Awdalpress(Borama) 01 Jan, 12– Golihii deegaanka ee degmada Saylac ayaa subax saaka ah la dhaariyay, xaflad balaadhan oo lagu qabtay hoolka wasaarada kaluumaysiga ee magaalada Saylac ayaa waxa ka soo qaybgalay ,Suldaan Saleebaan Cali, Wasiirada Warshadaha, W/xigeenka iyo xubno golaha wakiilada iyo guurtida ah,.
Dhaarta hawshan ayaa ka dhalatay ka dib markii weftigii ka yimid Hargaysa ee uu hoaaminayay Saylici laga diiday Ergadii ay u socdeen.
Gudoomiyaha ayaa loo doortay Xuseen Iidle halka gudoomiye ku xigeenkana loo doortay Sacad Daahir Cige.
Magaalada Saylac waxaa ka socda dabaal deg iyo damaashaad ay samaynayaan dadweynaha ku nool magaalada Saylac.
Si kastaba ha ahaatee, Saylac waxaa saaka u baryay sanad cusub iyo maamul cusub.
Awdalpress
This post has been viewed 707 times.








