M/xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali oo Madaxtooyada kala hadlay Arinta Saylac iyo Wararkii u dambeeyay ee Saylac

Waxa Daabacay on Jan 23rd, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Aw CaliAwdalpress(Hargaysa) 22 jan, 13– M/xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali Faarax ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada hargaysa M/weyne Siilaanyo iyo M/xigeenka Saylici.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada hargaysa ayaa sheegaya in Siyaasiga C/raxmaan Aw Cali ka cadhooday qaabka xukuumada jirta ee Somaliland u jahawareerinayso golihii la doortay ee degmada Saylac, sidaas awgeedna uu ka adkaysan kari wayay xiisada degenaasho xumada ah ee Siyaasiyiinta qaar ka Abuurayaan degmada Saylac iyo sida degmadu xaq ugu leedahay in ay la mid ahaato degmooyinka doorashadu ka dhacday ee Somaliland.

Siyasiga C/raxmaan Aw Cali ayaa shirar la kala yeeshay M/weyne Siilaanyo iyo M/xigeenkiisa, Inkasta oo aan la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen kulankoodaasi, balse waxaaa loo malaynayaa in kulankoodu ahaa qadiyada degmada Saylac ka Aloosan wakhtigan.

C/raxmaan Aw Cali ayaa la sheegayaa in sababta uu tegay madaxtooyada ay sababtay, ka dib markii ay la soo xidhiidheen qaar ka mid ah golaha deegaanka ee degmada Saylac iyo masuuliyiintoodu, isla markaana ay la socod siiyeen in degmada laga wado xaalad aan wanaagsanayn, oo aanay u adkaysan karayn bulshada beesha Samaroon ee degmada degeni, sidaas awgeed warkooda la gaadhsiiyo hogaanka u sareeya ee M/weynaha iyo K/xigeenkiisa.

Wararka kale ee aan ka helayno Saylac ayaa sheegaya in xubnaha golaha deegaanka ee degmada Saylac ay isku dhaceen wasiiradii Somaliand ee weftiga u joogay Saylac, ka dib markii ay shir ku yeesheen magaalada, isla markaana weftigu u sheegay xubnaha golaha deegaanka iyo madaxdooda in ay u baxyaan Jabuuti, halkaasina ay kula soo shirayaan 7 xildhibaan ee ciise cidii u xidhaha ahayd oo ah Jabuuti, sidaas awgeedna ay sugaan 3 maalmood, Arintaasi oo uu hadal Adag kaga Jawaabay gudoomiyaha degmada Saylac Xuseen Iidle, Jawaabtaasi oo ka cadhaysiisay Wasiirada.

Si kastaba ha ahaatee qadiyada siyaasadeed ee laga Abuuray degmada Saylac wixii ka dambeeyay natiijadii doorashada ee Komishanka doorashooyinku ku dhawaaqay, ayaa waxay wakhtigan maraysaa meeshii u saraysay, waxaana muuqda in siyaasiyiintii waaweynayd ee dalka Somaliland ay u adkaysan waayeen sida loo baal marayo sharicaydii dalka u taalay.

Guntii gabagbadiina waxay u muuqata xaalada Somaliland in dib loogu noqonayo nidaamkii beelaysnaa ee Somaliland ka jiray 1991-1993gii, waxaana aad la isku weydiinayaa sababta xukuumadu xal uga raadinayso degmo ka mid ah dhulkeeda dal kale oo la jaar ah, hadii aanay kaga imanayn dalkaasi maleeshiyo kaga soo duulaysa dalkaasi.

Awdalpress


This post has been viewed 3615 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Awdal Media by S R H