Mura adag oo maalmahan hadheeyey Baarlamanka oo dhaliyey in guddi hoosaaska Musuq maamusuqu ay is casilaan.

Waxa Daabacay on Jan 23rd, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Hargeysa (Waaheen) – Afar xildhibaan oo ka mid ah Guddida ilaalinta hantida qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay iska casilay ka mid sii mid ahaanshiyaha guddidaasi oo ay sheegeen in hawlihii loo igmaday fulintooda ay caqabad ku noqdeen shir-guddoonka Wakiiladu.

Xildhibaanadan oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay is casileen ka dib markii hawlo badan oo la xidhiidha ilaalinta hantida qaranka oo ay ku deba-galayeen xukuumadda ay kaga yimaadeen caqabado ay masuuliyadooda ku eedeeyeen shir-guddoonka oo ay sheegeen inuu xukuumadda u xaglinayo.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo laanta afka Somaliga ee Idaacada BBC-du waydiisay waxa uu kaga jawaabayo eedaymaha xildhibaanada iscasilay iyo waxa ka jira in xukuumaddu faraha kula jirto hawlaha golaha wakiilada, ayaa beeniyey, isaga oo ujeedada iscasilaada xubnahan guddida ilaalinta hantida qaranka uu ku sheegay khilaaf dhexdooda ah.

Guddoomiyaha oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Guddidu waxay ka kooban yihiin 9 xubnood, afar ka mid ah ayaa istiqaalad ka keenay inay guddigaasi ka baxaan, waxaana keenay khilaafaad guddida dhexdeeda jiray oo xildhibaanada qaarkood leeyihiin guddidii ma shaqeynayso, dalbadanayna in guddida loo xoojiyo oo xildhibaano kale loo soo bedalo, sida sharcigu yahayna shir-guddoonka ayaa guddiyada isku bedbadala”

Guddoomiye ku xigeenka oo la waydiiyay waxa ka jira in xukuumaddu faraha kula jirto Golaha Wakiilada ayaa ku jawaabay “Hadalkaasi waxba kama jiraan, golahana xukuumaddu ma xukunto, Goluhuna waa golle Madax banaan, waana laba golle oo siman (Xukuumadda/golaha Wakiilada), markaa haddii guddidu yidhaahdeen ma wada shaqeyn karno shir-guddoonka ayay u taalaa inuu guddiyada isku badbadalo, waanuna ku tallo jirnaa, haddii xildhibaanadu iscasileena waa iska caadi oo guddiyada kale ayaa loo bedalayaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha in goluhu si duuduub ah u ansixiyo wixii ay u soo gudbiso xukuumaddu ayaa yidhi “Waxaasi waxba kama jiraan, goluhu shuruuc ayuu leeyahay, shuruucdana qaarna xukuumadda ayaa soo gudbisa, qaarna golaha ayaa curiya, xukuumaddu marka ay soo gudbiso shir-guddoonku wuxuu u gudbiyaa guddida ku shaqada leh, ka dib ayaa golaha la hor-geeyaa markaas ayaa laga doodaa, ka dib ayaa Mudanayaasha la waydiiyaa in duub-duub lagu ansixiyo in qodob qodob loo ansixiyo, markaa sidii loo ansixinayaa golaha ayay u taalaa, markaa eedaasi wax ka jiraa ma jiraan, shir-guddoonkuna fadhiyada ayuu hagaa”


This post has been viewed 243 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Awdal Media by S R H