Akhristow ma ka warqabtaa sida la isugu dirayo Gadabuursi iyo Ciise iyo danta laga leeyahay.

Waxa Daabacay on Jan 9th, 2013 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – London – Inta aynaan qoraalkeennan u gelin bal marka hore aan akhrisanno maqaalkan lagu dacaayadaynayo dhaqanka beesha Ciise iyo sida la isugu dirayo Gadabuursi iyo Ciise, ee dhul aanay isku hayn loo dhex dhigayo.

Maqaalkan hoos ku qoran oo  iftiiminaya mashaariicdan dagaal oo beesha dhexe qaarkood wadaan ayaa ujeeddadoodu tahay sidii loo weecin lahaa mashkiladaha dhexdooda ka taagan, sidaasi daraaddeed ayey abuurayaan dhibaato kale oo ay dadkoodu ku kala jeestaan.

Qorshahan Saylacna sidaasi ayuu ku yimid, ee Gadabuursi iyo Ciise wax ka dhexeeyaa ma jiro, madal ay ku kulmeen oo ay isku diideenna ma jirto. Laakiin waxa muhiim ah in la isla fahmo shakhsiyaadka hawshan reeraynaya ee weliba lugta ku leh Djabouti. Sida nagu maqaala ahna waxa la sheegayaa in Ismail Omer Geelle aad uga cadhooday shirqoolkan la dhex dhigay shacab aan waxba isku hayn. Shakhsiyaad dillaaliin ka ah mashruucanina  waxa uu amray in aanay dhibaatada ay cagaha ku wataan dalkooda la dhex iman.

Haddaba bal aan akhrisanno maqaalkan, ay aflagaadadu ku badan tahay.

Natiijada Doorashada Deegaanka Oo Saamayn Ku Yeelatay Dhaqanka Beesha Ciise Iyo Mudaharaad Maanta Ka Dhacaya Magaalada Saylac

“Waxa Muran ka taagan yahay Mulkiyada degmada Lughaya oo Ugaaska Ciise Ka Minyareysto”

ugaas ciiseHargeysa (Waaheen) – Doorashadii deegaanada Somaliland ee dhawaan dalka ka qabsoontay ayaa saamayn ku yeelatay dhaqanka iyo hidaha beesha Ciise oo ah mid aad uga duwan dhaqanada Somalida kale.

Doorashadii deegaanka oo natiijadii ka soo baxday muran ka dhalisay deegaano badan oo dalka ah, ayaa si gaar  ah saamayn ugu yeelatay dhaqanka soo jireenka ah ee Beesha Ciise ee Gobolka Salal, waxaana natiijada doorashada ka soo baxday ay muran ka dhalisay deegaano Lughaya ka mid tahay oo xeerkoodu sheegayo inay mulkiyadooda tahay beesha Ciise.

Muranka natiijada doorashada deegaanada Somaliland ayaa khalkhal galiyey xeerka Beesha Ciise oo dhigaya in mulkiyada Lughaya Ciisuhu leeyahay, balse imika waxa mulkiyadeed a kula doodaya beesha ay deriska yihiin ee Samaron, waxaana la sheegay in beesha Ciise meel adag ka taagan yihiin qadiyada Mulkiyada Lughaya oo dhaqankoodu sheegayo in Ugaaska Beesha Ciise ka soo guursado Minyaradiisa.

Muranka ka dhashay Mulkiyada degmada Lughaya oo ay beesha Samaroon ku muransan yihiin ilaa iyo wixii ka dambeeyay natiijada doorashada golayaasha deegaanka Somaliland ee dalka ka dhacday 28-kii bishii November ee sanadkii dhamaaday, ayaa Beesha Ciise u arkaan mid ceeb ku ah dhaqankooda iyo dadnimadooda in deegaankii Ugaaskoodu ka minyareysanayey uu mulkiyadeeda buuq ka dhasho, inkasta oo Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim gaadhin xiligii uu minyaraysanayey, haddana arimaha dhaqanka ku salaysan oo arintani ka mid tahay ayaa haddii aan wax laga qaban keeni kara isku dhac labada beelood ah, maadaama oo beesha Ciise aaminsan yihiin in dhaqankoodii meel lagaga dhacayo isla-markaana wixii xeerkoodu sheegayay la dafirayo.

Dhanka kale, Magaalada Saylac ayaa la filayaa inuu maanta ka dhaco mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo natiijada doorashada ka soo baxday iyo weliba saamaynta hanaanka dimuqraasiga ahi ku yeeshay dhaqanka beesha Ciise.

Waxa la filayaa inay maanta halkaasi gaadhaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo isku dayaya inay arinkan dajiyaan.

Waaheen.

Qoraalkaa aan kor ku soo akhrinay, waxa lagu soo nashriyey shabakadda Internetka ee Waaheen. Run ahaantiina waxa su’aalo badan la iska weydiiyey sababta shabakaddan oo kale loogu soo nashriyey. Waayo waxa ay dad badani shabakaddan u arkaan mid dhex dhexaad ah oo wararkeedu miisaaman yihiin. Balse waxa maqaalkani dhex dhigay fadeexaddan aan qarsoodiga lahayn ee ay shakhsiyaad ka mid ah reer Somaliland ay dhex wadaan beelo walaalo ah, taasi oo ay xumaan  raadin ku dhex rafanayaan.

Laakiin si kastaba beeluhu ha isugu dheceene, waxa aanu shaki ku jirin in maanta la kala sheeganayo Saylac. Oo sida hadalka loo dhigayo ay sheegashadu marayso annaga ( Gadabuuri) ayaa dhulka iska leh, iyo Annaga ( Ciise ) ayaa dhulka iska leh. Taasina waxa ay degaankaa dhaxalsiinaysaa in dib loo dego, oo loogu kala badiyo waana arrin marka dhinaca togan laga eego loo baahan yahay. Dabadeedna sida Muqdisho, Berbera, Burco iyo Hargeysa loo kala sheegto. Haddii aan sii faah faahinno, Berbera oo marso qaran ay ku taallo waxa sheegtay Ciise Muuse, Muqdishana waxa sheegtay Abgaal, Burcana waxa sheegtay Habar Jeclo, Hargeysana waxa sheegtay Sacad Muuse. Dadkii kale ee magaalooyinkaa degganaa waxa lagu muquuniyey tiro. Waa sida ay shaxda maamulku u dhigan tahay.

Mashruucanina waxa uu u eg yahay mid u danaynaya danta ummadda reer Awdal, Salal, Harawe iyo Gebilay ee dhulkoodu uu mar walba soo ururayo. Halka uu shacabkii Samarroonna sii badanayo. Sida dabiiciga ahna waxa dhacda in dadku marka uu degaan ku bato uu qarxo, oo is kala bixiyo. Marka la qiyaaso tirada xad dhaafka ah ee gobollada Harawe, Awdal, Salal iyo Gabilayna waxa cad in ay beelaha Gadabuuri aad u buux dhaafiyeen dhulkii ay isugu soo urureen. Tusaale ahaan doorashadii Killilka shanaad ee Itoobiya waxa  Gobolka Harawe ka codeeyey  dad kor u dhaafay 800,000 ( siddeed boqol oo kun). Taasi macnaheedu waxa ay noqonaysaa in tirada dadkaasi ay noqonayaan ugu yaraan 2 500 000 ( laba milyan iyo shanboqol oo kun ). Xisaabtaa waxan ku hellay markii aan 4 ku dhufannay 800 000, waayo tirada codaysay waa dadka ay da’ doodu ka weyn tahay 18, sidaasi daraaddeed dadka da’ daa ka yari waxa ay noqonayaan afar laab.

Dhinaca Somalilandna waxa la qiyaasayaa in ay dadka degaannada Awdal, Salal iyo Gebilay ee Samarroon aanay ka yarayn tirada aan kor ku soo sheegnay, ee ku nool Itoobiya ( Gobolka Harawe ).

Degaan ahaan beelaha Gadabuuri amma Samarroon waxa ay degaan dhul aad ugu fiican beeraha, xoolaha isla markaana waxa uu dhulkoodu hodan ku yahay khayraadka dabeeciga ah. Dhinaca kalena waxa ay degaan aad u dheer ku leeyihiin xeebta Istaraatiijiga ah ee dhereran degaanka Saylac iyo Bullaxaar.

Taariikh ahaan waxa gadabuursiga lagu tiriyaa dadkii ugu soo horreeyey dhulka Somalida amma ay Somalidu ka tafiirantay. Taasina waxa tilmaamaysa taariikhda qoran ee laga qoray boqollaal sano ka hor iyo dhaqanka xaddaariga ah ee ay leeyihiin.

Gadabuursiga iyo Ciisuhu waxa ay dhaqan u leeyihiin boqortooyooyin da’ weyn oo wakhtiyada qaar mataano ahaa. Waxana ay degaan ahaan ku kulmi jireen Itoobiya gaar ahaan gobolka Harargi. 

Sida dacaayadda ah ee aan maqaalka kor ku qoran ku soo akhrinay, boqorrada Ciise iyo kuwa Gadabuursi way xididi jireen, laakiin waa ceeb in aan xididnimadaa hoos uga dhaadhaco oo aan idhaa, ‘ Ugaasku waxa uu ka min yaraysan jiray Ciise amma Gadabuursi’. Balse dhaqanka Somalida sida dadka Muslimiinta ah waa mid dhacda in laba iyo saddex dumar ah la guursado. Laakiin xaddaaradda xilligani waa mid ku qariib ah in ninku laba dumar ah iyo wax ka badan iska guursado. Inkasta oo ay dadka qaar sameeyaan.

Awdalpress.com

 


This post has been viewed 3646 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal