Xaalad Dagaal oo looga cabsi qabo Lowyacade

Waxa Daabacay on Jan 3rd, 2013 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress(lawyacado) 03 Jan, 13– Sida aan ku helayno wararka ka imanaya deegaanada Lawyacado ee ku yaala xuduuda u dhaxaysa Jabuuti iyo Somaliland, ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyo beeleed isku urur sadeen tuulada la yidhaa Qalaanqalay oo ilaa 5km u jirta Lawyacaddo, waxaanay ku taal gudaha Somaliland ee xuduuda Jabuuti, maleeshiyada ayaa la sheegayaa in ay ka imanayaan dhanka xuduuda Jabuuti ee tuulada Cali-Coon, wararka ayaa intaasi raacinaya in ciidamo ka mid ah Somaliland oo degen Bariisle ay u tegeen maleeshiyada isku urursatay jiidaa Qalaanqalay, ka dibna maleeshiyada ayaa rasaas ooda kaga soo qaaday 8 Askari oo ka mid ah ciidan goobtaasi tegay ee Somaliland.

Dadka deegaanka Lawyacado ayaa u sheegay Awdalpress in xaalad cabsi ahi soo foodsaartay magaalada lawyacado, waxaanay ka cabsi qabaan in iskudhac iyo dagaal ka cusboonaado jiidahan u dhexeeya Jabuuti iyo degmada Saylac.

Sidoo kale warar ku dhawdhaw saraakiisha ciidanka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland lagu amray in aanay weerarin maleeshiyada jiidahaasi ku sugan.

Dhanka kale waxaa jira shirar degdeg ah oo ay ku leeyihiin madaxdda dhaqanka Awdal Boorama ayana kaga shirayaan xaalada ka soo korodhay deeganadaasi, taas oo loo malaynayo in ay iyaguna diyaariyaan maleeshiyo ka hortegta kuwa laga cabsi qabo in ay soo weeraraan deegaanada degmada Saylac.

Si kastaba ha ahaatee, Arintan ayaa imanaysa xili dhawaan la doortay gudoomiyihi iyo k/xigeenkii golaha deegaanka ee degmada Saylac.

Awdalpress


This post has been viewed 1802 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Awdal Media by S R H