Gaboose Hadalkaa Ka baydhee Dimuqraadiyadii Komishanka ayaa Laxashka saaray !

Waxa Daabacay on Dec 15th, 2012 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Qoramdaydan oo ku saabsan doorashadii golayaasha deegaanka ee Somaliland ka dhacday dabayaaqadii Novanbar iyo ku dhawaaqistii natiijadeeda qaabkii looga hadlay iyo dareenada ay ka bixiyeen siyaasiyiinta ururada hadhay ayaan salaan ka dhigtay Hadalkii Dr,Maxamed Cabdi Gaboose oo isagu ahaa siyaasigii hadalka dhiiran ku duray qaabkii isdabamarinta ahaa ee komishanka doorashooyinku u habeeyeen natiijadii codadkii ay heleen musharixiintii u cararaysay golayaasha degmooyinka Somaliland.
Hadaba Aniga oo tixraac  ku samaynaya Hadalka Dr,Gaboose ee ahaa” Hadii Kulmiye guushiisa u dabaal degayo, Anaguna waxaan Naxashka(Laxashka) saarnay dimuqraadiyadii oo aan geynaynaa Xaabahalaha Durduro ee hargaysa’ Hadalkaas ka soo yeedhay Dr,Gaboose madaxii ururka Umada wuxuu iila muuqdaa in uu ahaa mid la baydhay ! Sababta oo ah ma ahayn in uu Dr,Gaboose iska dhigo ama ku cawdo in uu yahay ninka Aasaya dimuqraadiyada Somaliland, marka la eego ama la dul joogsado qaabka maamul ee Komishanka doorashooyinka Somaliland u maamulay doorashadan, isla markaana hore loogu xamanayay tii tan ka horaysay, waxay noqonaysaa in cida Laxashka saartay Dimuqraadiyada Somaliland ee iilka gelinaysaa ay yihiin Komishanka Doorashooyinka.
Kooxda Ururada ah ee Dr,Gaboose ka mid yahayna, waa kuwa kafanka ku xidhay dimuqraadiyada laxashka saaran, maxaa yeelay wixii khalad uu lahaa komishanka Doorashooyinku, ee ahayd in doorashada ka hor la saxo amase lagu soo duwo komsiahanka dariiqa ay ka baydheen, ayay daboolka saareen Ururada tartanka galayay ee imika ku hadaaqaya in la dulmay, isla markaana Afkay ka xidheen in ay sii sheegaan , wixii la qarsadaa wuu ku qarsadaa !
Komishanka Doorashooyinka ee dhexdhexaadka laga dhigtay mar walba wuxuu ahaa hunguri raadis, waxaanan Aaminsanahay in doorashadan wakhtigoodii ku eg yahay, maadaama 5tii sano ay dhamaysteen, sida ay u dhamaysteena ay tahay iyada oo ay marka hore ku yimaadeen xilka komishanka hab maxlal ah, xubnihii la magacaabay 2007diina iyaga oo aan doorashadii qaban lagu heshiiyay in la kala diro, taas oo loo qaatay xal, kooxdaasi aan hawlqabadka samayn waxay aqbaleen in ay sicasilaan si xal loo helo. kudladan hada komshanka ah ma oga ilaa hada in wakhtigoodii dhamaaday ! waxaanay u midiyo lisanayaan in ay doorashooyin dambe qabtaan, balse ma oga in kalsoonidii doorashada ee dimuqraadiyada ahaa laxash ay saareen oo Aaseen, waxaanay naruuro bulsahada u iman kartaa hadii xisbiyada soo baxay iyo hay’adaha ay khusaysaysaaba ay soo xushaan komishan cusub oo daacad ah. kuwan ceeb la yuurarka noqdayna ay ku yidhaahdaan baneeya boosaska.

Ururada hadhay iyo kuwa soo baxay waxay Aqbaleen natiijo maskaxguur ku riday xubnihii ururadu u xusheen tirinta codadka, si ay goobjoog ugu ahaadaan ilaalinta codadka ururadooda, qaarkood ayaa xeerkii lagu dabrayay khaladka la jiidhsiiyay ilaa hadana  la dawakhsan wixii ay arkeen, waxaanay afkooda ka dhawrayaan in ay yidhaahdaan Boqorku dhego dameeraad ayuu leeyahay ! balse maaha in warbaahintu Arimaha noocan oo kale ah carab-dalable ka yeelato, waxaana fiican in la cadeeyo in Komishanku Dhego dameeraad leeyahay.
Isla markaana hadaan maxkamad la keenin komishanka waxaas falay ay bulshada iska qariyaan, doorashadii hore ayaa dadka qaarkii qabeen in shahaado la siiyo, hase ahaatee imika ayay u baahan yihin in la siiyo shahaadada dilka dimuqraadiyada.
Guntii iyo gabagabadiina waxaa fiican in khaladaadkii doorashadani lahayd si cilmi ah loo baadho lana qoro, khaladaadkaasi oo ay ka mid ahayd in xubnaha komishanka ee heerka qaran ku magacaabani ay maamulayeen gacantana kula jireen doorashada  heer degmo ilaa gobol, meelaha qaarna ay gaadheen in sanduuqyadii ay faraha ula tegaan, waxaa aad loo xasuustaa toban sano ka hor xubnihii komishanka joogay kuwaas Awood u siiyay komishanada gobolada iyo degmoyinka in ay isticmaalaan Awoodooda maamul iyo dhaqaalaba. wixii khalad ahaa ee doorashadan soo baxayna waxaa haboon in la shaaciyo si loo soo noleeyo dimuqraadiyada komishanka doorashooyinka Laxashka u saaran ee iyaduna Laxashka dushiisa ka leh waar yaan la i Aasin naftaa igu sii jirtee !

Awdalpress

Hashim Goth


This post has been viewed 857 times.

Categories: Editorial
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Awdal Media by S R H