Awdalpress(Djibouti) 05 Jan, 12–Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u soo jeediyay dowladda Eritrea inay soo dayso maxaabiis Jabuutiyaan ah oo ku jira xabsiyada dalkaas.
Madaxweynaha ayaa warkan ka sheegay khudbad uu Talaadadii ka jeediyay xarunta madaxtooyada Jabuuti oo uu kula hadlayay shacabkiisa, isagoo Eritrea ku eedeeyay inay jirdil iyo dhibaatooyin kale u gaysato maxaabiista, ayna iska indha-tirtay soo-jeedimo badan oo uga yimid hay’adaha xuquuqda aadanaha.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku taliyay in xal laga gaaro khilaafka labada dal ee salka ku haya muranka dhanka xadka ah ee Dumeera, isagoo sheegay inaanay weli natiijooyin wax ku ool ah ka soo bixin waanwaanta u wado boqorka Qadar Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aala-Taani.
Maxaabiista Jabuutiyaanka ah ayay Eritrea ku qabsatay dagaalkii labada dal dhex maray sanadkii 2008.
RBK
This post has been viewed 569 times.








