Maxay Tahay Ujeeddada Jabuuti ka leedahay faro-gelinta Doorashada Saylac ?

Waxa Daabacay on Jan 21st, 2013 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Ismaaciil-Cumar-Geelle

Faallo: Doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday Somaliland oo ay ka qayb-qaadanayeen 7 urur iyo xisbi siyaasadeed, ayaa waxay natiijadeedii ku dhammaatay  laba ujeedo, waxanan u kala qaybin karnaa: 

 

Ula jeeddadii doorashada Somaliland ee labadaa qodob ku salaysnayd waa la weeciyey, waxana ka  faa’iidaystay dalka Jabuuti, oo illaa iyo wixii ka dambeeyay dhimashadii Marxuum Cigaal si toos ah iyo si dadbanba faraha ugula jirtay Siyaasada gudaha ee Somaliland iyo Somalia, isla markaana saamayn aad ah ku lahayd dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socday gudaha Somaliland.

Maamulka dalka Jabuuti ayaa doorashadii tan ka horaysay waxa ay taageertay Xisbiga Kulmiye, balse doorashadan way ka soo leexatay, lamana garan karo sababta ay uga biyo diidday Xisbiga Kulmiye, ee ay waagii hore taageertay. Oo ay ururrada cusub mid ka mid ah u taageerto. Si kastaba ha ahaateewaxa la yaab leh sababta ay ururo ka dhisan dal kale ugu kala ololaynayso.

Haddaba markii ay Jabuuti ku khasaartay ururkii la garab is taagtay taageerada si ay xisbi talada dalka hoggaamiya uga dhigaan, ayaa misna ay bilawday in ay taageerayaasheedii ay ku lahayd gudaha Somaliland ku dhiirigelisay in ay rabshado ka sameeyaan meelaha u nugul, waxaanay Jabuuti cusbataaladeeda u qaadday dadkii ku dhaawacmay rabashado ka dhacay Hargaysa iyo Saylac, halka aanay cusbataaladeeda geyn dadkii ku dhaawacmay Boorama iyo Lughaya, taas oo laga dareemi karo siyaasadeeda ujeedaysan ee ku dhisan kala qaybinta Somaliland.

Sidoo kale Xukuumada Jabuuti hadda waxa ay bilawday in ay culayska saarto, jahawareerinta golaha deegaanka ee degmada Saylac, waxaanay taageero uga heshay farogelintaasi Saylac, xubno wasiiro ah oo ka mid ah xukuumada Siilaanyo, kuwaas oo gacansaar hoose la leh M/weynaha Jabuuti, Wasiiradaasi waa rag macruuf ah oo la yaqaan inta badana socdaalo joogta ah ku tega Jabuuti, waxa ka mid ah Wasiirka Arimaha dibada, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Warfaafinta iyo kuwo kale.

Haddaba maxay tahay Ujeedada rasmiga ah ee maamulka Jabuuti ka leeyahay farogelinta Saylac?

Waxan odhan karraa waxa uu ka leeyahay:

  1. Midda hore wuxuu khalkhal ku gelinayaa jiritaanka iyo kala dambaynta ka hano qaaday Somaliland, isla markaana wuxuu ku wiiqayaa gooni isku taaga ay Somaliland ku doodo, wuxuuna ka Abuurayaa xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti xaalad Amni daro, taasi oo jabuuti rabto inay qaabkii Kenya u qabsatay Kismaanyo, ay iyaduna farogelin ciidan ku soo samayso, dhinaca ay kala jaarka tahay Somaliland, si ay u maamusho G/Awdal iyo xeebihiisa, dadka ka faallooda siyaasadda Jabuuti waxa ay aaminsan yihiin in M/weynaha cusub ee Soomaaliya Xasan uu aqbali doono farogelin ciidan oo ay jabuuti ku samayso G/Awdal, isla markaana Jabuuti kaga heli karo ogolaansho dawlada Muqdisho, maaddama ay Jabuuti hore u geysay ciidammo gudaha Soomaaliya.
  2. Ujeeddada kale ee Jabuuti ka leedahay farogelinta golaha deegaanka Saylac waxa ay tahay, Doorashadii baarlamaanka jabuuti oo dhici doonta bishan soo socta ee Febarweri, doorashadaasi oo xeerkii u dhisnaa Jabuuti ee xisbiyadeedu kuraasta baarlamaanka u kala heli jireen wax laga bedelay, loona bedelay in xisbi kastaa tirada kuraasta ee uu helo baarlamaanka uu qaato, halkii Awal uu xisbi keli ahi hadii dhaafo 50% oo 65 kursi wada qaadan jiray, Arintan oo ay ku khasbeen dalalka Maraykanka iyo Yurub waxay cabsi gelisay M/xeyne Geele, wuxuuna ka baqay maadaama beeshiisa Mamaasan ay lagaga badan yahay Jabuuti in beelaha ku kacsan ee ka soo jeeda Beelaha kale ee Ciise uu xiisad dagaal gosha u geliyo, isla markaana uu u tuso in dhul ay leeyihiin laga qaadanayo, si markaasi siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee Daaf iyo Ganacsade Boore reerahooda uga mashquuliyo in aanay haleelin doorashadan kuraas mucaarad ah, sidaas Awgeedna si xirfadaysan uu Aqlabiyada Baarlamaanka xisbigiisu u helo xildhibaano tiro badan oo u baxa Baarlamaanka, Aduunkana uu u tuso in la taageersan yahay.
  3. Ujeeddada labaadna waxa ay tahay in, in uu Somaliland ka hor istaago heshiis dawlada Imaraadku rabto in ay kula wareegto dekeda Berbera, heshiiskaasi oo dekedaasi lagaga dhigayo mid casri ah oo la mid ah tan Jabuuti, si aanay taasi u hirgelin uu khalkhal iyo xiisad degenaasho la’aan ka Abuuro xeebaha galbeedka ka xiga dekeda Berbera.
  4. Ujeedada saddexaadna waxa ay tahay, M/weyne Geele in uu tuso xukuumada Muqdisho in beeshiisu awood ku leedahay Somaliland, isla markaana ay wax ka bedeli karto gooni iskutaaga Somaliland, ka bacdina loo Arko Somaliland meel Jabuuti gacanta ku hayso, si beeshiisa loo siiyo mansabyo iyo xilal ay ka qabato xukuumada Soomaaliya.

Waxaas oo dhan waxaa u daliil ah Hanjabaadaha iyo hadallada ka soo baxaya Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Ciise ee ku jira golayaasha Somaliland iyo kuwo xilal wasiiro ah ka soo qabtay, kuwaas oo muddaba ku bisaaradaysanaa Hargaysa, gaar ahaan intii ka dambaysay Rayaale, balse wakhtigan u muuqda qaar hurdo laga soo toosiyay, oo loo maalgelinayo sidii ay u kala tuuri lahaayeen hoggaanka Duqa Siilaanyo gadhawadeenka ka yahay ee Somaliland.

Xukuumadda M/weyne Siilaanyo waxa ay kaga guulaysan kartaa Ujeedooyinkaasi Jabuuti, hadii ay gashato Muraayadii M/weyne Cigaal mid la mid ah, si ay u aragto dabinnada qarsoon ee M/weyne Geele la maaggan yahay Somaliland, haddii kale wixii laga sugaaba Xukuumada Siilaanyo waa iyadoo u noqta Daab Gudmeed.

Dhanka kale waxaa isweydiin mudan sababta M/weyne Geele uu u farogelinayo Guusha reer Abtigii ka gaadhay doorashadii Saylac oo ah Qabiilka ay ka dhalatay Hooyadii isaga dhashay iyo sababta uu u kala jeclaysanayo Aabaha iyo Hooyada, Arintaasina faallo ma leh !

Awdalpress

 


This post has been viewed 3562 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal