Go’aankii ka soo baxay kulankii Salaadiinta iyo Weftiga Hargaysa

Waxa Daabacay on Dec 31st, 2012 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress(Borama) 31 Dec, 12– Kulan garnaqsi ah ayaa caawa wuxuu dhexmaray weftigii uu hogaaminayay Saylici iyo madaxda dhaqanka G/Awdal, kulanka ayaa ka dhacay Hutelka Maana-Guesta House, Garnaqsiga ayaa ku bilaabmay sidan hoos ku qoran :

Ugu horayn waxaa hadalka bilaabay Duubabka Awdal oo yidhi ninka Socda ayaa warama ee idinkaa muraad leh warama ?

Dhankii Ergada ahaa ayaa waxa u hadlay C/waraabe, Muxumed Aw Axmed iyo Oday kale oo ka soo jeeda beesha Siilaanyo, waxaanay si toosa oo aan gabasho lahayn u yidhaahdeen ” Waxaan Ergo idiinka nahay in aad guddoomiyaha Saylac uga tanaasushaan Ciise, waa walaalihiine” Nuxurkoodu intaas ayuu ku soo ururay sadexda oday ee ka mid ah Golaha guurtida.

Waxa ka jawaabay Suldaan Abuubakar, Suldaan Dhawal iyo Suldaan Samatar hadalka jawaabtoodu wuxuu ahaa ” Beesha aad wax u doonaysaan maaha mid aan si diidnay oo noo timid, Ergadiinana waxaan u aragnaa in aad labadayada beelood doonaysaan in aad iska horkeentaan, mana Aqbalayno in aad tidhaahdaan Ergo ayaan dastuurkii idiinka nahay” intaasi markii ay ku gunaanadeen ayuu yidhi C/waarabe yidhi ” M/weyne K/xigeenku miyaanu ka hadlayn isagaa ina watee?

Waxaa hadalkaa ka jawaabay Saylici wuxuuna yidhi” Ergaan ahayn Ergana waxna waa la siiyaa, waxna la faraa, halkaas ayayna ku dhan tahay ayuu yidhi Saylici”

Wefiga ayaa la filayaa in uu maalinta beri ah ka ambabaxo Boorama, isaga oo khasaare u geystay dad rayid ah, isla markaana faro madhan kala hoyday wixii ay u socdeen.

Wasiirada socday waxaa ka mid ahaa, Wasiirka X/xolaha Cabdi Awdahir, Kaluumaysiga Geeljire, Wasiirka Beeraha Geedoole, wasiirka Shaqada iyo A/bulshada Garaad, wasiirka Duulista Aw Cusaama, wasiirka Gaashaandhiga Cadami iyo gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi.

Garnaqsiga waxaa ku jiray hadalo kulul oo C/waarabe yidhi Abaal ayaan idiin galay oo SNMtii way idin saamaxday, idinka oo si adag ula dagaalamay wakhtigii dagaalka.

Odayada ayaa ugu jawaabay intaas oo kun oo qof ayaad naga layseen, ka dibna waxaan idiin samaynay maamul Abaal cidda sheegan kartaa waa Annaga, haddii aad wax dilaysana waa la idiinka fadhiyay, saamxaad aad samayseen iyo Abaalna Awdal looma gelin. Ilaahay ayaana dambi dhaafe ah.

Hadalladaa waxa goobjoo ka ahaa  Xildhibaanno ka soo jeeda beelaha Dhulbahante waxa ka mid ahaa  Indho-Indho iyo Fuaad Aaden Cade

Awdalpress


This post has been viewed 1817 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal