Guusha Saylac waxa ay ku timid Midnimo iyo Wadajirka shacbiga Reer Awdal.

Waxa Daabacay on Jan 1st, 2013 and filed under Daily Somali News, OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Muddo imiga laga joogo 20 sano iyo dheraad ee maamulka S/Land uu jiray, waxa shacbiga reer Awdal soo maray xaalado adag oo bulshada ku abuuray tafaraaruq iyo kala qaybsanaan aan hore u soo marin.Waxayna intooda badani ka soo bilaabantay dagaalladii Sokeeye ee dalka oo dhan ka dhacay dabayaqaadii 1980s-1990s. Xilligaa oo ay dawladii dhexe  ee Somaliya ay dhacday.  Dhinaca S/Landna waxa ka hana qaaday maamulka S/Land. Isna qaybo ka mid ah  bulshada reer Awdal ayaa hore ka taagerey halka qaybo kalena ay ka gaabsadeen ilaa intii muddo ah.Waxana arrimahaasi ay gaadhsiiyeen bulshada  in aan marnaba danta guud meel looga soo wada jeedsan ee ay qayb weliba qaybta kale ku eedayso inay yihiin danaystayaal.Waxa jiray wakhti ay dhagar iyo dhiiloba dhacday oo aan mawqif midaysan laga qadan.

Waxa jiray wakhti dhinaca Saamiga-qaybsiga  golihi wakiilada ee cusbaa 2005(Xukumadii Rayale ) oo gobolku ka helay tiro ah  13  oo aad looga biyo diiday, haddana bulshadu ay qaadan kari weyday mawqif mideysan oo miro dhal ah.

Waxa jiray sidoo kale bilowgii dawladii Siilanyo 2010  ee u horaysay in aad loo saluugay Samiga Gobolku ka helay golihii wasaaradaha  iyo qaybaha kale oo xukumadda,Taasoo   haddana bulshada gobolku ay ku guuldaraysateen in mawqif midaysan laga qaato si loo helo Saamiga ay tabayeen.

Waxana bulshada gobolka caado u noqotay in qolaba markeeda lagu daawado cabashada ku saabsan danta guud in loo midoobo.Taasi oo runtii loo arkay arin aan dawo lahayn oo quus laga soo joogsaday inkastoo in badan ay  ka hadleen waxgaradka,dhalinyarada iyo duqayduba.

 

Dawadii  laga quustay iyo doorashadii degaanka ee Nov 28, 2012.

 

Nov 28, 2012  ayaa doorashadii degaanka ee ka dhacday dhammaan S/Land, iyadoo ay u tartameen axsaab dhowr ahi waxana dhammaan afarti Degmo ee Gobolka Awdal si aqlabiyad ugu guulaystay xildhibaanadii golaha deganka beelweynta Samaroon.Wax muran ahi kama dhicin sadddexda degmo ee kale hase yeeshee degmada qadiimka ee Saylac ayaa muran badani ka dhashay ka dib markii 10 kii xildhibaan ee Samaroon ee guulaystay ay doorteen Mayorkii iyo ku xigeenkiisii si sharciga wafaqsan.

Hase yeshe waxa arintaas ka soo horjeestay beesha Jabouti oo ka heshay Saylac 7 xubnood.

Waxay cabashadoodi mariyeen dhinaca xukumadda iyagoo ku qanciyey in xukumdda in loo jabiyo xeerkii doorashada ee dastuurku qorayey.

Waxay taasi ugu dambaystii keentay in xukuumaddu iyadoo fulinaysa codsiga beesha Jabouti ay ergo laxaad leh  u soo diraan Borama si loogu qanciyo saladiinta iyo waxgaradka iyo shacbiga reer Awdal in

ay ka tanaasulaan jagada mayorka saylac ee ay aqlabiyadda ugu soo baxeen kuna doorteen mayorka iyo ku xigeenkiisa .

Runtii  waxay arintaasi ku noqotay shacbigi reer Awdal arin dhafoor taabasho oo meelna ka so gelin sharcigii doorashada ee xaqa u siiyey inay mayarka aqlabiyad ku doortaan.

Waxay keentay cadho iyo mudharaad loo dhanyahay oo lagala hortago ergadii ka soctay Hargaysa ,,tasoo keentay khasare iskugu jira dhimasho iyo dhawaac.Waxana  ku shahiiday  wiil  dhalinyar ah oo magaciisa yahay Jimcale Cabdi oo maanta aas qaran loogu Sameeyey magalada Boorama.

 

Inkastoo dhiig iyo dhimashoba dhacday ,hadana wafdigii Hargaysa ka yimid waxay isla kulankii ugu horeyey ee qarnqaqsigaa ahaa ay sii badheedh usoo gudbiyeen ujeedadii ay usocdeen oo ah in Mayorka Saylac la siiyo Beesha Jabouti oo la jabiyo Xeerki doorashdada.

Xaaji Cabdi Warabe iyo  Muxumed Aw Axmed (oo Adeer u ah xaaska M/Weyne  Cumer Geele)   oo u hadlayey ergada Hargaysa ayaa ku bilaabay hadalkoodii  “  ‘Gadabuursiyow Ergo ayaanu nahay,waxa aanu Ergo idiinka nahay inaad Kursiga Gudoomiyaha Golaha Degaanka (Mayarka) Saylac uga tanaasushaan Beesha Ciise waa walaalihiine?.  Hadaydaan sidaas  la yeelin oo Kursigaa aydaan ka tanaasulin Beel baa qadaysa oo wax la’aan dhacaysa oo Somaliland way dumaysaaye,Somaliland u hiiliya Gadabuursiyow”.

 

Yeelkeede Madax-dhaqameedka reer Awdal  ee ka qeyb galay garnaqsigaa gaar ahan  Suldaan  Samatar,Dhawal iyo Weber ayaa caddeeyey in aanay ka tanaasulayn Kursiga Maayarnimada Saylac waxaana ka mid ahaa erayadii Suldaanada  “Haddii Somaliland ku dumayso Kursigaa Saylac  iyo waxaanu distooriyan xaq u leenahay haba iska dunto”.

 

Arin kale oo Xaaji  cabdi waraabe ku talax tegay  ayaa ahayd isagoo badka soo dhigay in beesha Gudabuursi abaal lagu leeyahay oo SNM saamaxday iyagoo Isaaq si adag ula dagaalamay xilligii Af-weyne dalka ka talinaayay.

Hase yeeshee markiiba salaadiinta Gadabuursi ayaa  arintaas uga jawaabay Sidan” Isaaqow dhawr Boqol baad nagaga layseen Borama iyo Dila maalintii aad soo gasheen dalka, idin lamaanan xisaabtamine waan idin cafinay.  colaaddii Sokeeye ee idin dhexmartay waan  idin dhex galnay oo an dhiigiina ku kala hagooganay( badbaadinay) oo Xaaji Cabdi  markhaati ka yahay, maamul aad ku kala badbaadeen iyo dawladnimo aad ku badhaadheen ayaanu Borama idinku dhisnay, abaal kaas ka weyna garan mayno, hadii cidi abaal sheeganaysana anaga Gadabuursi ahaan ayaa idiin sheegaynayna,!.

Ergadii Hargaysa  garnaqsigaa adag ee lagala hor yimid waxa uu ku noqday afkalaqaad ,,waxayna bartii kaga dhawaaqeen inay iyagu Talo  iskugu noqonayaan xukumad ahaan.Waxay u muuqdeen rag an gartooda hore u soo akhrisan oo ku soo tala galay sidii caadada u haan jirtay inay kala jabin doonan mawqifka Saladiinta Reer Awdal oo qaarkood ay la safan doonaan ergada gar iyo gardaraba.

Marki mawqifkaas mideysan ay kala kulmeen Suldanadii Reer Awdal oo aanay runtii filaynin, waxa khasab noqotay in xukumadii dib isugu noqoto oo sidi xaqa iyo xeerka distoorkuba qorayey la dhaariyo xildhibaanadii Saylac iyo mayorkii iyo ku xigeeniisiiba sidi sharciga waafaqsanayd.

Gabagabo:Waxan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinyaa Suldaannada reer Awdal iyo guud ahaan shacbiga oo si mideysan arinkan u waajahay, waxanay doorashadii Saylac keentay dawdadii luntay ee midnimada danta guud.

Waxan Tacsi u diraynayaa qoyskii uu ka geeriyoday Shahiid Cabdi jimcaale oo ku dhintay xaqa iyo sharfta reer Awdal  anigoo u rajaynaya jannadii fardowsa.Dhalinta dhaawaca ahna waxan u rajaynaya in ilahay siiyo caafimaad degdega ah.

Ugu dambaystii inkastoo guushan mayorka Saylac aanay ahayn wax weyn marka loo eego, saamiga reer Awdal ka maqan maamulka S/Land, haddana habayaratee waa talaabo hore loo qaaday iyo rajo cusub oo Dawadii luntay dib loogu  helay .

MIDNIMO IYO WADAJIRKA DANTA GUUD .

Mohamed dhiirane

Canada

 


This post has been viewed 2458 times.

Categories: Daily Somali News, OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal