Wasiirada Saylac ku sugnaa ee Somaliland oo Jabuuti kala soo Xaajoonaya Arinta degmada Saylac

Waxa Daabacay on Jan 23rd, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

57Awdalpress(Saylac) 21 Jan, 13– Weftigii wasiirada ahaa ee mudaba ku sugnaa magaalada Saylac, ayaa saaka u baqoolay dhanka dalka Jabuuti, si ay ugala soo xaajoodaan arimaha golaha deegaanka ee degmada Saylac.

Wasiirada oo ka kooban Wasiirka Arimaha Gudaha Duur, Wasiirka Gaashaandhiga Cadami iyo Wasiirka Warfaafinta Abiib Timacade, waxaa ka sii raacay dhanka Lawyacade ee Jabuuti oo ku sugayay wakiilka Somaliland u jooga Jabuuti.

Sidoo kale duqaydii beesha Ciise ee marka hore wada xaajoodka u joogay Saylac, ayaa iyaguna dib ugu laabtay dhanka dalka Jabuuti, taasoo lagu heshiiyay arinta lagu soo gorfeeyo dhanka magaalada Jabuuti.

Wasiirada ayaa warar ku dhawdhaw sheegayaan in mudo sadex maalmood ah ay ku sugnaan doonaa magaalada Jabuuti, Inta ay ka soo laabanayaan weftigu dalka Jabuuti ayaa wasiiradu Amar ku hakiyeen hawlgalkii shaqadii uu qaban lahaa gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle.

Dadweynaha ku nool degmada Saylac ayaa aad ula yaaban sababta dawlada Somaliland mashruuca uga dhigatay doorashadii ka dhacday degmada Saylac iyo sababta ay degmadu uga duwan tahay degmooyinkii doorashadu ka dhacday ee Somaliland.

Ififaalaha soo baxaya ee ku saabsan weftiga Somaliland ee u socdaalay dhanka Jabuuti ayaa lagu eedaynayaa inay la soo baayactamayaan Jabuuti si loo siiyo beesha Ciise gudoomiyaha Golaha deegaanka Saylac, ilaa iyo hadana waxaa arimahaasi afka ka xidhay siyaasiyinta iyo madaxda dhaqanka ee Samaroon.

Awdalpress


This post has been viewed 1490 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Awdal Media by S R H