Afhayeenka AMISOM iyo Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay Qabsashada Degmada Jowhar

Waxa Daabacay on Dec 9th, 2012 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – Muqdisho – Afhayeenka AMISOM ayaa xaqiijiyay in AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, sidoo kale afhayeenka Al-shabaab ayaa isaguna sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Jowhar.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay gudaha u galay degmadaas oo ay isaga baxeen xoogaggii Al-shabaab, waxaase qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen saldhigga booliiska iyo buundada degmada iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

“Saakay ayaan la wareegnay gacan ku haynta degmada Jowhar; hadda waxaa lagu jiraan sugidda ammaanka,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo la hadlay warbaahinta, isagoo intaas ku daray: “Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isbarbar-socda ayaa galay degmada, waxaa dhacay dagaal kooban.”

Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa isaguna u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inay xoogaggoodu ka baxeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo ka bixitaankooda ku sheegay xeelad dagaal.

“Dagaalyahannadeenna xeelad dagaal ayaa uga saarnay Degmada Jowhar,” ayuu yiri Abuu-Muscab, isagoo intaas ku daray: “Cadowga waxaan ku ugaarsan doonnaa gudaha iyo dibadda Jowhar.”

Taliyaha guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa qabshada degmada Jowhar ku tilmaamay arrin weyn, isagoo sheegay inay la wareegeen saldhig weyn oo ay Al-shabaab ku lahayd bartamaha Soomaaliya.

“Qasashada degmada Jowhar waxay nagu hoggaaminaysaa inaan sugno ammaanka dadka ku nool gobollada Hiiraan iyo Shabeellooyinka,” ayuu yiri taliyaha AMISOM, Jen. Gutti. “Ciidamadeenna isku dhafka ah hadda waxay gudaha degmada ka sameysteen difaacyo, dadkana degmadana waxaan ugu baaqaynaa inay is-dejiyaan.”

Dhanka kale, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay degmada Mahadaay ee Shabeellada Dhexe oo dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar, iyadoo taasina ay u sahashay ciidamada dowladda iyo kuw AMISOM inay qabsadaan garaoonka diyaaradaha ee Jowhar oo dhinaca waqooyi ee degmadaas ku yaalla.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay horay uga qabsadeen degmooyin ay Al-shabaab awood badan ku lahayd, kuwaasoo ay ka mid tahay Kismaayo oo ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku lahaayeen Koonfurta Soomaaliya.

Hol


This post has been viewed 355 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Jamalsoft and Awdal Media by Jamal