Komishanka: Maxkamadda ayaa ka Garnaqi doonta cabashooyinka Axsaabta

Waxa Daabacay on Dec 10th, 2012 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress(Hargaysa) 10 Dec, 12–Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay natiijadii doorashadda deegaanka ee degmada Hargeysa ay u gudbiyaan Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex si ay uga garnaqdo cabashooyinka murashaxiinta iyo axsaabta siyaasadda.

Komishanku waxa kale oo ay sheegeen in xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen dib u tirinta codbixintii doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmadda Hargeysa.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Komishanka doorahsooyinka qaranka Somaliland Md. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Gudida doorashooyinku wuxuu dadweynaha Somaliland ogaysiinayaa in doorashadii Golaha deegaanka ee ka qabsoontay Somaliland 28-kii November, ay dhacday si waafaqsan sharciga doorashooyinka Golaha deegaanka, iyagoo ay goob joogna ka ahaayeen wakiiladda xisbiyadda iyo goob joogeyaal caalami ah iyo kuwo gudaha ah.

Komishanka Doorashooyinka qaranku wuxuu maanta oo taariikhdu tahay 10/12/2012 go’aansaday in loo gudbiyo natiijaddii doorashadda ee degmadda Hargeysa maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, markii uu Komishanku dib u eegis ku sameeyay natiijadii degmadda, isla markaana hufid ku sameeyay xogta goobaha codbixineed ee faro-weyne oo ah degmo doorasho oo ka tirsan caasimadda Hargeysa.

Ka dib markii xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen dib u eegista komishanku sameeyay, waxa uu ku saleeyay natiijadda goobaha ee ay isla saxeexeen hawl wadeenadda Komishanka ee heer degmo iyo wakiiladda xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda.

Maxkamadda Gobolka ayaa ka garnaqi doonta wixii cabasho ah ee ka soo baxa xisbiyadda, ururadda iyo Murashaxiinta.

Komishanku waxay kula tallinayaan axsaabta, murashaxiinta iyo dadweynaha Somaliland in Guulihii laga soo hooyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ay ka marag kaceen goob joogeyaashii caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha inaan lagu dhaawicin khilaaf aan loo marin jidkii sharciga ahaa.

Komishanku waxa uu mar labaad ku boorinayaadadweynaha in nabadda qaaliga ah ee Somaliland ku caano-maashay, sumcadda weyn-na ay adduunka kaga yeelatay in la dhawro.”

Sabtidii todobaadkan ayay Komishanka doorashooyinku sheegeen inay dib u tirinayaan codbixintii natiijaddii doorashadda degmada Hargeysa, ka dib markii ay magaaladda Hargeysa ka dhaceen mudaharaadyo lagaga soo horjeeday natiijada Hargeysa ka soo baxday ee la shaaciyay habeenimadii khamiistii la soo dhaafay.

Dawan


This post has been viewed 537 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal