Dowladda Mareykanka ayaa u aqoonsatay mucaaradka Suuriya inay yihiin wakiilka rasmiga ah ee dadka reer Suuriya.
Wareysi uu siiyay telefishin Mareykan ah ayaa Madaxweyne Barack Obama waxa uu sheegay in xulafada mucaaradka Suuriya au hadda yihiin mid loo wada dhan yahay.
Laakiin maamulka Washington waxa ay hadda ka joogi doonaan in ay hub siiyaan mucaaradka xilligan.
Bil ka hor, ayaa kooxaha mucaaradka Suuriya waxa ay sameeyeen isbahaysi siyaasadeed oo mideysan si ay awoodda uga tuuraan Madaxweyne Bashar al-Assad.
Isbahaysiga ayaa waxa aqoonsaday Midowga Yuru, Britain, France, Turkiga iyo dhawr dal oo kale oo Carab ah oo xulafo la ah Mareykanka.
This post has been viewed 222 times.








