay.

Sidoo kale, waxa shalay Magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya ka soo ambo-baxay wefti golaha dhaqanka Beesha Ciise ah, kuwaasi oo ku soo jeeda dhanka Magaalada Saylac, si ay kulan ula yeeshaan Wasiirrada xukuumadda Somaliland ka socda ee ku hawlan xalinta khilaafka labada beelood ee wallaalaha, waxaana la filayaa in xubnaha ka socda golaha dhaqanka Ciise iyo Wasiirradu ay jilbaha is-dhigaan maanta ahaan, iyadda oo xogaha la helayaa sheegayaan inay suurto-gal tahay in Wasiirrada iyo golaha dhaqanku isfahmaan isla-markaana furdaamiyaan khilaafka jira.

 

Bal warkii iyo faalladii cadceedna halkan ka akhriso:

Dowlada Jabuuti Oo Bahdishay Xukuumada Somaliland Qarkana U Saaran In lagu kala Cararo

Jan 24, 2013 Saylac(Cadceed) – Waxaa imika laga joogaa muddo laba bilood ah kadib markii komishanka qaranku ku dhawaaqeen natiijadii doorashooyinka , taasoo dhalisay muran badani oo keenay dhimasho iyo dhaawacba.

Dhamaan gobolada Somaliland waxaa si habsami leh u hawl galay Maayaradii cusbaa ee la soo doortay marka laga reebo degmada Saylac oo ilaa hada muran badani ka taagan yahay.

Maxaa keenay In Maayarnimada Saylac Muran Gasho?

Waxaa soo ifbaxaya ifafaalooyin muujinaya in wixii shacabka Somaliland ku soo caano maaleen ee ahayd nabad gelyada iyo qaranimada Somaliland ay daaqada ka sii baxayso kadib markii ay sida dharaarta u cadaatay in tallada iyo arrinta Saylac laga maamulayo meel ka baxsan Somaliland oo ah dalka aan jaarka nahay ee Jabuuti.

Arrintan oo dibeda u soo baxday kadib markii lagaga adkaaday dadka laga tirada badan yahay ee degmada Saylac, tani waxay dhalisay in beeshii laga guulaystay ay qaadan weyday natiijadii doorashada, waxaanay keentay in Madaxweyne Siilaanyo looga yeedho Magaalada Jabuuti si wax looga bedelo natiijadii ka soo baxday deegaanka Saylac.

Madaxweyne Siilaanyo safarkii uu jabuuti ku tagay ayaa loo sheegay in arrinta saylac suurto gal ahayn ka dowlad ahaan inaan qaadano, waxaana madaxweyne siilaanyo la faray in natiijada ka soo baxday golaha deegaanka Saylac kala wareejiyo kuna wareejiyo dadka laga tirada badan yahay. Somaliland waxay ka kooban tahay beelo isu tagay oo shirkii 1991 ku samaystay nidaam iyo maamul madaxbanaan oo raali lagu wada yahay. Qodob ka mid ah Dastuurka qaranka Somaliland ayaa qeexaya qaabka iyo nadaamka doorashooyinka deegaanka. Sida muuqata xukuumada Somaliland waxay indhaha ka tuurtay nidaamkii iyo sharcigii umada u dhexeeyay waxaanay ka door biday inay isticmaasho sharci wadan kale leeyahay(Jabuuti), taasina waxay shiki weyn galisay beel ka mida beelihii dhidibada u taagay gooni isu taaga Somaliland. Dowlada Jabuuti waxay bahdishay oo ay baabiisay Xumuumada Somaliland, waxaanay si dhibyar ugu tumatay oo ay cagta marisay sharcigii ay beeluhu samaysteen mar hadii iyada tallada laga qaadanayo.

Xukuumada Jabuuti waxay ku guulaysatay in ay shiki kala geliso beelaha Somaliland, waxaanay gaadhay in wasiiro ka mida xukuumada Siilaanyo farta ugu yeedho oo loo yeedhiyo kolba sida ay wax noqonayaan.

Xukuumda Somaliland waxay garan wayday inay ixtiraanto shuruucda dalka u yaala oo dan iyo dawaba u ah jiritaankeeda, waxaanay ilaa maanta ku taagan tahay wado khaldan oo dhaxalsiin karta cawaaqib xumo.

Isku soo duuduuboo, arrimahan oo dhami waxay muujinayaan diciifnimada Maamulka Somaliland, waxaanay dhalinaysaa in beel waliba ku dhiirato in iyadu sharciga gacanteeda ku samaysato, hadii ay taasi timaadana waabay soo uraysaaye waxay keenaysaa in nidaamkii iyo kala dambayntii astaanta u ahayd dowladnimadu meesha ka baxdo oo dib loogu noqdo Civil War.

Cadceednews Hargeysa

Awdalpress.com

 


This post has been viewed 2088 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal