Awdalpress – London – Marka hore waxa aan tacsi u dirayaa eheladii iyo shacabkii ay ka bexeen labada wiil ee ku geeriyooday muddaharaadkii (30kii Dec.2012), ka dhacay Borama. Waxanan leehay Ilaahay ka baryeynaa in wiilashaa yar yar uu Samir iyo iimaan ka siiyo eheladii iyo shacabka reer Awdal ee ay ka bexeen.
Dhacdada labada wiil lagu rasaaseeyey waa mid aan maanta oo kaliya dhicin, ee caado u noqotay ciidanka ilaalada Somaliland in ay shacabka rasaaseeyaan. Waxana dawladda Ahmed Siilaanyo laga sugayaa in ay falalkaa soo noqnoqday ka bixiyaan jawaab cad.
Tani waxa ka horreysey tii lagu rasaaseeyey carruurta iyo dumarka sida silmiga ah ugu muddahaaraadayey Hargeys. Falalka noocaasi ahina waa kuwo dhaawac weyn u geysanaya xukuummadda iyo nidaamka dawladnimada lagu raadinayo ee Somaliland.
Haddii aan u gudbo, nuxurka faalladan iyo halka ay dhibaatooyinkan dalka ku baahay salka ku hayaan, ayaan odhan karnaa kama foga rag damac siyaasadeed leh, oo masayr madaxnimo madax maray, mustaqbalkana aan rajo ka qabin in ay hoggaamiyayaal noqdaan, kuwaasi ayaa ka dambeeya qabyaaladdan iyo ummadahan madaxa la isku gelinayo.
Tusaale ahaan haddii ay ku faanayaan in ay u dagaallameen xorriyad da dalkooda amma ay la dagaallameen rajiim diktayr ahaa, oo ka fogaa caddaaladda. Amma ay ka dagaallameen dulmi ay dareemeen oo dadka lagu hayey, maaha in ay maanta sameeyaan dulmi ka xun wax kasta oo la sheego.
Sida laga warqabo Somaliland waxa ka qabsoomay doorasho si nabadgelyo ku dhacday, waxana natiijadii ay noqotay in la dhex dabbaasho mashaqooyin iyo muranno hadheeyey maxsuulkii doorashooyinka. Ururradii hadhay iyo xildhibaannadii ku soo bixi waayey golayaasha degaannada ayaa ka qaylyey wax ay ku tilmaameen caddaalad darro iyo musuq maasuq. Laakiin guddiga doorashooyinka iyo dawladduba waxa ay ku adkaysteen in la ansixiyo natiijada gacanta lagu hayo, waana lagu dhawaaqay.
Ururradii hadhay iyo xildhibaannadii hadhayna afka ayaa juuqda gabay, inkasta oo ay weli sii firix firix leeyihiin. Shacabka reer Somaliland badankiisuna waxa wax kasta oo dhacay ay indhaha uga laabanayaan nabadgelyada iyo rajada dawladnimo ee soo muuqata.
Iyada oo arrimahii doorashadu ay halkaa marayaan, ayaa mar kaliya degmada Zaylac laga maqlay, arrimo baal marsan sharciga doorashada dalka ka dhacday. Oo weliba qabiilooyin wada deggen la isaga horkeenayo. Wax aanay isku hayn loo kala qaadayo, oo loo kala ergeynayo. Qolo walba wax hoosta looga sheegayo.
Waa degmada Zaylace waxa reero loo qaybiyey 17kii xildhibaan ee doorashada degaanka ku soo baxay. Markii ay isku iman kari waayeenna waxa si gaar taladii u maamushay 10 ka mid ah, oo sheegtay in ay buuxin karaan kooramka doorashada Meyerka, waanay dhammaysteen. Barbera ayey haddana tani oo kale ka dhacday, iyaguna majorati ayey ku dhammaysteen, Hargeysa ayaa iyana xildhibaannadii beelo loo qaybiyey, iyana way ka gudbeen.
Sheekadu markii ay halkaa marayso, mawqifkii dawladdu waxa uu noqday in ay Berbera madaxa gelin kari waayaan, oo ay oggolaadaan natiijadii ay guddoonsadeen, Hargeysana ay madaxa gelin kari waayaan oo ay oggolaadaan xildhibaannada is doortay. Taasi oo ay dhawrayaan in lagu kaco. Laakiin waxa u jilicsanaatay Zaylac, oo ay muran geliyeen. Immigana kolba wafdi loo soo dirayo.
Wafdiga ugu dambeeyey ee Saylici hoggaamiyey ay ku rafanayaan wax aan taariikhda lagu arag, aan dawladnimo ahayn, oo gunnimo ah. Ragga wafdiga ka tirsan qaarkoodna waa kuwa iigu suntan in ay yihiin shakhsiyaadka aan laga fogeyn karin rabshadahan guud ahaanba dalka ka dhacaya gaar ahaanna Zaylac ka socda.
Hoos marka loo dhaadhaco, Zaylac waa magaalo qadiim ah oo kolba inta deggeni ay isku qabiil yihiin, weligeedna lama maqan qabiil hebel ayaa leh. Maantana inta la yidhi doorasho ayaa la galayaa, ayaa haddana la leeyahay beel hebel ayaa heshay laakiin beel hebel halla siiyo. Taasi oo isku dir ah, namiimnimo ah, kuwa Zaylac u dhashay amma ka soo baxayna waxa loo diiday in ay iyagu is arkaan, oo ay wax wada dhistaan.
Sida Madaxweyne Ahmed Siilaanyo maanta ka dhawaajiyey u malayn maayo in uu rabo caddaalad darro iyo in uu jideeyo wax aan dastuuri ahayn. Waxa uu caddeeyey in aan waxba laga baddalayn sidii sharciga ahayd ee natiijadii doorashada loo ansixiyey.
Laakiin wafiga Saylici iyo qabiilaystayaasha aan habka dawladnimo u socon ee uu Hargeysa ka soo kaxaystay, waxa ay dhex fadhiyaan fadeexad taariikhi noqon doonta, oo shaabad ku ah inta noloshooda ka hadhay, isla markaana ubadkoodu ka dhaxli doonaan.
Hadallada ka soo yeedhaya shakhsiyaadka qaar wafdiga ku jira, ee hadalkoodu faashilka yahay amma dib ugu noqday dhacdooyin aan xusuus mudnayn oo dhacay rubuc qarni ayaan markhaati innoogu filan in ay shakhsiyaadkaasi yihiin fidmo wadayaal ujeeddo xun leh.
Waxa kale oo jira dad habawsan oo qabyaaladdu madax martay, oo qabiil ahaan u taabacsan talada fidmawadayaashu hoggaaminayaan. Taasi waa nasiib darro, waxana u khayr badan in ay shucuubta walaalaha ah wanaaggooda ka shaqeeyaan, oo aanay ka shaqayn isku dirkooda iyo in la is necbaado. Waa garaad darri in aad wanaagga ka shaqayn weydo. Qabyaalad in aad dad u nacdaana waa danbi aad u tiita iyo shakhiyad xumo.
Afganbiga lagu tallamayo iyo masiirka shacabka ee rajada fiicani ka muuqataa waa mid u baahan in si wada jir ah looga hor tago. Sharciga iyo caddaaladda oo lagu dhaqmaana waa ta kaliya ee ummadda kala hagi karta. Laakiin qabyaaladi meel ummadda gaadhsiin mayso. Waxana ka dhalan doona arrimo aan sinaba loogu ruyoon oo lagu shufbeelo.
Awdalpress.com
This post has been viewed 611 times.








