Rabshado ka dhacay Hargeysa iyo ciidammada oo xoog ku muquuniyey.

Waxa Daabacay on Dec 7th, 2012 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress – Hargeysa – Rabshado Xooggan ayaa caawa ka dhacaya Koonfurta Magaalada Hargeysa, halkaasi oo laga maqlayo dhawaqa Rasaasta Ciidanku ku kala hortageen Taageerayaasha ururka Xaqsoor oo la sheegay in aanu ku qanacsanayn afar xubnood oo uu ka helay Degmada Hargeysa iyo meelo kale.

Dadwayne Gadoodsan ayaa muddaharaad Rabshado wata ka sameeyey xaafadaha Siinaay iyo October ee koonfurta magaalada Hargeysa, Illaa hadda lama oga khasaaraha rabshadahaasi abuureen balse waxaa la sheegayaa in xaaladu aad u kacsantahay ciidanka amaankuna ku hawlanyihiin sidii loo kala dareerin lahaa dadwaynahaasi gadoodsan.

Ciidanka ammaanta iyo kuwa Millatariga oo wata gawaadhida gaashaamman ayaa si xad dhaaf ah loo keenay goobaha ay rabshaduhu ka socdaan. Waxana ay ciidammadaasi si toos ah amarka uga qaadanayaan taliyaha ciidanka qaranka Somaliland iyo Madaxtooyada. Ilaa iyo immigana taliyaha Boliska qaranku kama hadal rabshadahan.

La soco wixii ka soo kordha

Awdalpress.com


This post has been viewed 835 times.

Categories: Daily Somali News
Tags:

Comments are closed

Advertisement
Log in
/ Awdal Media by S R H