Horta ergo micnaheedu waa maxay?
Ergo waa dhex dhexaadiyayaal amma dhagari ha dhacdo amma heshiisiin kaleba ha u socdeene. Waxana ergo la diraa marka arrimaha noocaas ahi jiraan. Laakiin ergo lama diro haddii aanay jirin dad is haysta oo u baahan in la dhex dhexaadiyo. Balse dad aan waxba isku hayn, oo aanay dhibina kala gaadhin in ergo loo diro lama arag lamana maqal.
Bal hadda Ergadii shalay Borama timid aan eegno waxa ay odayadii reer Borama ula yimaaddeen iyo sidii loo dooday:
An u magac bixinno ergadan, oo aan ku fasirno; Ergo iyadu isa soo abaabushay oo macno gaar ah u socota, oo aanay cidi dirsan, oo weliba arrinta ay leeyihiin ergo ayaan idiinka nahay, ay tahay mid iyaga dib ugu noqonaysa.
Ergadani ayey ahaayeen:
Waxa ay matilayeen reeraha beesha dhexe oo ay magacooda huwanaayeen iyo maamulka Hargeysa, waxanay sheegteen in ay ergo u yihiin beesha Ciise, oo ay Samarroon ka codsanayaan in ay guddoomiyaha Saylac siiyaan beesha Ciise ee iyadu mansabyada Somaliland ka fara madhan, waa sida ay hadalka u dhigeene. Intaa waxa ay ku dareen, haddii aad sidaa yeeshaan waxa aad badbaadiseen Somaliland, abaal hore iyo wanaagyo badanna waan idiin haynaa. Hadalka noocaasi ah ayey saddex oday iska daba mareen.
Kaddibna waxa hadalkii qaatay odayadii Samarroon ee madasha fadhiyey, waxana ay yidhaahdeen, ‘horta cid aan is haynaa ma jirto, Ciisana waa walaalahayo, waanan ognahay in aanay Somaliland waxba ku hayn, iyaga iyo annaguba, horena raggii uga hadlay dulmiga laga tirsanayo Somaliland maamulkeeda ayaa madasha fadhiya. Haddii aannaan waxba isku hayna ergadiinna waxan u aragnaa mid faashil ah, oo malaha riyoonaysa isku dirna u socota. Waxanan idin leenahay haddii aad Somaliland uga cabsi qabtaan in ay dumayso maanta ayaad dumiseen, oo aad dastuurkii ay lahayd ka tallaabsateen. Annaguna halkaa aad dhigteen ka soo qaadi mayno, ee waan ka dul tallaabsanaynaa.’
Odayada reer Borama iyaga oo hadalkii sii wata waxa ay yidhaahdeen, ‘Haddii ay walaaleheen Ciise ka fara madhan yihiin dawladdana dee idinka ayaaba kuraastii oo dhan ku fadhiyee, maxaad kursi Meyer ugaga ergo tihiin. Waxan filayaa in arrintaasi aad reerka Ciise ku ceebaynaysaan oo aad sharaftiisii ku gafteen, sida aan ku naqaannase siyaal badan ayey uga jawaabi doonaan.
Martidii lagu sharfay in ay dhageystaan doodda iyo hadallada ay odayada is hor fadhiyey ay is weydaarasanayeen ayaa la yaabay, murti xumada ay ergadani la shir yimaaddeen. Nin ka mid ahaa dadkii dhageysanayey ayaana isaga oo qoslaya yidhi, ‘ waar ma sidan ayaa Hargeysa looga taliyaa, sownigii moodayey in ay odayada reer Hargeysa intan ka caqli badan yihiin. Waaba yaabe, haddii talada Somaliland sidan tahay waaba quus.
Taa mid ka daran ayaaba timid.
Horta Muuse Biixi si badawnimo ayaabu hadallada u tuuraa amma uga silbadaane, waxa la yaab noqotay, xumaanta Samarroon loo hayo ee aan duugoobayn, ee odaygii ugu da’da weynaa uu ku soo halqabsanayo ee uu leeyahay, ‘ waagii aad nala dirirteen ee aad SNM la dagaallanteen, ee aan guulaysannay waannagii idin cafinnay’. Hadda reer Borama waxa weli ku qufulan, ducadii ahayd, xumaan wixii dooxa yaalla daad ha qaado, wixii daleed yaallana dabayli ha qaaddo. Halla is cafiyo, oo halla walaaloobo.
Waligay uma malayn in Isaaq sidan u calool xun laakiin waxaba ugu daran reer Isaaq uguna calool xun ,Gadabuursina ugu neceb. Uguna abaal daran.Waayo haddii aanay kuwaasi oggolayn ergadani noolama yimaaddeen doqonniimadan loola yimi reer Awdal . Markhaati: Muuse Biixina hore ayaabu u fashilay, oo uu ka dhawaajiyey, waagii aan dagaalka gallay reer Djabouti ( oo uu ciise u jeeday) ayaa abaal noo galay.
Waxanse ogaannay in aanu Isaaq dusha isku wada sidan, ee kala feker yahay. Samarroonow waxba yaan la wada eedeyn Isaaq, waayo 70% sheekada Zaylac xiisaba uma qabaan. Mana oga waxa dhulkaa dega amma la kala macaashayo. Iyaga ayaaba Berbera, Hargeysa iyo Burco kala sheeganaya oo maanta maryo dhiigle looga baqayaa in ay kala furtaan. Arrintani galbeed laga aloosayna waxa ay u eg tahay mid xal looga dhigayo calool xumada beesha dhexe dhex taalla. Waana mid ay cimri dherer ka dhiganayaan.
Tolow nin ku necebi malaha sidaa uun kugu dayn maayee, maxaa tani xigi doonta, qorshaha dambe muxuu yahay? Ergooyinka dambe maxay noqon doonaan. Waa yaabe, waxa ay nagu reebeen xasuus aan la illaabin. Waxase la ogaaday in Gorayo haad noqotay.
Awdalpress.com
This post has been viewed 687 times.








