Awdalpress – Hargeysa – Gudoomiye xigeenka Gudi-hoosaadka Arimaha Gudaha iyo Nabadgelyada Golaha Wakiilada Somliland Xil.Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Aw-xoog ayaa si mug leh u beeniyey warar uu sheegay inaaney sal iyo raad toona lahayn oo uu ka qoray,baahiyeyna Wargeys maalinle ah oo ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Hargeisa.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw-xoog oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada ayaa si kalsooni leh u beeniyey warkaa uu ka qoray wargeysku oo sheegaayey in Xildhibaanku xidhiidh wada-shaqeyneed oo dhow la leeyahay masuuliyiinta xukumada Somaliya iyo Wasiirada Arimaha Debeda ee Somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wuxuu ka loo wargeysku intaas raaciyey in Xildhibaan Aw-xoog kula kulmay Foosiya Diyaarad Rakaaba sida oo Madaarka Berbera fadhiisatey gudaheeda halkaasna shir 20 daqiiqo ah kula qaatey.
Haddaba, Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw-xoog oo shirkiisa jaraa’id dabasocday wararkaa uu Wargeysku daabacay ayaa sheegay in warkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur qaawan ah ,wuxuuna intaas raaciyey Xildhibaanku in warkaa looga jeeday in sumcadda uu shacabka dhexdiisa ku leeyahay lagu waxyeeleeyo oo lagu sharaf dilo maaddama uu yahay Xildhibaanka keliya ee had iyo jeer u taagan ama u dooda Bulsahada Somaliland iyo duruufaha qalafsan ee la soo dersa ama soo foodsara sida sixirbararka,shaqo la’aanta,tahriibka iyo dulmiga shacabka lagula kaco ama loo geysto.
Xildhibaanku wuxuu sheegay inuu aad isagu kalsoon yahay hase yeeshee aanu Wargeysku sheegin Isha (Source) uu ka soo xigtay warkaas bugta iyo beenta ah ee uu iska malmaluuqday balse wuxuu sheegay in la sheegay , Hadaad maqasho kelmadaa waa la sheegay ogow waxba kama jiraan warkaas,qofkaa qorayna war ma hayo!.
Xildhibaan Aw xoog wuxuu sheegay inuu rumaysan yahay in warkaas Wargeysku qoray aanu Weriye samayn ee loo soo dhiibay oo xukumada Siilanyo u soo dhiibtay oo dano gaara ka leedahay,doonayso inay sumcadiisa ku xajiimayso,wuxuuna intaa sku daray Xildhibaanku hadii cidii u dooda dhibaatooyinka haysta bulshada Somaliland iyo danyarta codkeedu hooseyo xukumada Siilanyo ku eedayso Somaliyuu la shaqeeyaa oo moodeyso inuu intaas ku didaayo Adeer ku didimaayo,Somaliyana nin u shaqeeya ma ahi ee waxaan ahay Xildhibaan dadkiisu soo doortay oo si hagar la’aana ugu adeegaaya.
Dhinaca kale Xildhibaanku wuxuu tibaaxay inay wasiirada Foosiya ku kulmeen Madaarka Berbera kana codsadey inay soo degto oo Xeebsoor kala qadeyso waayo buu yihi dhaqankeena ayey ka mid tahay haddii qof Xasabo ama Xigaali baradaada kugu soo maro inaad sooryeysaa.
Isku soo wada duuboo wuxuu Xildhibaanku ka dhawaajiyey in Madaxda Somaliya iyo Somaliland mar walba kulmaan, oo kulmaan Ingiriiska,Imaraadka Carabta iyo meelo kaleba. Sidoo kale wuxuu Xildhibaanku tusaale u soo qaatey in Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Maxamed Cabidlaahi Cumar iyo Wasiirkii hore ee Arimaha Debeda Somaliya Maxamed Cabdilahi Omar mar walba meel walba si caadi ah ugu kulmi jireen,markaa wax cusub oo lala yaabo maha waa dhaqan ay leedahay xukumada Siilanyo inay hadba muwaadin iska xajiimayso.
Qarannews
Awdalpress.com
This post has been viewed 453 times.








