War Baa U Gaajo Badan!

Waxa Daabacay on Dec 31st, 2012 and filed under Daily Somali News, OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Waa la isku raacsan yahay badi ba in warku maanta u dhigmo oo la maqaam yahay quutal daruuriga maalinlaha ah ee afka iyo gacanta aadanaha u dhexeeya, Soomaalida na waxa ba lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay quruumaha ugu warka iyo wacaasha jecel. Soomaalidu waa “war ku nool” baa la yidhaahdaa. Marka laba nin oo dheelmanayaa dalandool ahaan meel cidla’waaqla’ ah ugu kulmaan waxa ay isku nabdaadiyaan “Waar maxaa la sheegay” oo nuxurka ka dambeeyaa yahay “maxaa war  la hayaa”

 

Xilligii dagaalkii Labaad uu adduunka ka holcayey, ayaa  maamulayaashii gumaysiga Ingiriiska ee Somaliland haystey loo sheegay in dadkii Soomaalidu is gaadhsiiyeen warar tibaaxaya in ciidamadii Ingiriiska ee dagaalkaas ku jirey lagu wiiqay Hindiya, Burma iyo Bariga Fog oo laga adkaaday. Xilligaas ma jirin sida maanta warbaahin casri ah iyo teknoolijiyaddan xiimaysaa midkoodna, waxaana Ingiriisku la yaabay sida dadka Soomaalidu wararkaas u heleen iyo sida dhakhsaha badan ee ay ugu dhex faafeen. Waxa la yidhi waxa uu Ingiriiskii isugu yeedhay raggii gabyaaga ahaa ee beelaha dhexdooda ka sheegganaa. Waxa uu u qaybiyey lacag iyo dhar ay ugu mudnaayeen laba go’ oo cadcad oo bafto ah oo xilligaas lagu xarragoon jirey. Waxa uu yidhi ka gabya dagaalka oo tilmaama in Ingiriisku kaga gacan sarreeyo cid kasta goobaha lagu dagaallamayo ee Bariga Fog iyo meelaha kaleba. Ingiriisku waxa uu ogaa in gabaygu Soomaalida ugu jirey waagaas halka caalamka kale ay ugu jireen idaacadaha iyo jaraa’idku.

Nin ka mid ahaa raggii ugu fadallo cadcaddaa maansoyahannadii loo yeedhay, Maxamed Nuur Laangadhe, ayaa ka tiriyey munaasabaddaas tixdan geeraarka ah ee taariikhda gashay, caankana noqotay:

Gudaha ceelkan Hargeysa
Weligay gees uma dhaafin
Inta aan wax gasiintey
Iyo intaan gaajo ku seexday
Haddii laysu minguursho
Malaa waa isku gaw we
Bal maxaan laba gaal
Oo abtirsiiyo gudboon
Mid maxaan u gumayn
Midna guusha u siinoo
Aniga iiga gidhiish ah

Mar haddaan ka gabyey
Go’aygiina ka qaatay
 England baa gubanaysa
Maxaa iiga gidhiish ah!

Maamulkii Ingiriis markii uu arrinta geeraarkan maqlay ee loo geeyey ayuu mar kale sii yaabay, waana markaas xilligii uu Ingriisku  bilaabay hindisihii ugu horreeyey ee ay ku dhaqan geliyeen markii dambe (qiyaastii 1946) Codkii Goodirka: Idaacaddii Radio Hargeysa oo ahayd idaacaddii ugu horraysey ee Afka Soomaaliga ku baxda (Hooyadii Idaacadaha Afka Soomaaliga).

Laanta Afsoomaaliga ee BBC London ayaa iyana hindise kaas la mid ah ku timid toban sannadood ka dib Radio Hargeysa, xilligii uu socdey dagaalkii Kinaalka Suways (1956) ee Yuhuudda oo reer galbeedku, gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiisku la saf ahaayeen iyo Carabta oo Masar hormuud u ahayd ayaamihii Jamaal Cabdinaasir.

Mar kale ayaa maamulayaashii gumaysiga Ingriiska loo geeyey adduun-arag-wadareeddii Soomaalida ee ku waajahnayd dagaalkaas.

Geedkii jirrid leh ba
Nabsaa jebiyee
Jamaal ma ka xidhay
Jidkii Yurub!

Mar kalena waxa ay lahaayeen oo Soomaalida ku dhex faafay hal-ku-dheggan:

Jamaal Cabdinaasir
Ninkii la jihaada
Allow jebi!

Halgankii Gobannimo-doonka ee Soomaalida iyo Codkii Qaahira ee Afsoomaaliga, ayaa isku xidhmay. Dhinaca kalena waxa taas la kortay aragtidii Hantiwadaag-u-janjeedhka ahayd ee caalamka beryahaas ka calanwallaynaysey, taas oo Ingiriiska ku riixdey aasaaskii Laanta Afsoomaaliga ee BBC.

Warfidiyeenkii Soomaalida ee xilliyadaasi hore tuf iyo tisqaad buu lahaa. Xaaji Cabdi Ayuub, Mustafe Xaajii Nuur, Idirs Hassan Diriye, Ahmed Ismail Samatar, Maxamed Xaamud Sheekh, Ahmed Siciid Cige, Cabdi Barkhad Ismail, Cismaan Sugulle, Yaasiin X. Ismaaciil Jirde, Cabdikariim X. Ducaale, Saleebaan Daahir Afgarshe, Cabdillaahi Xaaji ilaa xilligii dhexe Maxamuud Sheekh Dalmar, Maxamuud Cabdi Cali Ducaale, Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, Yoonis Cali Nuur, Aadan Nuux Dhuule, Maxamed Aadan Teerra, Saynab Maxamed Jaamac, Maxamed Cali Weji, Maxamed Carab Falaxfalax, Siciid Faarax, Axmed Xasan Cawke iyo qaar kaloo badan ayaa cod iyo luuq warfidiyeennimo si la yaab leh dadka dhexdiisa ugaga hanaqaaday oo magacyadoodu sida birlabta maanka in badan ugu dhegeen. “Wax kale iyo Cismaan Sugulle” ayaa la odhan jirey, weli na la yidhaahdaa, marka wax wanaagsan ama xiise leh la la kulmo.

Dayax-gacmeed, cir-bixiyeen, warfidiyeen, diyaaradaha qumaatiga u kaca, maraakiibta badda hoosteeda quusta (gujis), gantaalaha riddada dheer, diyaaradaha guuxooda ka dheereeya, gantaalaha is wada, waddamada Barwaaqo-sooranka, Gaashaanbuurta Reer Bari (Warsow) iyo Is-bahaysiga Reer Galbeed (Nato), hirka gaaban iyo hirarka dhaadheer” iyo boqollaal kale oo erey-bixin cusub ahayd ayaa sida il-biyeed irmaan ugu soo burqan jirey maalin kasta maskaxda iyo afka warfidiyeenkaas oo aynu ka baran jirney.

Toolmoonida codkooda, erey-xulasho-wanaaggooda iyo aqoonta ay u lahaayeen mihnaddooda warfidiyeennimo ayaa raad-reebka iyo saamayntu ka soo jeeddaa, waayuhu na sida xilligan ma cilladaysnayn oo berisamaadkii fanka iyo fufkii horusocodka Soomaalida ayay qaarkood la dhasheen, qaarkood kale na daba-goosteen.

Soomaalida iyo Warfaafinta Maanta

Soomaalidu  haatan na  waa war jeceshii oo weli ba isu fasax qaadatay; heshay oo ka faa’iidaysatey  “tognaan iyo tabnaan ba”  dawaar-nololeedka xiimaya ee teknoolajiyadda casriga ah. Boqollaal ‘website’ ama ‘social networks’ kale sida facebook, twitter, You Tube iwm, tobannaan wargeys, idaacadood iyo TV-yo ayaa sida “daadkii Xaabaale” is hor iyo hareero haraaciyaya.  Waxa “kaaf iyo kala dheeri” ah tirada badan ee warbaahinta Soomaalida maanta iyo tayo darraanteeda! Waxa maskaxdaada ku soo dhacaya cadalaysigii carruurta ee ahaa “xerada  ri’yahayagu waa wada ul oo ul la qaato ma leh”!  Warfaafinta Soomaalida inteeda badan ayaa maanta qaabadda googaalaysigaas lagu masaali karaa. In aad u kooban oo fara-ku-tiris ah ayaa tilmaantaas taban ka badbaadi karta. Inteeda badani waa hungadaas qaawan! Waa tii uu aqoonyahanka Rashiid Sheekh Cabdillaahi X Axmed –Gadhweyne- ku sifeeyey “Warfaafin Carruureedda maanta ee Soomaalida” oo looga jeedo warfaafin; raad dhaqaajin ha jooto’e, aan fadhi barad ahayn oo haddana doonaysa; tallaabsi ha joogto’e,  in ay dhabaabacayso.

Wardoon baad ahayd. Dhawr iyo toban il-wareed oo kala duwan ayaad isu soo martay. Haqab beel wareed ha joogto’e, waxa aad la soo noqonaysaa ‘sangaagurro’. Sahii iyo xiisihii wareed ee ku hayey ayaa kugu gaaggaxaya. Waxa se isa soo maqiiqaysa oo markiiba maanka ku soo horraynaysa runta ku salaysan asqowga iyo jahawareerka wararka Soomaalida dhex heehaabaa waayadan dambe abuuraan. Waa warar cilladdu ku badan tahay oo si taban uga tibaax bixinaya is-diiddooyinka dadka Soomaalida ku dhex gaamurey. Nuxur ahaan wararka intooda badani war ba ma aha, afka ay ku qoran yihiin na kii warfidiyeenka ma aha. Daal, saboolnimo iyo arrad baa ku midaysan oo ay la gebi-dhaclaynayaan. Waa warar ku sheeg gacan-ku-rimis ah oo aan dux iyo dhadhan lahayn. Fahmo-guurka ayay xigto yihiin! Inta badan ereyada warku ku qoran yahay ama afka lagu sheegayaa hadal ahaan waa isirro kala wada dhantaalan. Waa wada qadaf iyo qallooc, qawed iyo qadoodi, iyo mararka qaar qudhun iyo qashaabiir miidhan.

Warfidiyeenka waxa laga doonayaa waa war u dhigma caano kasoofeen ah oo lis ah. Haddii uu se badhax biyo hadhaynayaan ku sooro waa lagu yalaalugoonayaa! Qaayihii iyo quruxdii afka ayaa dalow gundheer ku shalwanaya. Erey-bixin cusub oo ay warfidiyeenka maantu soo kordhiyaan ha joogto’e ereyadii hore u jirey ayay rifayaan oo candadawlayaan. In badan oo wariyayaasha maanta ka mid ahi waxa ay si khaldan u adeegsadaan ereyo badan.

Doonni dad saarraayeen ayaa Badda Cas quustey! Roob weyn ayaa meel hebla’ ku biyo-baxay! Diyaarad baa hawada ku gaddoontey! Hebel waxa uu ka dhawaajiyey ama sanqadhiyey! Sagaal iyo sagaashan qofood oo barakacayaal ah! Lammaanaha Ingiriiska ee la haysto! Weriyaheenna meel hebla’! Roob ayaa ka da’ay magaalooyinka  Hargeysa, Burco iyo weli ba Boorame, weftigii madaxweynaha oo soo guryo noqday  iyo qaar kaloo badan ayaa ka mid ereyada maydhaanka foosha xumi ku dhaco ee aynu maalin kasta kula kulanno war aynu akhriyayno ama dhegaysanayno.

Carruurta ayaa biibiilayaasha ka dhawaajisa ama ilmaha yar baa kolka dhegta la maroojiyo laga dhawaajiyaa ee waa maxay ninka weyn ee la leeyahay waxa uu ka dhawaajiyey?! Diyaarad gaddoontay ma baabuur baa?! Doonnida quustey se ma markab gujis ah baa mise waa qof dabbaalanayey?!  Guryo noqosho waa erey taban. Maqasha, nirgaha ama waylaha ayaa la yidhaa yaanay soo guryo noqon ee sabada reerka iyo halkii ay caanaha ku barteen ka durkiya si ay u soo daaqaan. Dhinaca kale waxa soo guryo noqda qofka doqonka ah ee xoolaha la soofa ee la raaciyo ee guriga dib ugu soo laabta halkii uu xoolaha jiri lahaa. “Guryo noqosho” waa carruurnimadaas ama hungadaas doqonnimo, mana qabato halkaas loo adeegsanayo! Waa waxaas wada sillan ee wada sawaaban, quruxdii warka iyo fahamkiisii na dhusinka hoose iyo aakhiro u raaridaya, qaayihii afka na ku gelgelimaysanaya, dhooqaynaya ee lagu saliilyoonayo.

