Awdalpress(Saylac) 01 Jan, 13–Golaha deegaanka ee degmada Saylac ee gobolka Awdal ayaa maanta doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa kaddib markii maalmihii u dambeeyay uu muran ka taagnaa doorashada hoggaanka golaha.
10-ka xubnood oo ka mid ah golaha deegaanka Saylac ayaa guddoomiye u doortay Xuseen Iidle Barkhadle, halka ay ku xigeen u doorteen Sacad Daahir Cige kaddib munaasabad ka dhacday gudaha degmada, isla goobtaas oo xubnaha golaha lagu dhaariyay.
Munaasabadda doorashada iyo dhaarinta waxaa ka qeyb-galay wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo ka qeyb-galay xafladda ayaa u sheegay Bar-Kulan inay soo dhoweynayaan doorashada guddoonka golaha deegaanka oo uu ku tilmaamay mid soo afjareysa murankii ka aloosnaa.
Khilaafka golaha deegaanka Saylac ayaa keenay in dibad-baxyo socday muddo labo cishe ay ka dhacaan magaalada Boorama oo uu ku dhintay hal qof, afar kalena ay ku dhaawacmeen.
RBk
This post has been viewed 448 times.








