Dagaal dhex maray ciidamada Somaliland iyo Khaatumo

Waxa Daabacay on Jan 22nd, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress(Xuddun) 20 Jan, 13–Iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo ayaa maanta ka dhacay bariga degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Dadka deegaanka ayaa Bar-kulan u sheegay in iska hor imaadka uu saameyn ku yeeshay dad reer guuraa ah oo ku nool deegaanka, dhawaqa rasaasta ee hubka fudud iyo kan culus waxaa laga maqlayay Xuddun.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in uu dagaalku joogsaday gabbaldhicii maanta.

Ma jiraan mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac oo ka hadlay dagaalka.

Iska hor imaadyada u dhaxeeya labada dhinac ayaa si goos goos ah uga dhacayay gobolka Sool, tan iyo 28-kii bishi Nofember ee sanadkii hore.

RBK


This post has been viewed 719 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Awdal Media by S R H