Bal aan is la eegno inta erey habboon ee “ka dhawaajinta ama ka sanqadhinta” sillooni barabixinayso: Sida laga dhawaajiyey ama laga sanqadhiyey miyaanay ka macaanayn sida la carrabaabay, sida la sheegay, sida la tilmaamay, sida la tibaaxay, sida carrabka lagu dhuftay iyo sida…. Intaas oo erey oo ka adeegsi iyo dhadhan wanaagsan ayaynu leenahay, hadda na mar kasta waxa aynu la kulannaa oo afka la isugu riday si aan kala sooc lahayn; weriye, siyaasi, oday, aqoonyahan, wadaad iyo waranle ba; ereyadaas taban ee la maydhaamayo ee ah “sida laga dhawaajiyey ama sanqadhiyey”!

 

War Xanaaqsan ama Jibbaysan!

Inta badan ilaha wararka laga doonto ee Soomaalida sida mareegaha Internet-ka, wargeysyada, idaacadaha ama TV-yada, waxa lagu la kulmaa warar “ku candho iyo bayd go’an” aragtidii uu tebiyuhu qabey. Sidii uu isaga ama iyadu u jeclaan lahayd in wax u dhacaan, ayay warka in badani u qorayaan ama u sheegayaan. Waxa warka ka dhex hillaacaya cadho iyo  xanaaq ama jibbo iyo caaddifad dhinac abbaaraysa. Waa war dhinac la safan, dhinaca kale na ka safan. Waxa warar badani ku xadgud baan shakhsiyaad, kooxo, beelo ama degaanno iska dhan. Marka warka laga tago ee maqaallada iyo faallooyinka loo gudbo iyada hadalkeeda iska ba daa. Waallida uun baa sii korodha. Waa aflagaaddo, yooyootan, caytan yaqyaqsi leh, iyo ligis iyo dhooqo lagu gelgelimaysto oo lagu galgasho, si aan loo miidaan deyin na ciddii la doono loo marmariyo.

Muddarrooyinkaas iyo meel-ka-dhacyadooda, iyo xanafta iyo xumaantooda waxa keenaya dadka aan is-taahilin in dhaayaha daawadayaasha  la hor keeno  ama dhawaqooda dhegta dadka la maqashiiyo ee aaladaha warfaafinta maantu wadwadkooda meheradda ka dhigtaan. Is-taahilid la’aantu waa marka la eego waxa ay ka hadlayaan oo ujeeddo iyo nuxur ahaan ka hooseeya heerkii loo baahnaa habraac ahaan, sida liidata ee ay u soo bandhigayaan, xilkasnimo darridooda iyo sida ay uga baraad la’ yihiin garaad ahaan in dad si wali ba u kala duwani ay meelo kala duwan uga daawanayaan, uga dhegaysanayaan ama uga akhrisanayaan. Waxa kale oo aynu kula kulannaa war-ku-sheeg aan u qalmin isna in la sii daayo oo warka madaxdiisa ku mulaaqan. Eedda iyo gabbood-falka warfidiyeenku leeyahay waxa ka badan ta ay yeelanayaan mulkiilayaasha hay’adaha warfaafineed iska leh sida TV-yada iwm.

Ayaandarradu waa in qof ama koox kasta oo lacag haystaa qaradka iyo muraadkeeda ay ku fushan karto oo u adeegsan karto aaladaha warbaahineed ee maanta intooda badan, gaar ahaan badiba TV-yada hadda laabta la soo kacaya ee tiradoodu soo kordhayso ee gaarka loo leeyahay. Wax kasta oo ay sitaan iyo ujeeddo kasta oo ay leeyihiin ba, waxa loo ballaqaa albaabka, iyada oo loo furayo mikrifoonka iyo carooggiisa hawada geliya ba. “Waa intaad bixiso uun ku hadal xaalkoodu! Caalamka kale taasi kama dhacdo oo warku ma aha “xayaysiin iyo ii dheh” warfaafinta lacag ay ku sii dayso laga siiyo, haddii ay dhacdo na waa fal-dembiyeed u dhigma musuqa foosha xun ee ciddii gasha dacwadda lagu soo oogo, waayo war baahintiis bay hay’ad aan sii dayseen laaluush laga siiyey markaas bay sidaas ku faafisay!

Halkaas waxa ku god gelaya oo ku gedmanaya anshaxii warka iyo wacaaluhu lahaayeen ee loo baahnaa in soohdintiisa lagu ekaado oo aan laga gudbin. Waa asalraacii iyo runnimadii warka iyo dhexnimadiisii, akhlaaqdii sheegmada iyo tii warfaafineed ama tebineed. Waxa lumaya feejignaantii muhiimka ahayd ee mas’uuliyadda iyo tii xilkasnimada ee warfidiyeennimo . Taas waxa ka sii daran ku galgalashada xuquuqaha reebban ee hal-abuur gaar ahi leeyahay oo iyana aan loo aabba-yeelin, inta badan na aad loogu tunto. Maqaal dhanama sheeko qoraa lahaa oo macruuf ahayd ayaad maalin dambe ku arkaysaa magaca qof kale oo hoosta kaga xardhan! Dhanka xigashada ama wax soo dheegashada war meel laga soo qaato ama dheeg qoraal laga soo ergisto iyana waa arrin maanta aan loo tudhin, in badani na ay ku dul turunturrooto.

 

Warka, haba yaraato’e, meeli ugu ma bannaana ra’yiga warfidiyeenka iyo dareenkiisa noocii uu doona ba ha noqdee. Warku waxa uu ka kooban yahay xaqiiqooyin soohsoohan oo engegan oo aan u baahnayn midabayn, iidaan kale, buunbuunin iyo naaxnaaxin toona. Waxa lama huraan ah warka iyo runnimadiisa, iyo inuu yeesho il-wareed la raad-raaci karo oo uu ka soo baxay ama laga soo xigtay. Dhawrkan su’aalood uun buu warku ka jawaabaa:

Haddii laga fursan waayo, waxa afartaas su’aalood xilliga falanqaynta ama gorfaynta soo raacaya:

Dhismaha warka qaab ahaan iyo xulashada ereyadiisa oo qadafka laga dhawro, ayaa sii kordhin karta wanaagga iyo tayadiisa. Wixii aan intaas ahayn waa laga maarmi karaa oo loo ma baahna.

Xaaji Cabdi Ducaale (X. Cabdi Ayuub) oo Alle ha u naxariisto’e ahaa warfidiyeenkii ugu horreeyey ee ka hadla idaacaddii ugu horraysey ee Afsoomaali ku hadasha (Codkii Goodirka ee Hargeysa), ayaa la waydiiyey su’aashan isaga oo ruugcaddaa shaqada ka fadhiistay ah: Maxaad kula talin lahayd dhallinyarada warfidiyeennimada ku foogan?

Isaga oo Xaaji Cabdi Ayuub la hadlayey gaar ahaan qolyaha idaacadda waxa uu ka tegey dardaaran qiime leh oo nool xilli kasta, waxaa nu yidhi: “marka aad dad u warramayso waa in aan lagu odhan ‘waar muxuu yidhi?!; Waa na in aanay ku odhan buu yidhi ‘waar maxaa helay?!” Xaajigu waxa uu abaar gaag-ma-reeba ah oo kale ku tilmaamay in wariyaha la fahmi waayo warkiisa; ha dedejiyo ama ereyo aan isku xidhnayn ama qallooc leh ba ha adeegsado’e. Dhinaca kale na waa la mid buu yidhi haddii weriyuhu la daaho warkiisa oo kol ba hadalkiisu dhegtii nuugaysey ka go’o.

Nuqsaan iyo lib-seeg ka weyni ma jiro oo hubaal waa meel-ka-dhac haddii wixii aad is lahayd soo tebi ama aad gudbinaysey la fahmi waayo ama xiisihii loo qabey ba karaar-jab ku yimaaddo ama ka suulo ba oo ishu ka soo booddo ama dhegtu ba shuban waydo oo iska daboosho oo la maandiido. Waa taas ta maanta laga qaylo-dhaaminayaa, waana dhif iyo nadir inta masiibadaas ka badbaadaysaa. Gaajadii warku na waa marka ay qawedka iyo qadoodiga is mudanayaan, “war la’aani na col bay hoddaa” hore ba loo yidhi oo baahidii warku na weli way jirtaa. Bal ad ba!

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

 

 

 


This post has been viewed 2124 times.

Categories: Daily Somali News, OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal