Saylac Ayaa Isku Haysta?

Waxa Daabacay on Dec 24th, 2012 and filed under OPINION. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Waxa degaamada maamulka Soomaaliland bishii November 28, 2012 looga dareeray doorashadii golayaasha degaanka (Municipal Elections). Doorashadaasi badankeedu waxay ku dhamaatay si nabadgelyo ah marka laga tago dhowr meelood oo ay ku dhaawacmeen ama kuba dhinteen dad muwaadiniin ah oo siyaabo kala duwan waxyeelo u soo gaadhay. Hadaba isla markii tirintii dhamaatay ee gari laba nin kama wada qoslisee natiijadii soo baxday waxa si degdeg ah uga bilowday deegaamada qaarkood cabasho beelaysan iyo eedaymo qaawan oo lagu weerarayo beelaha ay ka soo jeedaan mudanayaasha ku guulaystay tartankii loo dareeray ee ku dhamaaday sida farxada leh.

Hadaba beelaha aadka u aflagaadoonayay, nidarkana ku marayay inaanay ogolaanayn maxsuulkii doorashada waxa ka mid ahaa beesha Ciise ee ay Soomaalidu u taqaano beesha Djabuuti; baryahan dambese aadka ugu faanta inay tahay beesha Salal (Saylac iyo Lughaya), gaarna u leedahay labadaas degmo. Hadaba arinta is waydiinta mudani waxay tahay ma af hayeenada beesha Ciise ayaa been sheegaya mise doorashooyinka la qabto natiijadooda ayaa been ah oo gudiyada doorashooyinka ayaa si gaar ah col ula ah beesha Ciise? Ilayn maaha markii ugu horayse ee doorasho dhacdo e.

Bal hadaba akhristoow si aad su’aashaa jawaabteeda u hesho aynu dib ugu yara noqono inagoo aanan ku fogaanayn taariikhda Saylac iyo doorashooyinkii soo dhacay si aynu u dul joogsano halka ay wax ka khaldan yihiin.

Ani Fows (Any Voice).

Markii ay xoriyadu soo dhawaatay ee la ambaqaadayay golihii baarlamaanka ee xukuumadii gobolada waqooyi; markay arkeen siyaasiyiintii iyo cuqaashii Gadabuursi in Ciise aanu cod doorasho ah ku heli Karin kuraas, waxay si karaamo leh ugu sooryeeyeen wallaalahoodii Diridhaba (Ciise) labadii kursi ee degmada Saylac oo aan tartan lagula galin. Sidaasaanu Ciise laba kursi oo bilaash ah (uncontested) ugu lahaa baarlamaankii Jamhuuriyadii Soomaaliya intaanu kacaanku qabsan 1969.

Doorashadii Baarlamaanka Soomaaliland 2006.

Saylac waxay ahayd degmo ka tirsan afarta degmo ee Gobolka Awdal (Borama, Saylac, Baki iyo Lughaya) Ciisena wuxu xor u ahaa inuu ku tartamo dhamaan 14kii kursi ee Gobolka Awdal. Hadaba akhristoow waynu ogayn wixii dhacay intaan doorashaba loo dareerin, in siyaasiyiinta iyo cuqaasha Ciise ku doodeen waxan rabnaa kuraas aan lanagula tartamin (Any voice);  waxase aanay ogayn in taariikho badani ka dambeeyeen February 1960; Ciisena galodo badan oo aan lagu qordinnini keligii soo mareen, wanaagii iyo sooryadiina ku badalay colaad qayaxan, oo qaawan oo uu kala hor yimid abtiyaaladii shalay u loogay ee wankii reerka ku jiray geedka keligii ugu xidhay (gar iyo gardaraba) iyagoo aan wax buuran gacanta ku hayn, in badan oo ka mid ahina ay qatanayd…abtoow sidaan kuugu lisay iigumaad hambayn iyo hashu maankayga gadaye ma masaar bay liqday ayuu hadal ku gudhay. Wixii doorashadaas ka soo baxayna nin walba waa og yahay oo in laga sheekeeyo uma baahna.

Maantana Maxaa Dhacay?

Bal akhristow aan isla garano wixii is badalay iyo doorarka ay ciyaareen Madaxweynaha Jamhuuriyada Djabouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, xisbiga Xaqsoor ee madaxda ka yahay Mudane Xasan Ciise Cabdi oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii SNM isla markaasna noqday madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee is maamulka Soomaaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Axmed Maxamed maxamuud – Siilaanyo.

a)     Doorashada dhacday November 28, 2012 waxay tii ka horaysay ee degaanada kaga duwanayd shakhsiga ayaa toos loo dooranayay halka tii hore liisto xisbi lagu soo baxayey, oo mar walba liiska inta ugu horaysa uuni ay buuxinaysay kuraasta uu xisbiga ka helo golaha degaanka ee degmada. Waana liistadaas ta uu Ciise Mayor (duqa magaalada kaga ahaa) Saylac ku ahaa tobankii sano ee la soo dhaafay; iyadoo aan wax dhibaato ah loo geysan.

b)    Sida ay xaqiijiyeen wax garad ka soo jeeda beesha Ciise xisbiga xaqsoor wuxu qandaraas ka soo qaatay Ismaaciil Cumar Geelle iyo niman tujaar ah oo reerkaas u dhashay oo reer Djabouti ah; isagoo lacag hormaris ah oo $200,000 ka soo qaatay ayuu si qaawan oo qabiil kala sooc ah ugu gooni yeelay dhamaan xubnihii uga sharaxnaa labada degmo ee Saylac iyo Lughaya beesha Ciise.

c)     Shirkii carta Ismaaciil Cumar Geelle oo marti loo ahaa wuxu ku dooday inuu Ciise leeyahay Saylac iyo Lughaya ayna tahay in Ciise iyo Gadabuursi wax is le’eg laga siiyo baarlamaankii Carta lagu soo dhisay. Hadaba markuu arkay inay beentaasi soo afjarmi karto haddii Gadabuursi ku guulaysto doorashada degaanka ee labadaas degmo wuxu u isticmaalay dhamaan cududii dowlada Djabouti sidii dad looga soo daad gurayn lahaa Djabouti iyo Ethiopia iyadoo la isticmaalayo gaadiidkii dekeda, militariga iyo waliba doonyo.

Ismaaciil Ma ku Qancay Natiijadii Doorashada?

Jawaabta oo koobani waa maya. Taana waxa daliil u ah, Ismaaciil markiiba wuxu ugu yeedhay Siilaanyo Djabouti iyada oo dunida loo sheegay inuu ka qayb galayo xaflad loo sameeyay sannad guuradii 40naad ee Af Soomaaliga. Hase yeeshee Siilaanyo wuxu kala soo noqday Ismaaciil iyo Djabouti inaanu Ciise waayi karin Duqa Degmada Saylac (Mayor).

Gunaanad.

Guntii iyo gabogabadii Saylac waxa isku haysta beesha Gadabuursi iyo Dowlada Djabouti ee Ismaaciil Cumar Geelle madaxa ka yahay. Ismaaciil wuxu weerar aan gabasho lahayn ku yahay beesha Gadabuursi, oo uu doonayo inuu xalaalaysto kuraas been ah oo uu Soomaaliya uga boobay beeshiisa Ciise. Waxase la yaabka lihi waxa weeyaan; maxaa Siilaanyo ku kalifaya inuu lumiyo sumcada intaas le’eg uuna carqaladeeyo doorasho ka dhacday maamulkiisa oo kharash iyo wakhti badani galeen, sumcadina uga soo hoyatay?

Mase ku dhici karaa inuu yidhaahdo Saylac oo keliya ayaa reer loo xidhay, lagana reebay ku dhaqanka xeerka doorashooyinka?

Jawaabta waxa laga sugayaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud- Siilaanyo!!!

Maxamed Dugsiiye

Maqaalkan waxa mas’uuliyaddiisa iska leh qoraha magaciisu kor ku qoran yahay.

 

 


This post has been viewed 1434 times.

Categories: OPINION
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal