Ergo: Meyerka Saylac Gadabuursow siiya Ciise waa walaaleheene

Waxa Daabacay on Jan 5th, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Murtidii Wasiir Cadami: “Waan-waantii koowaad wajigabax ku xidhantee, walise weeyi sheekado oo wajigii labaadbaa miis wareegsan saarane, wilwilaha u kaadshoo, ishubsada walaalow”.

Wasiirka Gaashaandhigga SL Mr.Cadami oo ka mid ahaa gulufkii weerarka ahaa ee amray in caruurta dareenkooda muujineysa xabad lala dhaco ayaa markii ay ku soo noqdeen Hargeysa shir jaraa’id oo uu qabtay si cad ugu sheegay in arrinta saylac ayna sidan ku dhammaaneyn ee ay socon doonto ilaa beelaha degaanka ee shakiga iyo tuhunka colaadeed la dhexdhigay ay si nabad ah u wada fadhiistaan.

 

Waa yaabe! Waxa dastuurka iyo shuruucdaba ka weyn ee arrinta Saylac looga  ladi laayahay waa maxay?, bal aan isku dayo inaan duljoogsado sababaha ugu mihiimsan oon ka soo qaadi karo:

 

1-    Taariikhda soo jireenka ah ee degmadani oo loo quudhi laayahay dadka asalka u leh.

 

2-    Kheyraadka faraha badan ee qabnaddani la duugan tahay oo tartan loogu jiro mudnaanta manaafacaadsigiisa (Royalty beneficiary).

 

3-    Xeer-kaymeed la sheegay in beesha Ciise la gashay SNM bilawgii burburkii Soomaaliya sida ay ka dhawaajiyeen guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo duqii ugu da’ weynaa SL markii uu Borama yimid.

 

Si kastaba ha ahaatee; waxa hubaal ah in geed gaaban iyo mid dheerba loo cuskanayo sidii degmada saylac kooto loogu gelin lahaa beesha ciise oo aan tartan la galinin iyadoo lagu badalanayo masaalix lagu leeyahay dalka Jabuuti oo ganacsi iyo siyaasadba leh; sidaa awgeedna aanu khusaynin xeerkii doorashada lagu galay iyo shuruucda la xidhiidha ee dastuurka laga dheegay – taasina waa midda keentay guluf ergo lagu sheegay in loo diro bulshaweynta Awdal si loogu sadqeeyo masaalixa gaarka loo leeyahay ee Jabuuti yaala halka cabashada beesha ciise la marin lahaa wadada sharcigu u oggolyahay ee lagu qanciyey dadka iyo ururada iyaguna cabashada ka muujiyey natiijadii doorashada goleyaasha degaanka, maxaa yeelay wax aan caddaalad iyo run aheyni kama dhicin Saylac.

 

Waxan gabagabada qoraalkani ku soo afmeerayaa afaray jacbur ah waayo anigu gabayaa ma ihi; taas oo tilmaamaysa muhimadda wadanoolaanshaha iyo qiimaha ay Saylac ku fadhido:

 

Saylac waa qabno aasan           oo qarniyo soo talineysay

Deegaan qaaliya weeyi              oo taariikhdu qorayso

Qoomiyaddaa  Gadabuursi        ayaa  qayb u heshay

Qraalkii baa la hayaa                    oo quruumuhu way ogyihiine

Raggan maanta qarwaayee           Qallooc aan soconeynin

Quluubtooda u sheegayow            Qof intuu iga noolyahay

Lama qaadan karaayee                   Nabadda haynaga qoomine

Aayar qaybta codkaaga                   waaba qayra=macquule

                             Bisinkuun u qabso

Qani weeye degaankuye             kheyraadkiisa aan qodanee

Qaran baan ahayoo                      Quwad baan ku muquunintu

Qolof bay kaa ridaysaaye             Gacmaha aan isqabsanoo

Qayrkeen jaanta la qaadnee        Hala joojo Qallooca.


 Mohamed Abdillaahi Obsiye
Saudi Arabia

This post has been viewed 1294 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal