Nin u hadlay xarakada Al-shabaab oo sheegay in ay dagaalka sii wadi doonaan.

Waxa Daabacay on Dec 13th, 2012 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress –  Muqdisho – Xarakada Alshabaab ee dalka Somaliya laga sifaynayo, ayaa mar kale wacad ku martay inay sii wadi doonaan dagaallada ay ka wadaan Soomaaliya oo ay kula jiraan Ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Nin lagu sheegay Amiirka Koowaad ee Xarakada Alshabaab oo lagu magacaabo Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr oo farriin Maqal ah soo dhigay Bogga Xarakada Alshabaab ayaa kaga hadlay dhinacyo badan ee xaaladda Soomaaliya maanta ay ku jirto, isagoo soo hadal qaaday dagaalladii ugu dambeeyey ee ay la galeen Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale ninkan sheegtay Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr wuxuu sheegay in dagaallada ay kula jiraan AMISOM iyo dowladda ay yihiin dagaalo xaq ah, dagaalada ayuu sheegay inay sii socon doonaan oo aan marnaba hakan doonin.

“Jihaadka socda waxaa u geeriyooday dad badan oo Mujaahidiin ah dhiigoodana ku baxay dhammaanteen waxaan mari doonaa wadadaasi, waxaan muujin doonaa geesinimo, dagaalada Cadowga ku soo duulay dalka dhammaanteen waan ka qeyb qaadanaynaa siina wadi doonaa” ayuu yiri Amiirka Xarakada Alshabaab Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr.

Wuxuu sidoo kale sheegay Dagaalada ay ciidamada Kenya kula galayaan gobolada jubooyinka inay ku naafeeyeen Ciidamada Kenya.

Sidoo kale laamaha Amaanka dalka Kenya ayuu sheegay inay awood u yeelan waayeen inay Xakameeyaan sugida amaanka magaalooyinka dalka Kenya oo Xarakada Alshabaab qaraxyo iyo dilal kala duwan ka fuliyeen.

Si walbaba ha ahaatee hadalka ka soo yeeray Amiirka Koowaad Xarakada Alshabaab ayaa imaanaya xili Xarakada Alshabaab dagaalo culus kula jirto dowladda iyo AMISOM.

Xarakada Al Shabaab ayaa ku dhaw in laga sifeeyo gobollada Koonfurta Somaliya, waxana laga qabsaday dhammaanba magaalooyinkii waaweynaa ee ay muddada ku amar ku taaglayn jireen. Dhawaqanina waa mid shakhsiga ku hadlay meel cidla ah ka yeedhayo. Waxana suurta gal ah in dhawaan nolol lagu qabto.

Awdalpress.com


This post has been viewed 585 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal