Reer Awdal iyo Salal hadduun bay fahmeen Somaliland.

Waxa Daabacay on Dec 26th, 2012 and filed under Daily Somali News, Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Reer Awdal iyo Salal maanta ayuun bay fahmeed Somaliland.

 

Awdalpress – London – Sida aan ku soo sheegay faallo hore oo ku qoran shabakadda awdalpress.com, waxa Somaliand ka curtay isbeddel siyaasadeed oo hor leh. Waxana uu la kowsaday doorashadii degaanka Somaliland ka dhacday 28kii bishii November 2012. Taasi oo shacabka reer Awdal iyo Salal ku keentay faham cusub oo siyaasadeed, dadaal iyo karti cusub oo ay mar kaliya ku arkeen qiimaha ay ku dhex leeyihiin Somaliland iyo in horumarkoodu ku dhex jiro sida ay ula shaqeeyaan amma uga shaqaystaan Somaliland.

 

In badan ayaan arki jiray amma maqli jiray dadweynaha gobolladaasi ka soo jeeda oo marka ay xansanayaan Somaliland ku sheekaysanaya SNM ayaa dhulka haysata, Mujaahidka la sheegayaa ma dhagar qabihii na dilay ayaa mujaahida iyo Isaaq ayaa dalka gumaysta. Waxana ay aad uga fogaayeen fagaarayaasha iyo xafladaha bulshada Somaliland fahamsanayd ay samaysanayaan. Marka aad sababta ka maqnaashahooda weydiisana waxa ay kuugu jawaabi jireen, “waar naga daa, ma waxan tagaa meesha qabyaaladda lagu walaaqanayo ee Mujaahid iyo SNM lagu hadal hayo, ee Calankii xabaaluhu ka lushan”.

 

Oo hadda ogoobey,  marka aan anigu ( Ahmedweli ahaan) tago xafladaha reer Somaliland ee aan ka qudbadaynayo , ee aan weliba wax ka sheegayo dhalliilaha ka jira Somaliland iyo dadka Somaliland cabsan ee qurbahaba, waxa aan dhinacooda (aan dhex joogo) ka ahaa nin jira, xaqiiqooyin badan oo aan u sheegana waabay u khushuucaan, anna waxaban  markaa isku arkaa in aan  ka fariidsanahay rag iyo dumar badan oo aan shirarka isugu nimaad…..hadda  anigu shakhsiyaadka qaar dadkaa ka mid ah waxa aan  u arkaa dad qiimo badan ammaba iga qiimo badan. Xilliyada qaar  aan ka qayb galayo xafladahooda waxan ku tamanniyi jiray,  oo malaha haddii reer Tolkaa meesha  maalin uun soo cammiri lahaa wax weyn ayey ka  beddeli lahaayeen, haddii ay Mujaahid iyo waxa la halmaala ay diiddan yihiinna waaba laga dayn lahaa, oo ereyada ay xasaasiyadda ka qabaan way ka bogsan lahaayeen. Mase dhicin in ay xataa maalin uun ka soo qayb galaan xafladahaasi waanay iska xaaraantinimeeyeen. Ku darsoo farqi dhaqanna waa jiraa.

 

Anigu waxan is idhi malaha waxanay helin siyaasiyiin wacyi gelisa, oo shikiga ka saarta. Tustana in Somaliland ay tahay nidaam ay dhinacooda wax ku qabsan karaan. Sida ay moodayaanna aanay ahayne,  qaybta ay ku leeyihiini ay ku xidhan tahay iyaga laftooda. Balse aanay ka sugin nin  isaguba wax sii raadinaya.

 

Doodaha qaar marka Somalilanderska amma badi dadka beesha Isaaq ay la doodayaan Samarroon amma dadkaa ka soo jeeda Awdal iyo Salal, ayaan qosli jiray…kkkk  waayo waxa ay ahaayeen kaaf iyo kala dheeri. Had iyo jeerna ka Isaaq waxa uu iska dhigi jiray rasuulka fidinaya mabda’a Somaliland, kuwa ka soo horjeedana malaha waxaba ay u arkayeen gaalo in lagu shahiido ku fiican, halka Gadabuursiguna uu iska dhigi jiray ka la qabsaday ee dulman amma xaqdarrada loogu dawladaynayo, af gobaadsigooduna ahaa nabadda ayaan ilaalinayaa ee in aan dagaallanno kama cabsiyi nagama hayso. kaftannada qaarna waaba lagu kala yaaci jiray. Hadda ogoobey aniga laftaydu wakhtigaa, mabda’aygu kolba dhinac ayuu ahaa oo xantayda waan la socday, igamana ahayn in aan bilaa mabda’ ahay, balse doodda degaannada iyo dhacdooyinka ayaa kolba dhinac ii jiidanaysey, waxa kale oo aan la laba lagdoomayey caddaaladda oo weli maqan. Oo weliba dadkaygu tirsanayo caddaalad xumo iyo saami qaybsiga oo aan hagaagsanayn.

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa da’ tirsaday wakhtigii Somaliland jirtay, waxa xididdadoodu fogaadeen nidaamka dawladnimo ee maanta doorashada lagu galay, ee shalay doorashada lagu galay. Bisayl siyaasadeed ayaa loo gudbay. Sida muuqatana damacii iyo tartankii ayaa cirka isku sii shareeray. Waa la kala fur furtay, oo haybtii qabiil ayaa dib u soo noqotay. Ha soo noqotee, dhinaca dawladnimo waxa ay ku yeelatay waji taban iyo mid togan. Ka tabani waa calool xumo ay kala qaadaan beelaha walaalaha ah, amma Isaaq  dhexdii ha ahaadeen amm Gadabuursi iyo Ciise. Harti u geli maayo, oo weli way dambeeyaan, sheekada aan ka sheekaynaynana weli may soo gaadhin.

 

Dhinaca toganina waxa uu keenay doorasho xalaal ah, oo qof walliba degaankiisii u taliyo. Waxa uu meesha ka saaray is huwanaantii iyo boobkii qarsoodiga ahaa, ee qof walliba uu libaaxa ahaa. Dhul boobkii ay dadka qaar dhul aanay lahayn iska sheeganayeen ayaa la xabaalay. Sheekadu marka ay halkaa marayso ayuu Gadabuursi fahmay macnaha Somaliland. Haddii uu fahmayna waxa uu gude iyo dibadba si cadho leh uga jawaabay, sida ay uga go’an tahay in ay dhulkooda uga taliyaan iyaga oo reer Somaliland ah. Taageerana waxa ay markii ugu horreysey la garab joogsadeen doorashada degaanka Somaliland ka qabsoontay. Sidaasi daraadeed waxa ay qayb weyn ka qaateen doorashadii degaanka ee ugu dambeysey.

 

Muddadii doorashada loo soo socdayna waxa lagu gambalay amma lagu khammaaray dhulkooda iyo jiritaankooda, waxanan markhaati u haysannaa sida ururkii laga badiyey ee Xaqsoor uu u dhigay shaxdiisii ahayd adna wax hel beelaha walaalaha ( Gadabuursi iyo Ciise ) ahna isku jabi, oo ahayd siyaasad aad u gurracan isla markaana Somaliland ku ahayd qaran dumis. 

 

Madaxweyne Siiraanyo oo ah nin waaya aragnimo tirsaday, kursiga uu ku fadhiyana u soo dulli cunay, ayaa isna noqday shakhsi ay waxgaradka degaannada Awdal iyo Salal u qiraan in uu yahay nin jira. Taariikh fiican ayeyna u dhigeen markii bishii hore ee November 2012ka, Jaamacadda Cammuud lagu guddoonsiiyey Shahaahadda PhD oo lagu sharfay ( Libaax waa og yahay nin galladay iyo ganayba ). Hadda  la iskama siin uun, waxa la qiimeeyey waxqabadkiisa, daacadnimadiisa uu kula dhaqmo reer Awdal.  Wakhtigaa ogoobey lama moogeyn in uu maamulkiisu weli janjeedho, oo aanu weli toosnayn. Dadkana wax badan oo saamiga maamul ee dalka dhalliil ka tirsanayey ayaa jiray. Gogol baana loo dhigtay, oo waatii la ogaa war saxaafadeedkii xildhibaannada uu Ahmed-yaasin Sh Cali Ayaanle hoggaaminayey wacdarihii ay dhigeen. Balse shaxdiisa dawaladnimo ee Ahmed Siilaanyo waxa ay iska ahayd  dallaalimo uu kaga gudbayo dooxa uu dhex joogo, taladuna isaga ma dhaafsiisna, oo wasiirradiisa tirada badani way iska badan yihiine inta talo mugle wasaaraddooda ugu talisaa waa faro ku tiris, xaalka uu wasiirrada ku soo xushaana weli xul maahee waa xal.

 

Haddii aan taariikhda  Somaliland ee gobollada galbeed dib u milicsanno, waxa dadka reer Awdal soo maray madaxweyne ka dhashay, oo muddo dheer hoggaamiyey Somaliland, waxa uu ahaa nin shakhsi ahaan hoggaamiye ah, gobolkii Awdalla waxa uu u kala jaray Awdal iyo Salal, sida uu wax u qaybiyeyna waa la ogaa. Oo reer Awdal iyo Salal midna kuma qanacsanayn. Haddii aan lagu qancinna lagama dhiidhiyin. Wasiirrada iyo Agaasimayaashu iska sidan ayuun bay ahaayeen, oo saamiga xaafaddu ma fiicnayn ammaba iska suququl ayuu ahaa. Marka odayada reer Awdal dood ula tagaanna waxa beerlaxawsigiisu ahaa ‘ waar kursigii ugu sarreeyey ayaan ku fadhinaa oo taladiiba innaga ayaa haynee, dib u joogsada.’ Wasiirradiisana mid degaankaa galbeed ka soo jeedey oo lagu xanto in uu awood gaar ah leeyahay ma jirin.

 

Isku soo wada duuboo, Rayaale taariikh waxqabad oo uu dadkiisa uga tagey may jirin. Laakiin ceeb uu kursiga kaga dhaadhacay oo reer Awdal lagu eedeeyo amma dhaxal u noqday kama uu tegin. Taasi dambe ayaana reer Awdal sharaf iyo maamuus u ah. Ta dooddooda ay cid walba kaga adag yihiinna waa taasi.

 

Ugu dambayn, reer Awdal guud ahaanba amma gaar ahaan qurba jooggu waxa ay u soo jeesteen sidii ay nidaamka Somaliland qaybtooda u qaadan lahaayeen, iyaga oo aan cidna u daba fadhiisan.

 

Ahmedweli Goth

 


This post has been viewed 2894 times.

Categories: Daily Somali News, Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal