Samirka badani doqonniimo ayuu dhalaa.

Waxa Daabacay on Dec 30th, 2012 and filed under Daily Somali News, OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Whenever hearts unite, circumstances improve.

Maxaa dadkayga u diiday in ay dantooda dhinac ka wada arkaan?

Maxaa markii dhirbaaxo lagu dhifto ay dhabanka kale ugu dhigtaan, iyaga oo ku faanaya in ay nabad jecel yihiin oo nabadda Somalilandna ay xaggooda ka dhisantahay?

Haddaba waa yaabe nabaddan ay iyaga uuni sheeganayaan, ayaa ku nool oo horumar ku gaadhay,  maxayse ku haystaan in lagu wiirsado oo wax kasta oo caqligu diido lagu dayo mooyee???

Taladoodiiba ma waxa ay noqotay hadal madhan iyo in goosanba meel lagula shiro oo la aamusiiyo faa’iido la’aan.

Miyaanay ogayn hadal aan ficil lahayn marka lagu celceliyo in uu ismasaxo, oo uu isku beddelo cabasho iyo calaacal qofka qiimo tira, oo dabadeed noqda mid la yidhaa “MAQLI JIRAY, WAA WIXIISII,  MAANTANA MUXUU YIDHI AMMA LA YIDHAA WAA XUNBOO LABA CASHO KADDIB AYUU ISKA QABOOBI!!” Iyadoo aan wax cabsi ah laga qabin in uu wax ficil ah la iman doono haba yaraatee.

Sidaa marka aan leehay uma jeedo in dadkaygu dulmi sameeyaan, sharci jabiyaan amma kuma guubaabinayo fidmo. Laakiin waxan uga jeedaa in aanay qaadan dullinimo. Oo aanay noqon dad liita oo karti darro darteed aan ka damqannin dulmiga iyo caddaalad darrida.

Waxan arkay marar badan oo ay dhibaatooyin soo mareen, oo ay xanuun daraaddeed ka sara kaceen, haddana ay aayar uun iska qaboobeen. Waxan arkayaa arrimaha maanta socda, ee aan sharciyadda Somaliland dhigatay iyo ta caalamka midna aan waafaqsanayn ee sida badheedhka ah loogu xad gudbiyo dadnimadooda.

Arrimahaasi markii aan arkay ayaan isweydiiyey su’aalaha aan ku bilaabay qoraalkayga. Waxanan inta karaankay ah isku dayi doonaa, in aanan dib u fiirsan dhacdooyin dambe oo lagu dhibaataynayo dadkayga. Ee aan ugu yaraan qoraallo ka samayn doono.

Marxaladdii ugu dambaysay ayaa samirkii dadkaygu marayaa, inta ila midka ah iyo inta iga sii shishaysaba waxan leehay enough is enough.

Intaad Foorartaan waa la idiin Fikirayaa!

Abu Hurairah (May Allah be pleased with him) reported: The Prophet (PBUH) said, “A believer should not be stung twice from the same hole.” [Al-Bukhari and Muslim].

During the Battle of Badr, one of the disbelievers taken prisoner by the Muslims was Abu Azzah, a poet who often attacked Islam and the Prophet. When the Prophet decided that the prisoners could be freed in return for ransom, Abu Azzah spoke to the Prophet and appealed to him to grant his release without a ransom, because he was poor and had a family to support. The Prophet granted his request after the man pledged that he would never criticize the Prophet or attack Islam. However, soon after he was granted his freedom, Abu Azzah reverted to insulting the Prophet and bad mouthing Islam in his poetry. Some time later, he was again taken prisoner by the Muslims. Again he appealed to the Prophet for his release, protesting that he had a poor family to support. In reply to his appeals, the Prophet made this statement: “A believer is not stung from the same hole twice.” and ordered him to be killed.

Whenever hearts unite, circumstances improve.

Farxiya Cali Aw Cabdi.

UK

 

 

 

 

 

 

 

 

 


This post has been viewed 4315 times.

Categories: Daily Somali News, OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal