Marwo Fowsiyo iyo William Hague oo kulmay

Waxa Daabacay on Jan 4th, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress(London) 04 Jan, 13–Raysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo booqasho ku joogta dalka Britain ayaa  maanta magaalada London kula kulantay xog-hayaha arrimaha dibadda Britain William Hague.

Xoghayaha ayaa qado sharaf u sameeyay marwo Fowsiyo, waxayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo ballaarinta kaalmada dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya

Sii-hayaha safaaradda Soomaalida ee dalka Ingiriiska Cabduqaadir Cali Dhuub ayaa Bar-kulan u sheegay in ay labada mas’uul si gaar ah uga wadahadeleen shir arrimaha Soomaliya looga hadlayo oo lagu wado in bisha May ee sanadkan uu ka dhaco magaalada London.

Cabduqaadir Cali Dhuub ayaa tilmaamay in ay sidoo kale isla soo qaadeen arrimaha bini’aadannimada iyo  sidii loo sugi lahaa ammaanka deegaannada laga saaray Al-Shabaab,  loona gaarsiin lahaa kaalmooyinka iyo qodobbo kale.

Raysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska William Hague ayaa  waxay kaloo isla soo qaadeen  wixii  ka qabsoomay shirkii London ka dhacay bishii February ee sanadkii la soo dhaafay.

RBK


This post has been viewed 324 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Awdal Media by S R H