Qosol: Shilkii dhacaba Sheekaa ka hadha Saylac oo dhamaystiran

Waxa Daabacay on Jan 5th, 2013 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Shilkii dhacaba sheekaa ka hadha , murti weeyi waayeel hore u yidhi, waxaan uga socdaa gundhiga sheekadan in aan idiinka dhigo madadaalo fiican iyo hadalhaynta xiisadii golaha deegaanka ee degmada Saylac ku reebtay bulshada mandaqada, isla markaana lagaga sheekaysanayo shaaracyada magaalooyinka Somaliland, Inta sheekooyinkaasi aanay gaadhina inaan ugu gudbino Aalada Internetka.

Wixii dhacaba sheekaa hadha waa murtida mawduuca aan ka sheekaynayo ;

Horta Aan ku horeeyo waxa ay sheekadani tahay ama daaran tahay, waa ergadii timid Boorama ee uu hogaaminayay M/xigeenka Somaliland Saylici iyo wixii ay kala kulmeen Boorama, waxaas oo ah wax ka dhinaa wararkii lagu qorayay Shabakadaha amase Youtubeka la soo gelinayay.

Hadaba Akhriste Adoo isweydiinaya waxaasi  yaabka leh ee wararka ama dhacdooyinkii laga sheegay Ergada Hargaysa ka timid aan laga sheegin muxuu ahaa? Aan si kooban uga sheekeeyo waxa ay tahay qisada la yaabka noqotay dulucdeeda.

Weftigii ka yimid Hargaysa ee u yimid Boorama in si hoose looga xaalo gudoomiyaha golaha deegaanka ee Saylac cida noqonaysa, ayaa waxay la kulmeen markii ay soo galeen duleedka Boorama dibad bax lagu diidanaa, habase ahaatee cidii jid marinaysay ayaa ka leexisay dariiqii Laamiga ahaa ee taayirada iyo waxlaha kale lagu gubayay, Da’yartii markii maqleen jidkii ayaa laga leexshay weftigii ayay ka daba tegeen ilaa huteelkii ay ku degayeen, Gaadiidka qaar ayaa dhagaxaan lagu waxyeeleeyay, masuuliyiinta qaar dhaawacyo ayaa gaadhay, Taasise macno badan ma lahayn..

Akhriste Askarta weftigu la socotay waxay la yaabeen Da’yarta aan Rasaasta ka baqayn, mid ka mid ah dadkii Hutelka Joogay wakhtigaasi weftigu yimid ayaa ii sheegay in Wasirada iyo Duqayda la socotay ay huteelka dhex oradayeen Xaaji Cabdina raaciyoo, si ay dhagaxa uga galaan qolalka Hutelka,qofkii ii waramay ayaa ii sheegay Wasiirka Duulista oo leh ! Cabdi Aw Daahirow Laascaanood ayaad ka sheekaynaysee  Booramaa ka daran, marka uu sidaas leeyahay Rasaasta iyo dhagaxa ayaa is dhaafaya, wuuna Ordayaa Wasiirka Duulistu, Tana macno badan malaha…

Akhriste Aan u gudbo Arinta hadalhaynteedu badan tahay:-  Weftigii Waxay la kulmeen Madaxdii dhaqanka ee Awdal ee ay u socden, waxaanay kula kulmeen Hutel Maana Boorama, waa maqrib ka bacdi Amintu, hoolka waa la buuxaa oo waxa ku sii sugan Madaxda dhaqanka iyo indheergarad badan,..

Weftigu markii uu bilaabay Hadalka ee ay u hadleen Muxumed Aw Axmed, Cawil Caydiid iyo Xaaji Cabdi Waraabe, ayaa waxa dhanka kalana u hadlay Suldaan Dhawal, Suldaan Samatar iyo Suldaan Wabar, labadii hadal ayaa kala noqday Codsi iyo Diidmo,..Taasina aan ka gudbo oo aan u gudbo meesha aan u socdo..

Waxaa hadalkii qaatay sida la sheegay Xaaji Cabdi Waraabe oo la yaaban Raga u jawaabay iyo wax aka soo baxay ee aanu ka filayn, dhawr daqiiqo ayuu isweydiiyay waar raga aad la hadlaysay miyaanay ahayn qoladii Gadabuursi ? Mayee way yihiin.. Haa ayuu yidhi Xaajigii Cabdi waar waxaan idin leehay ragiinan idin Afagaranmayee Ordoo noo doona Sh,Muuse Godaad, Suldaan Guray iyo Jaamac Muxumed iyo ragii la midka ahaa ee aan is Afnaqaanay ? Dadkii madasha fadhiyay iyo weftigii ayaa yaabay waar xaajigii muxuu u jeedaa ? Mise mid kale oo odayda hadalka kaydka u ahaa ayaa yidhi Waar Isma aan lahayn ragaas ayuu Xaaji Cabdi ka hadhi doonaa ee Sh Ibraahim Sh Madar ragas ka warso! Halkaasi markay marayso ayuu Xaajigu yidhi Markii la soo Ambabaxayay ayay Tolkay Graxajis I yidhaahdeen Waar Adiga iyo Dhugad iska Jooga, Anaguna waxaan u hadhi weynay meesha M/xigeen iyo Intaas oo Wasiir ay marayaan waxba la idinka diidi maayo ! Waar waan soo lu go’nay miyaan isdan moodayay ayaa Xaaji Cabdi hadal ugu dambaysay.

Arinta qisadan aan ka sheekaynaynaa waa mid lagu cabiray hadalkii da’du ka muuqatay ee Xaaji Cabdi ka yidhi madashii mudane iyo martiduba fadhiday, oo la xikmadeeyay markii laga qaadan waayay  sasabihii ahaa Somaliland ha duminina iyo Hooyadii Somaliland ayaa tihiin IWM ah.

Awdalpress

Borama


This post has been viewed 2207 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal