Shirweyne ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Canada iyo Ururweynaha ARDAA oo jagooyinkii ugu horeeyey ka bixiyey dhul ku yaal magaalada Lughaya.

Waxa Daabacay on Jan 24th, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

tumbleUrur weynaha ARDAA ee magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa maalintii Axadii ee bishani ahayd 20 waxay qabteen shir weyn oo si heer sare ah loo soo diyaariyey. Shirkaasi waxa kasoo qayb galay boqolaal qof oo ka mid ah dadka ku nool magaaladaasi kana soo jeeda beelweynta Gadabuursi ee ku nool dalalka Somaliland, Ethiopia iyo Djabouti.

Ujeedada shirkaasi ayaa ahayd mid lagu lafagorayo laguna taageerayo mawqifka beeshaasi ee ku wajahan arrimaha la xidhiidha nabad gelyada, horumarinta nolosha bulshada, iyo sidii xal loogu heli lahaa muran ka jira magaalada taariikhiga ah ee Saylac. Waxa kaloo halkaa lagu lafaguray sidii la isaga kaashan lahaa bilaabista iyo fulinta mashruuca dakedda Lughaya ee ururka ARDAA waayahanba faraha uu ku hayey.

Shirkaasi oo uu daadihinaayey Mudane Xusseen Cali Miicaad oo ka tirsan Jaaliyada reer Adal ee deggan magaalada Toronto. Waxaa kamid ahaa madaxdii halkaa ka hadashay Mud. Nuur Xirsi Bahal, Prof. Maxamud Xusseen Cige, Mudane Ibraahim Cabsiiye, Mudane Maxamad Cabdi Cumar iyo Sheekh Maxamad Xusseen Hadi, oo dhammaantoodba si qoto-dheer uga hadlay arrimaha shirka loo qabtay. Waxa iyaguna qayb libaax ka qaatay, suurana galiyey inuu shirkaasi qabsoomo, qaar kamid ah haweenka aadka u fir-fircoon ee magaalada Toronto deggan.

Arrimihii ugu waaweynaa ee shirkaas ka soo baxay waxa kamid ahaa:

  1. In si buuxda loo taageero mawqifka maxdhaqameedka beelweynta Gadabuursi ee ku wajahan muranka ka taagan magaalada taariikhiga ah ee Saylac, kana dhashay doorashadii deegaanka ee dalka Somaliland ka dhacday 28/11/2012kii.

 

  1. In qurbe-jooga reer Toronto ka midoobaan una midoobaan danta guud ee beesha; sidoo kalena ku guubaabiyaan walaalahooda kala deggan daafaha kale ee caalamka.

Arrinta kale ee aadka looga hadlay, ahaydna mid si weyn loo soo dhaweeyey, waxay ahayd iyada oo Ururka ARDAA markii ugu horeysey  uu bixiyey jagooyin ku yaalla magaalada Lughaya. Jagooyinkaa dhulka ah ayaa waxa mutaystay todoba (7) qoys oo bixiyey $1,000 iyo wax ka badan, uguna deeqay lacagtaas  mashruuca Ururka ARDAA uu ka fulinaayo magaalada Lughaya ee lagu dhisayo dekedda.

Gabagabadii shirka ayaa waxay dadweynihii halkaa isugu yimid si aada ugu booriyey Sheekh Maxamad Xusseen Hadi inay iyaguna ka qayb galaan dadaalkaa loogu jiro dhismaha dekedda, waxana goobtii lagu qaatay 25 joogo oo kale oo usoo hoyndoono mashruuca dekedda lacag dhan $25,000.00 Ugu dambaystii waxa halkaa ka dhacday farxad iyo damaashaad lagu soo af-jaray qado ay haweenka magaaladu kusoo fara-yareysteen.

Ururka ARDAA waa urur dalad guud ah, kuna saleysan hanaanka bulshada, isla markaana samafal ah. Waxa Lagu asaasay Waqooyiga Mareykanka sanadkii 2007 si ay taageero ugu fidiyaan mashaariicda horumarka ee dhaqan-daqaale ee gobalada ADAL, iyaga oo mideynaaya muruq iyo maalba, una fidinaaya tababar,waci gelinaya, horena u mariyaan hogaankooda iyo iney u doodaan xuquuqdooda ibna aadanimo.  

Toronto: January 23, 2013

Awdalpress.com


This post has been viewed 1799 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal