Ergo reer Awdala oo u baxaysa Hargaysa !

Waxa Daabacay on Jan 4th, 2013 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Ergo ka kooban qaybaha madaxda dhaqanka Awdal iyo Salal ayaa la filayaa in ay u socdaalaan dhanka magaalada Hargaysa, ergadan oo aan tiradooda la sheegin ,isla markaana aan lahayn liiska magacyadooda, balse loo malaynayo in ay ka kooban yihiin qaybaha duubabka dhaqanka ee kala duwan iyo siyaasiyiin, ayaa la filayaa in todobaadkan ay u safraan dhanka Hargaysa.

Ergada ka kooban duubabka dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayaa waxa wehelin doona Aqoonyahan iyo waxgarad kale oo iyaguna ka soo jeeda goboladan, waxaana socdaalkooda lagu macneeyay in uu yahay sidii ay ergo ugu tegi lahaayeen M/xweynaha Somaliland iyo Xukuumadiisa, taas oo ay ka ergayn doonaan xaalada cakiran ee ka dhaxaysa xukuumada iyo ururka Xaqsoor iyo in Ururka Xaqsoor looga Tanaasulo xisbinimo, isla markaana xisbiga xukuumada ee Kulmiye ay iyaga uga Tanaasulaan Ururka Xaqsoor Booskooda xisbinimo.

Arintan ayaa laga baqayaa in mudaharaad lagala hortego Ergada ka tegaysa Awdal marka ay gaadhaan dhanka magaalada hargaysa, waxaana soo baxaya sida looga diidan yahay Ergadaasi Hargaysa gudaheeda, waxaana imika la isweydiinayaa sidii ciidan ilaalo oo adag loogu samayn lahaa Ergadaasi ka bixi doonta Boorama.

Madaxa dhaqanka Awdal iyo Siyaasiyiita ka soo jeeda gobolada Awdal iyo Salal ayaa ergadan kaga Jawaabaya ergadii dhawaan ka timid dhanka Magaalada Hargaysa ee u socotay Arintii ay ku sheegeen xalinta khilaafka ay xukuumadu wakhtigaasi hakisay fadhiga golihii deegaanka ee degmada Saylac.

wixii intaas ka soo kordha kala socda Shabakada

Awdalpress

Boorama


This post has been viewed 2361 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal